Soohan (Sheeko faneed)

S
SOOHAAN
Qalinkii: Cabdifataax Barawaani
Eeg Qaybaha Sheekada
Qaybta koowaad

SOOHAAN

Dhul carro san ah misena bilicsan laguna jiro xilligii gu’ga oo aan muddo dhawr sitimaan ah roobku kala qaadin. Xareeddu kob kastaba wadhan tahay, naftu u muhanayso, ishuna aanay ka libiqsanayn mar qudha, ceel kastana uu biyo la heed-heetinayo. Soohan deegaankan Awaare ee sidaas u bilicsan ayaa ay ku dhalatay xilli barqo ah oo gu’ ah, roob geel dooje ahina uu da’ayo ayaa ay ifka timid. Hooyadii dihatayna ay ku indho qabowsatay, halka aabbeheedna uu dhuxul madow dhankeeda u tuuray. Isaga oo kolkii loo sheegay dhalashada gabadhiisa Soohan ku masaalay gudcur madow, garaad li’i iyo geed naageed oo ku soo biiray qoyska iyo tolkaba.

Duqa Soohan dhalay ee Xaaji Samaalle, waxa uu rejaynayay wiil qoodh ah oo uu ku tanaado, tolkana daafaca, xoolahana u raaca, kuna abtirsada oo magaciisa ka dhiga mid waara oo aan goblamin. Wuxuuna sii hankaabsaday wax oo kasta oo ina ragg lagu soo dhaweeyo, kolka uu dhasho. Balse, waxaan niyad jab ahayn kama uusan qaadin gabadhaas u dhalatay. Wuxuuna ku cataabay maan iyo muruq baan sugayee, ma makas iyo mucsur baa ii dhalatay tollaayoo tollaay?!!

Waxa uuna go’aansaday in uusan dan iyo heello ka gelin gabadhaas u dhalatay, hadday samaato iyo hadday xumaataba. Hooyada dhashay gabadha ee Saaqa oo da’ ahayd, habrihii wax sheeg-sheegi jirayna ay u sheegeen goshan mooyee tu kale kuuma hadhin, ayaa uu ogaa Xaaji Samaalle. Durbadiiba, Saaqa oo aan afartan bixin ayaa uu gashaanti kale u taf rogtay, iyadiina ka haayiray. Gabadh yar oo heelimaadsan, tolkana aan ka dheerayn ayaa loo hooyay Xaaji Samaalle, deedna uu derinta kula loollamay, walow uu ahaa tabcaan aan garays iyo guntin naageed furi karin, balse tala Alle iyo tu ina ragg baa kaalmeysay!

Saaqana, hinaase uma hadhin oo hadday hinaasto cidba ka neefin mayso, haddii ay joogtana waa isla halkii oo Xaaji Samaalle dan kama laha, maadaama oo wiilkii laga sugayay ay gabadh booskiisii gashey. Waaba sidii ay iyadu dhasha gacanta ku haysee! Dantaana tidhi iska korso gabadhaada yar, awalba duqu duunyo iyo duco midna kula ma garab taagnayne. Saaqa waxa ay is kala daala dhacday gabadheedii yareyd ee Soohan, oo xataa magaca ay iyadu ugu wanqashay una bixisay. Maadaama oo Saaqa hooyadeed magacan la odhan jiray, waxa ay ugu talogashey in ay ku xasuusato hooyadeed oo ay ku simiso.

Badiba dadka deegaanku, gaar ahaan inta tolka la ah reer Xaaji Samaalle ma ay jeclaysan gabadhan Soohan oo lama mahadin jirin haddii magaceeda la maqlo ama muuqeedaba la arko. Soohan. Kolkii ay yara garaadsatay oo dabka iyo biyaha ay kala garatay, ayaa ay dareentay in aan tolkeed ku faraxsanayn una riyaaqsanayn. Balse, qofka keliya ee daneynaya ay tahay hooyadeed Saaqa oo aabbo iyo hooyaba u noqotay.

Walaalo ma leh oo hooyadeed Saaqa waxa uu Xaaji Samaalle guursaday iyada oo afartameeyada u dhow, curaddeediina waa Soohan, gol labaadna kama dambeyn iyada. Balse, waxa ay leedahay saddex wiil oo ay dhashay gabadhii minyarada ahayd ee kolkii iyadu (Soohan) ay ifka timid uu Xaaji Samaalle cadho guursaday. Saddexdaas oo la kala yidhaahdo: Sugulle, Siciid iyo Siigaale oo isku dhalasho xiga uuna u weyn yahay Sugulle.

Qaybta xigta

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdalla
Abdalla
9 Bilood Kahor

Aslam alleykum wll meeye qaybihii kle ee qisada SOOHAAN…?