Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed

S

Sida ay noo sheegayaan raadadka aarkiyoologiyeed (Archeology signs) eey awoowayaasheen ka tageen, dulka maanta looyaaqaan soomaaliya waxay nolol ka jirtay 9000 sano ka hor dhalashadii Ciise.

Dhigaalada sooyaal ee qoran, sidoo kale, waxay iyagane inoo sheegaayaan in soomaaliya ay ka jirtay nolol ilbaxnimo ku dheehantahay afar kun  sano ka hor dhalashadii Ciise.

Soomaaliya waxay qeyb weyn oo muhiim ah ka eheed jid-ganacsigii caanka ahaay ee la oran jiray ”Silk road” ee isaga kooshi jiray qaaradaha yurub, aasiya iyo africa.

 


Ka hor inta aysan soomaalidu qaadan diintii biicmushtari-yadii carbeed ee ganacsiga u imaan jiray geeska africa muddo hadda qiyaas ahaan laga joog todoba ila sideed qarni, iyo imaanshaha ninka cad oo ay dhaqaajineysay dano siyaasadeed iyo dhaqaale, soomaaliya waxaa ka jiray  diin, hidde iyo dhanqan  aad u fac weynaa. Inkastoo badi sooyaalka  diineed ee ka horreeyay islaamka ee soomaalidu leheed uu lumay, se hiddihii iyo dhaqankii soomaalida nasiib wanag muu lumin.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, ka hor imaatankii biicmushtariga carbeed iyo diinta uu watay, sidey bay soomaalidu u nooleed, hab noocee ah ayay soomaalidu u maareen jirtay nolosheeda adduun?

Sida uu ka warqabo  qof walboo sooyaalka wax ka yaqaan, soomaalidu waxay leheed xeer ay nolosheeda adduun ku maareyso, xeer-kaa oo lagu tilmaamo inuu yahay mid ka mid ah xeerar-ka ugu faca weyn ee maanta dunida ka jira!

Waxyaabaha aad ka u xiisaha badan marka laga hadlaayo xeer soomaaliga ee aanay dad badani ku baraarug saneen waxaa ka mid ah, in inkastoo soomaalidii hore ay lahaan jireen diin ama diimo, hadane xeer-ka soomaaliga wuxuu ka marnaay astaamo diimeed. Wuxuu ahaay xeer asalkiisu yahay dadka wax ay isku af-gartaan, gun-tiisuna tahay danta guud ee reer-ka, taas oo ku tusineysa sekularnimada xeerka soomaalida.

Halkaan marka aan marayo, waxaa xusid mudan  in markii aan u istaagnay inaan dhidibada u taagno dhaqdhaqaaqa  Somali Sekulaar  ay dad badani nagu dhaliileen inaan waxba ka duwaneen dhaqdhaqaaqyada ku dhisan diinta ee ummada usoo dhoofiyay aragtiyo laga keenay gacanka carbeed ee ka fog hiddaha iyo dhaqan soomaaliyeed, innagune si taa la mid ah aan sidno uun aragtiyo kale oo aan sal iyo raad ku leheen sooyaalka soomaaliyeed!

QORMO LA XIRIIRTA:  Meherka Masaajidka

Balse sida muuqata,  dhaliishaasi ma ahan mid sal adag ku taagan, waayoo sida aan marar badanna sheegnay ujeedka ugu weyn ee dhaqdhaqa cilmaaniyaynta Soomaaliya waxa uu yahay soocelinta iyo kobcinta xeerka sekulaarka ahaay ay soomaalida waligeed iyo alleheed ku dhaqmi jirtay! Ka hor inta aysan soomaalidu qaadan diinta islaamka xeer Somaaliga  wuxuu ahaa  mid ka barax la’ wax diin ah.

Balse qaadashadii diintaas ka dib, waxaa dhacday in xeerka uu qeybo (kuwaas oo uu arkaayay inaanay waxba u dhibeen hab-nololeedka bulshada) ka mid ahaay shareecada diintaasi waliba qeybteeda shaaficiyada ee eheed tan soomaalida soo gaartay uu soo qaato, balse marnabna ma uusan lumin dabiicaddiisii sekulaarnimo ee uu lahaay xeerkaas. Taasne waxaa caddeen u ah in ay wali ku jiraan xeer-ka qodobo badanoo asaasi u ah oo ka hor imaanayo shariicadii la socotay diinta islaamka.

Inkastoo ay jiri doonaan qormooyin badan oo aan ka soo diyaarin doono xeerkii soomaalidu isku maamuli jirtay iyo waliba waxyabaha u baahan in la kobciyo aragti ahaanteenna, hadase waxaan isku dayayaa inta ka hartay qormadaan inaan ku soo bandhigo qodobadii uu xeerka uga horyimid shareecada la socotay soogalitaanka diinta islaamka.
Dhammaan waxa loo yaqaan ‘ xuduudda ee shareecada islaamka/الحدود الشرعية’ xeer-ka soomaaliga dhinac buu iska dhigay, oo hal mid oo ka mid ah ma uu san ka qaadan, isagoo u arkaayo in aaney ku habooneen hab-nololeedka bulshada.
Tusaale ahaan, Haddii nin dhallinyaro ah ee aan wali guursan ama nin xaas leh midkuu doono ha ahaadee uu galmo xaaraan ah ama gogol dhaafba la sameeyo naag nin u dhaxda, taas oo ay iyaduna raalli uga noqotay oo rabitaankeeda ku dhacday, wax sharciga Islaamka waafaqsan laguma qaado, wax xeer soomaali ah oo ka yaalla ama qodob xeerka soomaalida ka mid ah oo lagu qaado ma jiraan, waxa ugu badan oo dhacaa waa in ninkii naagta gogol dhaaftay qabay uu iska furo ninkii naagtiisa u gogol dhaafayna uu la dagaallamo ama dilo oo uu qudhaba ka jaro iyo in ninka iyo naagta isu xaaraan galmooday dadku xantaan oo meelaha laga sheegsheego.
Sidoo kale, tuugannimada, iyaduna waxay leedahay xeer lagu dhaqo oo aan diinta wax lug ah ku lahayn,waxaana ugu muhiimsan in qofka tuugga ah la takoori jiray oo bulshada soo dhex galkeeda ayaa laga go’doomin jiray, tolka oo dhan ayaana isaga mid noqon jiray, waana halka ay ku baxday maahmaahda soomaaliga ah ee oranaysa “Tuug tol ma leh” taas oo ku qasbi jirtay in uusan joogi karin oo ku noolaan karin gobolkii uu wax ka xaday, kuna kallifi jirtay inuu meel kale oo aan laga aqoon u qaxo, siiba inuu magaalo galo oo miyiga ka tago.
Si taas la mid ah, hadii nin kufsado inan waxay doontaba ha noqotee, xeerka soomaaliga waxaa ka yaal qaanuun ka gadisan ka ay shareecadu qabto ee ah in la karbaasho ninka wax kufsadaa, oo ah in reerka uu ka soo jeedo ninka inanta fara-xumeeyay ay bixiyaan oo ay reerka gabadha ka dhalatay siiyaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Narcissism-ka Bulshooyinka Musliiminta

Intani waa tusaalooyin yar yar oo ku tusinaayo in soomaalidii hore aktooda xeerka iyo shareecada islaamka u kala soocnaayeen, wixii xeer ahna xeer uu yahay, wixii diin ah ne ay diin tahay.

Hadaba, marka aan dadaal u galeeno inaan soomaaliya ay ka hanaqaado sekulaarnimo, macneheedu ma ahan inaan bulshada aragtiyo shisheeye u soo dhoofineyno sida ay sameeyaan kuwa diimaha ka ganacsada, se waxaan u soo cuno waa in aan dib ugu noqonaaa dhaxalkii awoowayaasheen nooga tageen, deedna halkaa tilaabta ka soo qaadnaa.

Hadaa nahay soomaali uguma horeeno ummadaha ka yara fogaaday sooyaalkooda, balse waxaan cabsi weyn ka qabaa inaan noqon kuwii u laaban waayo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments