Sooyaalka curisyada Giriigga iyo Roomaanka

S
Kol haddii ay waxbarashadayda iyo aqoontaydu sida badan ka soo jeedaan Yurub waxaa laga yaabaa sida ay iyagu taariikhda u dhigaan in aan ku raaco, waxaana la hubaa in sida hadalka ay u dhigaan ay ku jirto annaaniyo ay isu arkaan in ay wax kasta iyagu hormood ka ahaayeen, welina ka yihiin. Waxa aan wax ka soo qaadanayaa taariikhda qoraallada oo aan soo koobayo.

Xilliyadii hore oo u dhexeeyey 700 oo sano dhalashadii Ciise ka hor iyo 500 oo sano ka did waa xilli dheer oo hal’abuurkii jirey si gaar ah looga hadlo magac gooni ahna leh. Xilligaas waxaa taariikhda Yurub lagu soo qaataa Giriigga iyo Roomaanka oo labaduba hal’abuur lahaa.

Giriigga

Giriiggu joqoraafi ahaan Yurub waa uu ka baxsan yahay, laakiin iyagu waxa ay ku tiriyaan Yurub, waxa ay hal’abuurkii hore ee Giriigga ka dhigtaan in uu yahay wax ay reer galbeed leeyihiin. Si kasta oo ay tahay Giriiggii hore waxa ay reebeen dhaxal ay ka mid ahaayeen sawirrada dhismaha, sawirro gacmeedyo iyo hal’abuur qoran.

Nin Homeros la oran jirey oo 700 oo sano Ciise ka hor noolaa oo Giriig ahaa waxa uu ka tegey labo maanso oo dheerdheer oo ay midi sawirayso dagaallo muddo socdey, midda kalena arrimo bulsho, waxaana labada maanso lagu ka la magacaabaa Illiaden iyo Odyssén, midda hore ayaana dagaal ku saabsan. Labadaas maanso waxaa ka buuxa magacyada ilaahyadii badnaa ee Giriigga iyo ilaah kastaa awoodda uu lahaa ama waxa looga baahnaa, waana labo maanso oo middiiba ay buug dhan tahay oo halyeynimo ku saabsan.

Xilli 600 meelahaas ka horreeyey dhalashadii Ciise waxaa Giriigga ku noolayd haweeney maansooyin badan laga hayo oo la oran jirey Sapfo oo dadka bari jirtey ciyaaro dhaqameedyada iyo maansada. Muddo ka dib oo dhalashadii Ciise ka horraysey 500 oo sano meelahaas waxaa isla Giriigga ku noolaa nin la oran jirey Pindaros oo tiriyey heeso u badnaa kuwa lagu ciyaaro.

Riwaayaduhu waayadaas Giriigga waxa ay ahaayeen sida ay maanta yihiin oo waxa ay u ka la baxeen kuwo murugo leh iyo kuwo maad leh. Aischylos oo noolaa 500 oo sano meelahaas Ciise ka hor waxa uu qoray saddex riwaayadood oo murugo leh oo isku xiran oo la isku yiraahdo Orestien, waxaana la ka la yiraahdaa Agamemnon, Gravoffret iyo Eumenider, waana riwaayado yaab leh. Muddo ka dib waxaa soo baxay nin la oran jirey Euripides oo qoray riwaayad murugo leh oo la yiraahdo Medea oo ilaahyada aad uga hadlaysa. Isla xilligaas waxaa riwaayad murugo ah qoray Sofokles oo riwaayaddiisa u bixiyey Boqor Oidipus, waana riwaayad ilaa maanta aad loo akhristo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Bilowga Ilaaha diimaha Ibraahimiyada

Xagga riwaayadaha maadda ah waxa Giriigga laga hayaa ma badna, waxaana la magacaabi karaa Aristofanes oo xilli nimankaas hore xoogaa ka danbeeyey qoray riwaayad Molnen la yiraahdo oo uu ku dacaayadeeyey qaar ka mid ahaa filosooyiintii Giriigga.

Roomaanka

Quwaddii Roomaanku waxa ay ka mid ahayd awoodaha ay dhulal badani hoos joogeen kuwa ugu waaweyn taariikhda, waxa ayna ka soo bilaabatay Rooma, ka dibna waxa ay isku fidisay dhulalka ku xeeran badda Miditeriniyaanka. Hal’abuur badan bay sameeyeen, waxa uuna hal’abuurkoodu ugu xoog badnaa xilligii uu imbaradooriyada xukumey nin la oran jirey Augustus oo awoodda Roomaanka haystey muddadii u dhexaysey 70 sano Ciise ka hor iyo 18 sano Ciise ka dib. 48-daas sano maansoyahannadii soo baxay waxaa ugu magac weynaa Vergilius, Catullus, Horatius iyo Ovidius oo aynu faallooyin yaryar ka bixin doonno.

Mar haddii dhulalkii ay Roomaanku qabsadeen uu Giriiggu ka mid ahaa waxa ay gacanta ku dhigeen ilbaxnimo gaamurtey, waxaana la oran karaa waxyaalaha ay Roomaanku hal’abuureen waxa ay kaga daydeen Giriigga oo dhaqanka riwaayadaha Giriigga waxaa ku dayday Lucius Accius, dhaqankii maansooyinka dheerdheerna waxaa ku hirtey qoraagii Gnaeus Naevius oo sidii Giriiggii hore dagaal ka maansooday. Xilligii u dhexeeyey 70 ilaa 19 Ciise ka hor waxaa maansada safka ugu horreeya galay Vergilius, waxa uuna toos ugu dayday maansoyahannkii Giriigga ahaa ee Homeros, qoraalkiisa ugu weyn ee maansada ahna waxaa la yiraahdaa Aeneiden, waxa uuna ku saabsan yahay waddaniyad in kasta oo uu meelo dagaallo ka dhaceen ku sawiray, waxa uuna ku farayaraystay in uu miisaan fiican aad iyo aad ugu tiriyey, isla markaas sidii gabyaagii Giriigga ahaa ee Homeros bay maansadiisaasi ilaahyada aad u la falgelaysaa. Kol haddii uu ku dayan jirey Giriigga waxa uu aad ugu sii dayday oo iyaga iska yeelyeelay qayb tixdaas dheer ka mid ah oo Imitatio la yiraahdo, sidaas oo ay tahayna waxa uu isku deyey in uu ka heer sarreeyo dadkii uu ku dayanayey oo marmar waxaa la moodaa in uu taas ku guulaystey.

In kasta oo Vergilius uu maansada qoray haddana waxaa socdey dad aan hal’abuurkooda diiwaangelin ee afka ka tebiya ama ku heesa. Catullus oo noolaa 84 ilaa 54 sano Ciise ka hor waxa uu ahaa dadka mudnaanta sare yeeshay xilligaas, waxa uuna meel iska dhigay in uu Giriigga ku daydo oo waxa uu ku dheeraaday jacaylka noocyadiisa siiba jacaylka xanuunka badan oo uu si cilminafsi ah uga maansooday.

QORMO LA XIRIIRTA:  Kacbada haddii la dumiyo maxaa dhacaya?

Nin kale oo Roomaanka maansadooda safka hore ka galay waxa uu ahaa Horatius oo nolaa 64 ilaa 8 sano Ciise ka hor, waxa uuna reebay qoraallo laga magacaabi karo Ars Poetica oo uu kaga hadlay maansada lafteeda sharraxaad ku saabsan, waxaana ka mid ah qayb la yiraahdo Media res oo uu kaga faallooday sida sheekooyinka loo tebiyo, waxa uuna ninkaasi ka mid yahay dadka uu hal’abuurkoodu facyaashii danbe aad ugu dhadhamo.

Ovidius waxa uu noolaa 43 Ciise ka hor iyo 17 Ciise ka dib, waxa uuna qoray maansooyin waaweyn oo ugu horrayn ka sheekaynaya sheekooyinkii khuraafaadka ahaa ee Giriigga iyo Roomaanka, waxa uuna ka hadlay waxyaalo badan oo ay galmadu ka mid tahay, qoraalladiisa badanna waxaa ka mid ah Narcissus, Orfeus, Eurydike, Apollo iyo Jupiter oo khuraafaad ku wada saabsan. Mar uu qoray maanso la yiraahdo Ars amatoria oo uu macneheedu yahay sawirkii jacaylka oo uu dad qaawan ku muujiyey waxaa ka raacay fadeexad iyo sumcad xumo, waxa uuna markaas ka dib qoray maansooyin baroor ah oo hal buug ah.

Sidii ninkaas hore si ka daran waxaa sharraxaadda galmada ugu dheeraaday Petronius oo noolaa 20 ilaa 66 Ciise ka dib markii uu qoray Satyricon oo sawirrada khiyaaliga ah ee ku jiraa ay kaftan ahaayeen, waxaana sheeko farshaxankeeda tebineed uu aad u sarreeyo oo xilligan casriga ah la la cajaa’ibo.

Waxa aynu ku gunaanadaynaa in dadkaas hore ay ku jireen qaar taariikhda qora oo waxaa jirey nin Giriiggii hore ahaa oo la oran jirey Herodotos oo noolaa 484 ilaa 425 Ciise ka hor oo taariikhda qori jirey, waxaana arrintaas waayo danbe ka la wareegey labo taariikhyahan oo Roomaan ahaa oo ka la ahaa Livius oo noolaa 59 sano Ciise ka hor ilaa 17 Ciise ka dib iyo Tacitus oo noolaa 55 ilaa 120 Ciise ka dib. Taariikhdu sida maanta ma ay ahayn oo waxaa loo arkey hal’abuur maansada oo kale ah, waxa uuna Tacitus leeyahay qoraal Germania la yiraahdo oo taariikh faneed qurux badan ah.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments