Noole cudurrada faafa gudbiya!

N
Muslimiinta iyo dadka kale in loo garnaqo ayey mudan yihiin. Muslimiintu dadka kale waxa ay u arkaan dad wasakhaysan maskax ahaan iyo jir ahaanba oo aan lahayn mabda’ xalaal ah oo ay aamminsan yihiin iyo diin dhaqankooda hagaajisa. Waxa ay aamminsan yihiin in ay diintoodu diimaha iyo dhaqamada kale ka fiican tahay oo ay tahay diin loogu talogalay in ay dadka oo dhammi qaataan si ay adduunka caqiido iyo dhaqan fiican u yeeshaan, aakhirana ay u liibaanaan. Waxa ay rumaysan yihiin ilaah iyaga raalli ka ah, bulshooyinka kale oo dhanna u caraysan. Aragtiyaha noocaas ahi diinta muslimiinta ayey ku qoran yihiin, sidaas darteedna muslimiintu waxa ay isu arkaan in ay ka fiican yihiin dadka kale oo dhan iyaga oo aan waxba u fiirsan.

Dadka aan muslimiinta ahayni waxa ay muslimiinta ka aamminsan yihiin dad caalamka intiisa kale ka danbeeya oo diintooda iyo dhaqankoodu ay ka soo hor jeedaan horemarka maaddaama ay diinta islaamku curyaamiso fakarka dadka, isla markaasna uusan qofkii diintaas haystaa shaqo badan qaban karin. Fakar ahaan waxaa qofka muslimka ah maskaxdiisa hareeyey waxyaalo caalamka horemaray khuraafaad looga arko sida Eebbe, shaydaan, sixir, malaa’ig, il, aakhiro, janno, cadaab, nebiyo, qaddar, carshi, kursi, quraan, xaddiis, jidka Siraad iyo waxyaalo badan oo qofka muslimka ah maskaxdiisa saacad kasta ku jira, kuwaas oo ka hor jooga in uu nolosha fahankeeda dareenkiisa ku fasaxo. Xagga dhaqanka waa diinta keli ah oo 5 jeer maalin kasta la tukado oo la weesaysto, waxaana la aamminsan yahay qof 5 jeer maalintii masjid laga sugayaa in uusan si fiican u shaqayn karin oo xataa aan warshad laga shaqaalayn karin. Diinta islaamka qofka aad ugu dheggani ma uu helayo fursad uu wax kale kaga fakaro iyo fursad uu ugu shaqeeyo sida dalalka horemaray looga shaqeeyo.

Waxaa muslimiinta loo arkaa dadka ugu cadowsan bulshooyinka caalamka oo dadka kale oo dhan neceb, isla markaas iyagu is addoonsada oo isgumaada. Waxaa loo arkaa dadka ay ugu badan yihiin madaxda keligitaliska ah, taas oo ka soo maaxanaysa in dhaqanka carabta oo diinta asal u ahi uu yahay dhaqan ku salaysan in ay dadku madaxa isaga taagnaadaan. Waxaa loo arkaa dadka ugu qaxooti badan, waayo waddamada qaxootiga qaabbila ajaanibta jooga 90% waa muslimiin ay dalalkooda ka jiraan addoonsi iyo gumaad. Muslimiin badan baa aamminsan in dadka oo dhan loo celiyo dhaqan carabta ka jirey kun sano iyo dheeraad ka hor, kaas oo ah in ay muslimiintu ku duulaan dadyowga kale oo ay ragga gumaadaan, dumarka iyo carruurtana addoonsadaan, isla markaas ay hantida ummadaha boobaan, waxaana jira wadaaddo muslimiin ah oo iftooda iyo hantida ugu xalaalsani ay tahay midda boobka lagu helo.

Muslimiinta waxaa loo arkaa dad aamminsan in taariikhda dib loo celiyo oo loo laabto kun sano ka hor, halka ay bulshooyinka kale aamminsan yihiin taariikh la soo dhaafay in aysan soo noqon karin, waxaa se xusid mudan in aragtiyaha qaarkood aysan muslimiintu wada qabin ee ay kuwa xagjirka ah sida soomaalida ku kooban yihiin, waxaana soomaalida xagjirnimda ku badiyey maangaabnimada oo xagjir kastaa waa uu aragti gaaban yahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaalidii Hore

Diinta muslimiinta waxaa loo arkaa diin ay ku badan yihiin ciqaabaha dilka iyo in jirka dadka la googooyo oo waxaa la dilayaa qofkii aan tukan, qofkii isaga oo aan kufsi samayn galmo raalli la isaga yahay sameeya, qofkii diinta islaamka rumaynteeda ku qanci waaya iwm, waxaana jirkooda la jarjarayaa qofkii wax xada ama burcad ah.

Waxaa muslimiinta loo arkaa dad ay diintoodu dumarka xushmadda ka qaadday oo sida haweenka muslimiinta ahi ay u lebbistaan waxaa loo arkaa ciqaab iyo liidid, habka uu raggu dumarka u adeegsadaanna waa hab sida xoolaha oo kale loo leeyahay. Sida la og yahay dadku waxa ay rabaan in ay sheegtaan in ay xayawaanka ka caqli badan yihiin oo raggu carruurtooda waa ay ka fakaraan, halka xayawaanka labi uusan dhashiisa danayn. Waxaa kale oo la caqliyeeyey in halkii naag ay nin yeelato oo halkii nin uu hal naag yeesho, laakiin caqligaasi muslimiinta ka ma jiro oo ragga waxaa loo oggol yahay in ay sida awrtii dhaddig badan oo qaar addoomo yahay yeeshaan. Haddii la soo koobo muslimiinta waxaa loo arkaa dad isku la fiican wax ay caalamka badankiisu xumaan u arkaan iyo diin arxan daran oo dadnimada lid ku ah, laakiin iyaga agtooda si indho la’aan ah loogu arko wax muqaddas noqon kara.

Waxaa loo arkaa dad aan fahmin in diimaha iyo dhaqamada badankoodu ay yihiin dawo dhacday oo aan casri kasta ku habboonayn, wadaaddada waxaas u sheegaana ay qofkii hadal ka soo celiya dil aan maxkamad lahayn ku xukumaan oo mindi la iska ruubo isaga oo suuqa maraya. Sida la og yahay dilku waa xalka ugu liita oo arrin lagu wajaho, dunidana waxaa loo wadaa dhinac kaas ka fog oo ah sideedaba in aan qof la dilin.

La ma soo koobi karo aragtiyaha la ka la haysto, laakiin waxaa sheegtid mudan in ay muslimiintu cayda diimaha iyo dhaqamada kale minbar kasta la istaagaan, halka dadyowga kale ay muslimiinta hoos ka xantaan, waayo waxaa la og yahay in musliintu ay dilayaan qofkii sheega in uu nebi Maxamed ahaa nin caadi ah oo afkii hooyadiis ku hadli jirey oo carabtii uu xukumey ay ka adkaadeen carabtii ka soo hor jeedey, ka dibna diintiisa lagu faafiyey dagaal, dhac iyo in qofkii hadla la dilo oo ay ilaa maanta ku socoto baqdin gelin iyo xoog. Jajuubkaas iyo argagaxaas waxa ay bulshooyinka aan muslimiinta ahayni u arkaan dhibaato dad haysata oo la rajaynayo in ay ka baxaan sidii looga baxay dhibaatooyinkii la midka ahaa, laakiin dhanka muslimiinta waxa aad arkaysaa niman duubab waaweyn oo maxfallo ka sheegaya in ay islaamka sharaf u tahay in qofkii Maxamed ama Qur’aan dhalliila la dilayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ciilka Soomaalida

Waa niman aan fahmin waxa ay sharafi tahay oo qaarkood lagu soo dhoweeyo waddamo dimoqoraaddi ah si ay u helaan fursado aan dalalkooda ka jirin islaamka dartiis. Dadka waxaa lagu neceb yahay in ay nebi Maxamed u arkaan nin uun ka hadli jirey degaankiisa iyo duruufo uu dhex joogey oo aan ka warhayn meelaha ka fogfog, isla markaas aan laga hayn wax ka sarreeya aragti uu sheegi karey carab xilligaas Xijaas joogey. Sidaas in nebiga loo qeexo doodo ku saabsan dadka oo dhan baa raba, laakiinn muslimiintu waxa ay taagan yihiin in la dilo qofkii aan rumayn in uu Maxamed mucjisooyin keenay, waana mucjisooyin aan muuqan oo la isku khasbayo. Heerka ay ilaa maanta muslimiintu taagan yihiin waa in qofkii hadla aan hadal lagu la doodin ee la dilo, dadka kale oo ka badanina u ma ay jeedaan murti weyn oo af carabiga iska hor iyo dabo jeeda ku seeggan.

Hadda ka hor wargeys ka soo baxa dal Yurub ah oo ay soomaali badani qaxooti ku joogaan baa qoray in ay soomaalidu yihiin nooleyaasha cudurrada faafa gudbiya, waana laga xumaaday hadalkaas, bal se waxa aan indhaha laga qarsan karin in ay soomaalidu diinta islaamka ka qaataan inta xun, waxaana keenay qallafsanaanta miyiga oo jecel wax qallafsan iyo xiniftan.

Soomaaligu haddii uu xaddiis sheego in dad aan waxba dhimin la laayo aad buu ugu qiiroodaan, laakiin hadal la sheego in uu xaddiis yahay baa leh “Gacanta sare ayaa ka fiican gacanta hoose” oo ay carabtu uga jeedaan in qofka wax bixiyaa uu ka fiican yahay midka baryootama, laga mana yaabo in ay soomaalidu ku dhaqmaan oo deeqbixiyeyaal, hay’ado samafal iyo qaxooti bay u wada jeedaan . Waxaa jira meerisyo Qur’aanka ka mid ah oo sheegaya in dadka oo dhan la cafiyo oo laga wado in aan cidna la necbaan iyo xaddiisyo sheegaya in dadka anshax wanaagsan lagu la dhaqmo, kana maqli maysid wadaad soomaali ah.

Xaddiis baa sheegaya in dad dhagax lagu dilo, halka uu mid kale sheegayo haddii nafley la dilayo ama la gawracayo in si hagaagsan loo la dhaqmo. Soomaaligu markii ay aayad xun iyo mid fiicani iskhilaafaan midda xun buu raacaa, haddii ay xaddiis liita iyo mid wanaagsani iska soo hor jeedaanna midka xun buu raacaa, sidaas darteedna soomaalida waa lagu tilmaami karaa noole cudurrada xunxun gudbiya. Waxa aynu noqon doonnaa dalka ugu danbeeya ee dhibaatada islaamka ka nefisa oo xataa Sucuudi Caraabiya oo dhibaatadu ay ka soo askuntay baa inaga fursad fiican, waayo waa ay inaga aqoon roon yihiin oo dadkoodu in ay fakaraan baa soo dhow.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Omar
Omar
9 Bilood Kahor

Aad ayaan ugu farxay inaan arko qof soomaali ah oo sidaan wax u fahamsan. Oo hadana ku dhiirada inuu qoro rayigaan saxa ah. Runtii waxaan aqaan dad badan oo soomaali ah oo arka in ay soomaali nasiib xumo ku dhacday markay qaateen diin aanay afkeeda garanayn oo inta badan ee caamada ahi aanay is weydiin runteeda iyo beenteeda