Sideen ku gaaloobay?

S
SIDEEN KU GAALOOBAY?
Waa sheeko taxane ah oo warinaysa safarka uu maray wiil soomaaliyeed oo ka dhashay qoys culimo ah iyo guri diimeed ugu danbayntiina go’aansaday inuu diinta ka baxo. Waxaa qoray Muxsin Jaamac
Eeg Qaybaha Sheekada
#1 Waayahaygii Caruurnimada
#2 Is badalkii Noloshayda
#3 Ku biiristaydii Maxaakiimta
Qaybta koowaad

Waayahaygii Caruurnimada

Waa goor fiid ah, waxaan dul jiifaa firaash dhexyaal qol ay laambad daciif ahi ka baxayso. Gacanta midig ayaan moobil yar ku haystaa. Waxaan marba dhan u mushaaxayaa ciwaanada aan ku leeyahay baraha bulshadu ay ku kulanto. Judhiiba ishaydu waxay qabatay maqaal aan dhawr caana maal ka hor qoray.
Waakan alaylahe Facebook-gu uu maanta isoo xasuusiyay. Ho’gaaa!! ma afar sanaa ka soo wareegtay? Alla muxuu waqtigu sidii tusbax afka ka go’ay u socdaa! Muxuu caawa maqaalkani xasuus i galiyay. Waxaan xasuusanayaa duruufihii aan ku jiray markaan qormadan aan qalinka u qaatay.

Bal aan xasuuta dib u celiyo caawa, inkastoon tariikhda dhalashadayda aysan sugnayn, se waxaa igu maqaalo ahayd inaan dhashay xili jilaal ah oo ay colaad ba’anina ka jirtay degaanka ay reerkayagu daganaayeen. Waa xilli ay dawladnimadii dalku gabi ahaanba duntay oo uusan shaqaynayn wax nidaam ah. Waqti halmar ay wada laalmeen naxariistii ebbe iyo tii aadaneba. Deegaanku waxa uu magan u ahaa culimo qoryo sidata iyo jabhado midba ujeedo gaar ahi ay wadato oo marba qoladii qabsataa ay ugu sarrayso. Maysan jirin wax guud oo bulshada waqtigaas mideeya, waxay ahayd xilli ay sidii dhalo mutuleel ku dhacday ay wax walbaa oo is haystay u kala firdhismeen.

Waxaan xasuusta caruurnimadaydii markii ay hooyaday tariikhdii yaraanteeda iyo siday u soo ababtay inooga sheekayn jirtay wajigeedu inuu is badali jiray. Inkastoon waqtigaas dareen saa u sii ridan aanan ku dareemi jirin is badalka wajigeeda marka laga reebo habeen ay inooga sheekaynaysay waayaheedii waxbarasho iyo ababinteedii oo indheedu ilmada xajinsan kari waayeen.
Habeenkaas, waxay aad inoogu kala dhig-dhigtay haybaddii iyo maqaamkii uu ardaygu xilligaas lahaa iyo kaalinta uu bulshadiisa ugu jiray. Inkastoo waqti badan ay ka soo wareegtay oo aanan ereyadii badnaa ee afka hooyadey ka baxayay wada xasuusan karayn, se waxaan aad u xasuusta oraah aad iigu soo noq-noqon jirtay, uur-kutaallana igu reebtay, waqtigaygii aan dugsiga sare dhiganayay. Kelmado sidii leebka wadnahayga ugu taagnaan jiray waqtigii aan waynaaday, oon bar-bar dhigi jiray waayahaygii waxbarshada hoosse iyo dugsi quraankaygii uu macalimkii naxariista darnaa ee lug-laawe horjoogaha ka ahaa.

Nuxurka oraahdii hooyaday waxay ahayd sidatan:

Hooyo waan kaa nasiib wacnaa, waayo waxaan ku dhashay goob ay noloshu dhan walba ka dhamaystiran tahay. Waxaan ku dhashay isbitaal lagu dhisay lagactii dadkayga, Waxaan dhashay goor aan laga baqayn dhiig bax inay hooyadey u dhimato. Waxaan ku hoos dhashay dalkayga oo cudud iyo cawoba waqtigaas lahaa. Hooyo waan kaa waxbarsho wanaagsanaa, waxaan wax ku bartay manhaj soomaaliyeed iyo dugsi dawli ah oo bilaash ah. Waqtigaygii dhalinyaranimada, alla maxaan hooyo kaa wanagsanaa , waxaan kusoo beegmay waqti muqdishadaad arkayso maanta uu habeenku ka wacnaa malinka, oo aan u cawees iyo casho taggi jirnay xeebta liido iyo hoteellada safan. Xilligeenii dhalinyarnimada waxaan u dalxiis tagi jirnay gobolada iyo daafaha dunida oo xayndaabka maanta idin haystaa inamuusan haysan “Alla maxaan kaa nasiib wacnaa”. Waxaan xasuusta xilliyada fasaxa iskuulka inta basas la inagu qaado ayaa la inoo dawaaf gayn jiray fiinta sare ee buurta daallo iyo daafaha goob-wayn. Waxaan xasuustaa sannad la inoo dalxiis geeyay jasiirad kismaayo ku dhawayd oo aan cawooyin badan ku dhaxnay kaymaheedii cagaarka badnaa, kuna dhex tamashlaynay caariga xeebeheedii quruxda badnaa Hooyo

Sheekooyinka hooyday marka laga yimaado xiisahooda, waxaa jirtay arrin kale oo aan waagii danbe ee aan si wacan u garaadsaday, waydiimo badan igu dhaliyay. Inkastoo duruufihii waqtigaas igu gedaamnaa aysan ii suura galin karayn inaan si toos ah cid kale ula wadaago si aan ugu yaraan wax uun nafis ah uga helo hadana tuhun iyo shaki aanan waxba ka qaban karin, ayaa xiliba xiliga ka danbeeya naftayda weerar xooggan ku hayay.
Waxaan xasuusta 2003 xilli aan dugsiga dhexe fasalka 8aad dhiganayay, sheeko aad u xiiso badnayd oo aniga iyo macallinkaygi tarabiyadda na dhex martay. Ka sokow xiisaha sheekada runtii malinkaas waxaan dareemayay inaan culays badan oo maskaxda iga saarnaa aan iska dajinayo. Daqiiqadihii aan isku warcelinaynay aniga iyo macalinkayguna waxay ii ahaayeen daqiiqadihii ugu nafiska badnaa intaan ka xasuusto xilligii tacliintayda iskoolka dhexe.

Waxba yaanan hadalka idinku sii dheerayn’e aan si koban u sawiro jawigii Maalinkaas iyo siday wax u dhaceen. Waxay ahayd xilli duhurnimo ah oo ay qorraxdu aad u kulushahay. Ku jiritaanka xilli xagaaga oo magaalada laga xagaa baxo kasokow waxaa foodda inagu soo hayay imtixaankii shahaadiga ahaa oo kulaylka aanu jirka ka dareemayno waxa inooga darnaa kan aan maskaxda ka daremayno. Waayo waxaan taaganayn, marxaladdii aan ugu gudbi lahayd tacliinta sare. Waxaa ina sugayay imtixaan ka adag imtixaan walba oon horay usoo marnay. Waxaan dhex taagnahay xafiiska iskoolka, si aan uga qaato buuggii aan ardayda ka xaadirin jiray. Bariidin macalimiinta ah kadib, waxaan khaanad dhanka midig xafiiska ku taallay kala soo baxay buuggii, wax yar markaan u soo jihaysan rabay dhanka fasalka ayaan isha ku dhuftay macalinkii nagu lahaa xiisadda koowaad maalinkaas oo ahayd tarabiyadda islaamka.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa kuma Daarwiin?

Salaama calaykum macalin Guuleed iyo wacalaykuma salaam” ayaan is waydaarsannay. Deedna waxaan innagoo isla soconna mar keliya u soo wada jaanqaadnay dhankii u fasalku inaga xigay. Xaadirintaydii ardyda kadib waxaan u jihaystay kursigaygii si aan u fadhiisto, macalinkuna xiisaddiisa uu u gudo-galo.
Macalin Guuleed waa wadaad diinta aad u bartay, kana mid ahaa ciidmadii ittixaadka ee dagaalkii saliid ku jiray. Waxa ay xabadi kaga dhacday lugta middig sinteeda oo marka uu talaabsanayo waad ka dareemaysaa socodkiisa inay hinqasho ku jirto. Waa macalin wadaadnimadu ay ka-kanaan u raacday, dhirifta iyo timaha faraha badan ee gadhka ee isku weheshaday muqaalka wajigiisa maahan mid aad daqiiqado isku xigaa, indhaha loo dhamaystiri karo. Oo ardaydu xita haday suuli aadyso iyagoo foorarsan ayay intay farta taagaan oran jireen “Macalin suuli baan rabaa“.

Inta uu jeestadii caddayd midigta ku qabsaday ayuu far-waawayn oo carabi ahayd micnaheeduna ahaa “Muxuu yahay farqiga diiniga ah ee ragga iyo dumarka u dhexeeya?” ku qoray sabuuradda hoostana ka xarriiqay. Kadibna fasalka dhanka midig oo ay gabdho fadhiyeen inta uu gadaal u soo fiiriyay yiri “Yaa ka jawaabaya?

Mid baa intay is ilowday gacanta bidix kor u taagtay.

Macalin Guuleed:  “Naayaa daji gacanta bidix oo midigta taag, kaa go’daye” inta uu indha aad mooddo qaybta danbe in laga soo riixayo ku eegay. Gabadhii intay sidii wax shil galay qaboowday ayay cod hoose ku tiri “Macalin waan ilaaway, uma noqonayo wallaahi mar danbe“.

Macalin Guuleed:Ilaahay ayaa noo sheegay dumarku inay naaqisaatul caqli (maangaab) yihiin, mar walbana inuu ninku hoggaanka hayo waxa loogu doortay waa sidan oo kale oo hadaynaan khaladka ka qaban, caqli ay iskaga qabtaan maleh“.

Aniga:Oo macalin sideeh?

Macalin Guuleed:Maxaa see ah adeer?

Aniga:eee macalin yacni gabdhuhu sow iyagan nala midka ah ee fasalka nala dhigta oo wax walbaan samaynayno samaynaya!

Macalin Guuleed:Adeer quraanka ma dhigatay?

Aniga:Haa macalin, wali waan dhigtaa

Macalin Guuleed: “Suuratul Nisaa, ma gaartay?

Aniga:Haa waan dhaafay

Macalin Guuleed: “Al-rijaalu qawwaamuuna cala nisaa’, aayaddaas fasirkeeda ma lagu baray?”

Aniga: “Macallin fasir nalama barin, se wiilasha iyo gabdhaha inay si siman wax u bartaan kolley diidi mayso”

Macalin Guuleed: “hhhh wiilyahow diintu maahan malayn ee waa wax sugan. Waxaana waajib ah sidii la inagu yiri inaan u qaadanno oo aan hadal la iska waydiin. Fiiri ilaahay iyo rasuulkiisa miyaad adigu ka caqli badan tahay kanase run sheegid ogtahay?” Inta uu giir iska kiciyay ayuu hadalkiisi intaas igu sii daray.

Aniga: Intaan naxay ayaan ku tiraabey “May, macalin waa sax diintu waa qaalalaahu iyo qaala rasululaahi scw laakin nolosha caadiga ah maxaa diidaya in caadi lawada ahaado”

Macalin Guuleed: “Caadi lawada ahaado, Maxad ula jeedaa?”

Aniga: “een macalin yacni caadi wax loo wado barto, caadi qof walba iskaga noolaado. Maxaa ku gaar ah gabdhaha oo loogu khasbaa waxaan wiilasha loogu qasbin?!”

Macalin Guuleed: “Maxa lagu qasbaa?”

Aniga: “Yacni sida inay cuntada gabadhu kariyaan, dharka wiilsha u dhaqaan, guryaha nadiifiyaan, caruurta ka yar-yar u qubeeyaan, la ilaaliyo oon lo ogoleen sida wiilasha inay..”

Macalin Guuleed: “Iney hee?!”

Aniga: “kubbad cayaaraan” Intas markay afkeyga soo dhaaftay waxaan ka war helay weedhan “kac najisyahow, bilaa akhlaaqda ah” iyo jeestadii uu gacanta ku hayay oo dhafoorka iiga taal.

Inta aan sidii qof riyo xun ka salalay kor u booday oon kursigii aan ku fadhiyayna dib u tuuray ayaan si dagdag ah isugu hagaajistay buugaagtaydii, deedna usoo jihaystay xagga hore ee fasalka oo uu albaabku iga xigay, si, aan u filiyo amarkii macallinka. Sawaxanka iyo hadallada fasalka ka dhex-yeeraya iyo ereyada jeesjeeska leh ee uu saaxiibkey Dafac dhagaha iigu shubayay waxaa ii dheerayd jeego-dharbaaxa macalin Guuleed, intii aan u soo soconay xafiiska si uu ii dacweeyo.

Bax iskoolka ka tag. Hana isku iman ilaa aad waalidkaa soo kaxayso fadarayahay caruurtaad edeb-darro la dhex joogtaa’e” ayuu maamulihii iskoolka igu yiri markii uu macalin Guuleed hadal been u badnaa uu ku quulaamiyay. Talo ayaa igu caddaatay oo garan maayo sidii aan aabahay ugu soo kaxayn lahaa iskuulka, waayo haddii uu beentii macallin Guuleed oo inkale lagusii daray -waanba ogahay in lagusii darayo’e- loo sheego, waa ii quudh gooyo oo waxaan xasuustaa sidii caaqnimada ahayd ee uu ii dilay maalinkii loo sheegay inaan dagaal xaafadeed galay. Inta uu laba dible ii xidhay, dharkiina iga mudhxiyay, deedna buume igu soo reebay ayuu matoobi (budh,dhabi) aan loo meel dayin koone walba igaga keenay. Waxaan xasuusta jirdilkii maalinkaas la ii gaystay inay argagax ka qaadeen caruurtii iga yar-yaraa, inta ay qaylo “Hooyooy ka qabo” u badnayd iyo oohin af labadii yeereen ayay gaartay ilaa uu dariska nagu soo xoomo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma nooc kamida Khamriga oo xalaal ah ayaa jira?

Maalinka heer miir doorsoomid ah ayaan galay, waxaana iigu miir-danbaysay oday Oogle oo kamid ahaa dadkii qaylada walaalahay ku soo baxay inta uu aabahay isku duubay leeyahay “War wiilku waa nafley ee sida ka daa“. Runtii waa dareen xanuun badan marka meel aad u ciirsataa aysan jirin. Qofka sidaa bahalnimada leh kuula dhaqmayaana uu aabe kuu sheeganayo, nidaam kaa celiyaana uusan jirin. Waxaan soo miirsaday hooyadey oo i dul fadhidaa, babisna ila dul yuururta.

Hooyo maba i slahayn wuu sii noolanayaa, bal qofkaas axmaqa ah eeg, muxuu wajiga kaaga dilay?!“.  Intaas iyadoo ku tiraabaysa ayaan indhaha si fiican u kala qaaday. Xanuunka ugu badan waxaan ka dareemayay qaybta sare ee madaxa iyo wajiga waayo laadkii uu igala dhacayay madaxa iyo shamiitadii ayaa isku kay qabtay oo barar ayaa indhahayga qariyay.
Aabahay waa salafi jihaadi ah aadna u aaminsan gacan ka hadal waxaan ahayn inaysan waxba ku hagaagi karin. Cadaadiska uu reerka ku hayo waxaa ka sii daran cadaabaha uu marsiiyo ardayda dugsigiisa quraanka dhigata.

Waa macalin ka sheeggan deegaanka oo gacantiisa kulul iyo jirdilka uu adeegsadaa ay sababeen in ardayda dugsigiisa ay tartamada quraanka kaalmaha koowaad ka galaan. Aniga iyo dafacba waxaanu ka mid ahayn cutubkii ugu horreeyay ee dugsiga aabahay ka qalin jabiyay. Qur’aan aan jaxiima ku dhex barannay ayaan Muddo kooban tiro afar jeer ah nakhtiiminay. Waxa aanu quudannaa dheecaanka caruurtaaas iyo ilamadooda lacagta uu ka soo shaqeeyo aabahay.

Saaxiibkay Dafac jirdilkii uu abahay u gaystay, waxay dhaxalsiisay inuu salafi aan jidh damqadaa lahayn uu ku soo baxo. Waxaan xasuustaa maalin aniga iyo isaga “waa Dafac’e” badhtamaha suuq yare ay magaladu lahayd dhex taagan ay islaan yari inagu ag dhacday -sidii aan idiin sheegay deegaanku waa xeebaleey, aadna heer kulkiisu uu u sarreeyo oo xilliyada xagaaga ahi cimilladu ay gaarto heer dadka jilicsan een awoodin inay ka xagaa baxaan dhimasho u sababto- markii dadku isku soo xumeen ayaa caagad uu dafac ganta ku haystay oo ayy biyo ku jireen la yiri keen si islaanta loogu shubo oo xaaladda ay ku jirto ee miir-doorsoonaanta ah uga soo yara baxdo. Inta uu is qalloociyay ayuu si gunuunuc ah u yiri “May xaafaddeeda iska joogto maxaa xilliyada kulul warejinaya” deedna iska dhaqaaqay.

Sababta aan sheekadan u soo xigtay, maahan inaan qalbiyadiinna dareen xun galiyo, se waa tusaale aad u yar oon rabay ka-kanaanta Dafac inaan ku muujiyo. Iskoolka waxaa u soo raacay ” waa Dafac’e” inuu kitaab usuulu fiqi ah ka raacan jiray masaajid aanu daris ahayn. Waxa uu aad ula dhacsanaa afkaaraha iyo gacan ka hadallada ay gaysan jireen urur waynihii Al-Qaacida oo markaas calankoodu babanayay. Waxaanu tiro dhawr jeer ka badan isku af-dhaafnay taagerada iyo jacaylka tirada badan ee uu u hayay Bin Laadn iyo xertiisii oo u mar walba jeclaa inuu iiga sheekeeyo. Dafac sidiisa kale waa shaqsi, marka diinta laga soo tago iska wanaagsan oo saxbtinimadeennu waxa ay buri jirtay marka wax diin ku saabsan ina dhex maraan.

Waxaa la gaadhay maalinkii ballantu ahayd inaan waalidkey u sheego inay macallimiintu igu soo amreen inaan iskoolka keeno, la,aantoodna aanan iman karin. Nasiib wanaag hooyadeey oo ka dabacsanayd aabahay ayaa i raacday, maalinkaasna badbaadada hooyaday ay i badbaadisay ayaan ilaa maanta la noolahay. Waayo aabahay waa qofkaad ogaydeen oo tii mid ka daran uun ayuu ii gaysan lahaa.

Maalinka wixii ka danbeeyay waxaan go’aan ku gaaray inaan afkayga aan kala qaadin oon dareemada indhaha iyo dhaguhu i shaqeeyaan. Waxaan dib ugu laabtay kutubkii qur’aanka ahaa een bilaa fasirka  ku qudh-qudhiyay. Waxaan galay machad salafi ahaa oo tafsiirka qur’aanka iyo naxwaha carabiga lagu baran jiray. Ujeedkayga ugu wayni waxa uu ahaa inaan fahmad buuxda, ka helo diinta si, aan uga badbaado shakiga naftayda walfiyay, warcelinna aan ugu helo waydiimaha kasoo maaxanaya maankaygan miskiinka ah ee dulman, waayayna cid wax fahansiisaa. Waxaa guntiga u xidhay inaan aayad walba iyo sababta soo dagisteeda ka danbaysa aan fahmo. Markii aan mudo ku siman lix bilood waday barshada naxwaha carabiga iyo tafsiirka kalaamka eebbe runtii waxaan galay jawi ka duwan kaygii hore, waxaan dareemayay xasilooni iyo daganaan dhinac walba ah, garan maayo sababta ka danbaysay, se waxaan qirayaa aadanuhu mar walba oo uu u dhaqaaqo ka sal gaaridda waxa uu doonayo inuu si dhab ah u rumeeyo amase u beeniyo inay u soo baxayso natiijo dhaxalsiisa xasilooni badan oo nafsadeed.

Waxaa nuqsaan badan ku yimid waydiimahaygii ka imanayay gudaha, dhanka kalena waxa kor u kacay iimaankaygii lugaha istakiinka ah markiisii hore ku taagnaa. Jawigu waxa uu sidaas ii ahaado iskuna dhaafiyo duruufo badan oo noloshayda ku xayn daabnaa. Waayihii caruurnimadayda -ilaa 16 sano jirkaygii iyo intii kahorraysa- waxaan ku noolaa nolol aysan nafsaddaydu qanaacad badan ku haysan, se waayuhu ku maquuninayeen. Qasabna ay ahayd inaan ku noolaado maadama jid kale oon kaga baxaa aysan jirin. Waxaana qasab ahayd inaan dabbaqo maah-maahdii soomaliyeed ee oranaysay “Kabtaada iyo tolkaaba dhexdaa looga jiraa

Qaybta xigta
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

10
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
9 Faallooyinka
1 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Dr mingiste
Dr mingiste

wax aragti ah kama bixin karo ilaa aan dhameystiro qormada

Ama
Ama

Waxaan kujira iminka ama a an soomaray xaalado ka adag Ku waad sheegayso waanan kufikira waxaad samaysay,…

Muktar musharaf
Muktar musharaf

Waaqna nadaaaayo malaha weli waad kabaxsanthy miyaa xeen daabka diinta islaaamka wxan sugayaaa waaa qeybta xigta alle SWC Ayaaa XUMAN KA NAZAHAN

Guulled Khaliif Gurxan
Guulled Khaliif Gurxan

Qoraaga aad iyo aad ayaan ugu bogaadineyaa sheekadaan sida quruxda badan oo uu noogu soo gudbiyey. Waxaan jeclaan lahaa inaan aragtideyda ku lifaaqo taas oo ah dhamaan hab-dhaqanada gurracan, naxariistu ay ka fog tahay, qallafsanaanta fekerka iyo ad-adeeggaba waa dhaqan-bulsho ee bulshooyinka raacatada geelleyda ah ay ku caan baxeen. Shakhsi walbaahi fahankiisa diimeed, aaydiyoolojiyeed, siyaasadeed…iwm waxaa jiita oo saameyn weyn ku lahaan doona dhaqankiisa bulsho. shakhsiga marka uu qaato caqiido, afkaar, mabaadi’ diimeed, wuxuu ku barxayaa dhaqankiisii hore wixii la qumanaa oo ka waafaqsan waxa cusub ee uu qaatey, waxa dhaqankiisa kasoo horjeedana si weyn uma qiimeeyo. Tusaale, carabtii ugu… Akhri faalladan »

Anonymous
Anonymous

Qaybta saddexaad xoogaa soo dheereeya aad bay u gaabnayd qaybta labaad waxaan rajjeyn in qormada xigta midan iyo xiiso bdn yeelato bi’idnilaahi baari’ lol

Anwar
Anwar

xiiso gaar ah ayaan u hayaa xaqiiq ahaan sheekadaan qoromaheeda midba midka kale ka daran yahy

Ahmed mohamed
Ahmed mohamed

Qaybta sadaxaad insha allah soo dheereya qaybtaan way yara gaabnayd xooga
Waaa qoraaal aad iyo aad u xiisa badan runtii

Maaria
Maaria

Qaybta sadexaad lasoo dheereya

qalbidhagax
qalbidhagax

qaybta 3aad so dheereya lana soo dhaqsda

abdiraxmaan
abdiraxmaan

sidad kugalawday waxba nagama geline saw adigu maad dooran xorbad tahaye sug ilahay intu ku abaal marinayo

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend