Dhinacyo badan ayaa la rabaa inaan ka fekerno; dhaqaale, dawladoobid, maamul wanaag, Ixtiraamka dadka, caafimaadka, wadanka oo la casriyeeyo, waxbarashada oo la xoojiyo, waxsoosaarka oo la dhiirrigaliyo, akhriska iyo Falsafadda oo Iskuullada lagu dhigto, wadaniyadda iyo danta guud oo laga shaqeeyo. Kow qofku waa inuu ogaado inuu xaq u leeyahay inuu nolol fiican ku noolaado isaga oo aan wakhtigiisa ku lumin maalaayacni iyo xaglo-laabasho qaddar ah ee uu la xisaabtamo noloshiisa wixii ka qaldamana saxo, wixii u hagaagana isu hambalyeeyo ama hambalyayso. Qofka soomaaliga ah ee moodaya in digri iyo burdayn wax lagu helo ha ka baxo riyada iyo ismaaweelinta dhalanteedka ah. Ha ogaado in masuuliyad ka saarantahay ubadkiisa oo haddii uu afar dhalay ay tahay inuu caafimaadkooda, waxbarashadooda, arradkooda, damiirkooda, fekerkooda u diyaarinta iskufilnaashaha mustaqbalka iyo ku barbaarinta wanaagga, ixtiraamka, wada noolaanshaha, ilbaxnimada, iyo waxkasta oo uu ubadku ubaahanyihiin isagu ka masuulyahay ee aanay ahayn wax shaqaale meel taagan hore ugu qoray. Tan qofka aamina in Ilaahay u qoray qof walba wixii uu quudan lahaa waa xummad-jabin lagaga gabanayo masuuliyad, waayo haddii ay run ahaan lahayd qof walba akoonka lacagta loogu qoray ayuu meel uu ku ogyahay u doonan lahaa se waa marin habaabin aan la macnayn karin ujeedkeeda gurracan.
Qofka Soomaaliga ah ee la nacsiinayo adduunyadan ha ogaado inuu nasiib badan yahay oo uu ka abuurmay isbarmatosiyaad malyuumaad ah oo uxgaanta hooyada ku legdamay. Waa inuu ogaadaa ama maanka ku hayaa in dadkiisa iyo dalkiisuba ay isaga u baahanyihiin haddii ay noqoto dhakhtarnimo caafimaad, macalimiin tacliinta habboon ku barbaariya ubadka, Saynisyahano bidhaamiya xaqiiqooyinka nolosha, faylasuufyo iyo mufakiriin abuura waydiimo ka sifeeya dadka haraadiga sheeko xariirooyinka quruumihii hore, ciidan waardiyeeya dalka, farsamayaqaano waddooyin iyo fooqaq dhaadheer taaga, iyo madax qabyaalad diid ah oo siyaasad huffan oo adduunyo jacayl ah ku hoggaamiya wadankood. Soomaali haddaan nahay waa inaan diidnaa inaan noqonno dad caafimaadkoodu hooseeyo, musuq badan, akhriska neceb oo dunida ka xidhxidhan, baryootan badan, caadifad badan, Qabwayni jaahilnimo leh, aragti yar oo aan dood iyo kala duwanaasho aqbali karin, qabyaaliya iyo quuste nolosha naca dabadeedna qaraxyo ismiidaamin ah ku qudhbaxa. Wax kasta oo aad aragto ama laguu sheego waa inaad suaal godan galisaa, ilaa dhayda laga caddeeyana aanad ka hadhin ama ku qanac ama tuur markaas ka dib.
Mahadsanid walaaal
Wadanimo ayaa kaa Buuxda
Waana Mida alaga Rabo Dadkeenu inuu Ku Baraarugo
Halka uu U durbaan Tumilahaa
Daqamo iyo Hidayaal Cid Kale
Gaar ahaan Kiwa Carabta Ee
Umadeena Cagaadiyey