Soomaaliya soomaalida muslimiinta miyaa gooni u leh?

S
Soomaaliya yaa leh? Soomaaliya Soomalida Muslimiinta miyaa gooni u leh? Soomaalimada iyo Islaamka yaa horreeyey?
1400 sano kahor xilli Soomaalidu ku tanaadaysay barwaaqada uu ku galladaystay eebaha naxariista badan ee ay ugu yeeri jireen Waaq ayaa ganacsade Carbeed oo deganaa jaziiradda Carabta dhidibada u taagay diin cusub uu isagu ka yahay hogaamiye ruuxeed, kacaa kuf badan kadibna halgankiisii horumarinta jinsiga Carabta wuxuu wadada cagta saaray markii gacmo badan iyo warmo badan uu isla helay oo bilaabay duulaamo uu kula wareegayo dhulka iyo hantida cid walba oo taliskiisa ku gacan saydha inay hoos timaado.
Dhimashadiisii kadib waxaa kala wareegay hawsha qaar kamida xigtadiisii oo gumaadkii iyo gumaysigii dhulalka dadka kale sii ballaariyay, taasoo keentay nimankii Carbeed ee lamadagaanka carabta maasaluglayda iyo shimbiraha ugaadhsigooda oonku u dheeraa inay xoog ku qabsadaan ilbaxnimooyin waawayn oo soo jireen ahaa, boqolaal milyan oo ay gurigooda ugu tageen ayay dhiigooda daadiyeen iyaga oo ku andacoonaya in dadkani diideen tuurista dhaqamadoodii iyo qaadashada dhaqanka reer baadiyihii jaziiradda Carbeed ee cinwaan diimeedka la siiyay.
Soomaalidu qarniyo kadib markii dhaqamadan soo galootiga ahi la wareegeen maamulka maskaxdooda kana dhaadhiciyeen in jinsiga Carbeed ka sarreeyo kooda waxay dareemeen quudhsi, taas oo ku khasabtay inay door bidaan marin habaabinta abtirsiinyahooda iyo isku nabidda dadkan laga dhaadhiciyay inay ka buruud wayn yihiin halkii ay dhaqankooda ku dhaganaan lahaayeen.
Waxaana bilaaabantay in qabiiladii Soomaalidu bartaan is faquuqa ku salaysan qabiilka oo ahaa dhaqan carbeed foolxun oo magaca diintan ku soo gabbaday, waxaa dadkii loo kala saaray laan-dheere iyo laan-gaab lagu saleeyey cidda xigta jinsiga carbeed ee awoodda badan, waxayna caruurtooda ku bar-baariyeen jacaylka iyo qiimaynta dhaqamadan cusub.
Waxaa la yaab ah inaad aragto odayaal waawayn oo ku hadlaya afka urur soomaaliyeed ama sheeganaya jagooyin sare oo bulshada ah inay indho tirto dhaqamadan waqtiga dhaw soo galay kadibna inta ay is ilawsiiyaan sooyaalka iyo jiritaanka soomalida bilaabaya inay isku xiraan jinsiga Soomaaliga iyo Islaamka.. waxaad arkaysaa qof wayn oo fagaare ka sheegaya in qofka diinta Islaamka ka baxaa uuna Soomaali ahayn! Runtii waa arrin yaab leh, odaygaasi ama islaantaasi ma is waydiiysay waxa soomaalinimada qeexaya? Tusaale ahaan qofka faransiiska ah ee diinta Islaamka soo galaa miyuu noqonayaaSoomaali? Qabiilka Oromada ee soomaalida deriska la ah ee muslimiinta ah dhaqan iyo dhalasho ahaana is xigaan maxaa u diiday inay jinsiyadda Soomaalinimada qaataan?
Maah-maah soomaaliyeed ayaa odhanaysa “Baqal fardo la daaqday faras ayay is moodaa”, Soomaalida maanta oo wadamada carbeed si cad ugu muujiyeen inayna ab iyo isir wadaagin hadana waxaad moodaa in xaqiiqada ay iska indha tirayaan oo khuraafaadkii lagu anqariyay yaraantoodii ku soo maaxanayo maskaxda wadaadkooda iyo waranlahoodaba kaasoo xaqiiqada jirta ka indha saabaya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Alle-diidka Soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah
Diintu waa shay aaminaad ah oo isku xira qofka iyo awoodda sare ee uu aaminsan yahay oo kaliya, waana wax la bedeli karo xilligii la doona oo ku xiran go’aanka qofka, Soomaali way jiri jirtay islaamka kahor wayna jirdoontaa “soomaaliya soomaali baa leh”.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments