Suufinimo

S

Ereyga ”suufi” maqalkiisu dhegaha soomaalida kuma uu cusba, hase ahaato ee inta og waxa ay suufinimadu tahay aad ayey u yar yihiin, oo waa erey la maqlo oo aan la aqoon.

Saddex qaybood ayey dadka soomaalida ahi u badan yihiin marka laga eego aragtiyaha ku saabsan suufinimada. Qaybta ugu badani waa dad aan waxba isweydiin oo suufinimada wixii looga sheego ku qanca ayaga oo aan dareemi karin in la khalday iyo in wax la baray.

Qaybta labaad waa kuwo laftoodu suufiyaal ah oo ku qanacsan in ay suufinimo rumaysan yihiin; qaybta saddexaadna waa kuwo akhristay qoraallo ay qoreen firqooyin kale oo ay suufiyada col yihiin, oo laga waraabiyey xinif iyo cuqdado aysan u dhabbogelin in ay run salka ku hayaan.

Kuwaan ugu danbeeyaa waxay u badan yihiin wadaaddo iyo dad wadaaddada ku agqadeeya, waxaana laga yaabaa in aysan aqoon buuxda u lahayn arrimaha ku saabsan suufinimada ee ay la gurxamaan ereyo ay dad kale ka xigteen oo hooskatuur ah.

Haddaba si looga baxo jahliga laga qabo suufinimada ayeynu maqaal kooban ku faaqidaynaa magacaan dhegta laga maqlo oo aan badanaaba lala socon xogaha iyo taariikhaha hoostiisa jiifa.

Diin kastaa markii ay xoogaa sii joogto waxay u kala farcantaa aragtiyo kala geddisan, oo ay kala hoggaamiyaan madax iyo abaabulayaal aragtiyahaas keena oo hormood u noqda, lagana sii dhaxlo oo la sii horumariyo. Sidaas awgeed xilligii cabbaasiyiinta oo malaha u dhexeeyey 762 iyo 1258 ee taariikhda miilaaddiga waxaa abuurmay aragtiyo islaami ah oo ay suufiyadu ka mid ahayd.

Suufiyadu waa qaab diinta islaamka loo haysto oo qiiro iyo khushuuc u badan, waxaana la oran karaa waa aragtidii markii ay bilaabatay xagga Rabbi ugu cabsi badnayd dhammaan aragtiyaha badan ee laga farciyey diinta islaamka.

Xilliyadii ay suufiyadu abuurantay waxaa jirey dad aad Rabbi uga baqa oo markii ay maqlaan aayada Qiyaame ama cadaab ku saabsan ugu yaraan ooyi jirey, waxaana la sheegaa in ay badanaaba suuxi jireen ama ay dhiman jireen oo ay naftu naxdin darteed ka haawan jirtey markii ay Qiyaame ama cadaab maqlaan!

Oday Soomaaliya oo ka tirsan dariiqada Suufiyada

Magaca ”Suufi” waxaa lagu danbaabaa in uu ka soo jeedo dhar suuf ahaa oo ay dadka suufiyiinta ahi xiran jireen si ay uga fogaadaan in ay raaxaystaan oo ay fasahaadaan, waxaana la sheegaa in uu dharkaasi ka horreeyey xilligii cabbaasiyiinta oo ay qaadan jireen waddaaddadii joogey wakhtigii umawiyiinta oo ahaa xilli ay madaxda muslimiintu aad u tuman jireen, oo ay sidaas darteed wadaaddadu suuf xirteen si aan loogu malayn in ay ayaguna khamrada iyo dumarka la wadaagaan madaxdaas faasiqiinta ahaa oo muslimiinta hoggaaminayey.

Xilligii hore ee umawiyiinta waxay waddaaddadu u kala baxeen firqooyin waaweyn oo asaasi ah, waxaana ugu babnayd firqada ”Sunni” loo yaqaan, oo taageersanaa dawladda. Waxay dawladdu shaqaale iyo qaalliyaal ka dhigatay intii taageersanayd, taas oo keentay in ay firqada ”sunni” ka bataan kana xoog weynaadaan firqooyinkii kale oo dhan, oo ay ku fideen dhammaan meelihii ay dawladdu xoogga ku lahayd.

Cabbaasiyiinta laftooda waxaa shaqaale u ahaa wadaaddada sunniga, oo ay malaha suufiyadu ka mid ahayd. Waxaa laga yaabaa sababta suufkii hortood jirey ayaga loogu naynaasay in ay ahayd in ay wadaaddadii kale dawladda ku milmeen oo ay suufiyadu dharkooda ka muujiyeen in aysan marna raalli ka ahayn in lala raaxaysto madaxda tumashada iyo daroogada u googo’ay.

Aragti ahaan waxay suufiyadu la mid ahaayeen dad badan oo ayaga ka horreeyey, oo sida Rabbi looga baqo ama niyadda loo sifeeyo waxay kala mid ahaayeen dad hore oo kirishtanka Yurub ahaa iyo dad Eeshiya diimo kale muddo ku haystey, sida diimo Hindiya iyo Shiina laga rumaysnaa xilli dheer, kuwaas oo weli sii jira.

Dadku mar kasta waxay jecel yihiin in ay soo xigtaan aragtiyo ayaga ka horreeyey, si ay u helaan kaalmaati ay ku xoojiyaan dadaalkooda ay markaas dhaqaajinayaan.

Aragtida suufinimada waxaa sal u ah in ay jirto awliyo gooni ah oo xariir gaar ah la leh awliyo iyo nebiyaal ka sii sarreeya, iyo weliba Rabbi oo ka sii xoog badan.

Fursaddaas dadka helaa waxay ku kasban karaan dadaal ay quluubta iyo dareenka ku sifeeyaan maqnaan iyo wardi ay niyaddoodu si gaar ah isugu diyaariso oo ay ugu xiranto. Waxaa kale oo awliyo lagu noqon karaa in uu Rabbi qofka u garto oo uu bilaash ku helo welinimo uusan wardi iyo dareen qiiro leh u soo marin.

Dadaalka lagu gaaro welinimadu waa halgan weyn oo lagu meletelo safar ama sadcaal aad u dheer oo la jaro masaafooyin badan. Sadcaalkaasi waxaa magaciisa la yiraahdaa ”dariiqo”, oo looga jeedo in uu qofka weliga ahi maro heerar waaweyn oo uu kaga mid noqonayo awliyo iyo nebiyaal ka darajo sarreeyey, uuna uga sii gudbayo Rabbi oo uu naftiisa ku biirayo.

”Dariiqo” waxaa dabadeed loo bixiyey xarun kasta oo ay dad suufiya ahi dhulka ka furtaan, waxaana ”dariiqo” dhisi kara qof weli ah, ee nin kastaa kuma uu dhiirran karo.

Maxamed Cabdulle Xassan ayaa ka mid ahaa dadka Soomaaliya ka furay dariiqooyinka, wuxuuna intii uu carabaha jirey soo hubsaday in uu yahay weli, oo uu dadka ugu yeeri karo dariiqadiisa, haddii ay diidaanna uu khasab ku soo gelin karo oo uu dagaal dhiigaysan ku qaadi karo.

Habka dariiqada oo loo sii maro waxaa suufiyada uga horreeyey aragtiyo islaamka ka hor jirey oo ay abuureen dad ka farcay diintii ay nebiyadii hore ka tageen ee Tawreet iyi Injiil.

Qaabka dariiqa lagu awliyoobayo loo maro lagama baran karo diinta caadiga ah oo qoran ee waxaa lagu ogaan karaa qaab kale oo ay isu afgartaan dadka ku fogaadey wardiga iyo khushuuca qiirada huwan, waana qaab aan lagu faallayn karin hadal ee uu dareenka dadku gaaro markii uu maro heerar badan oo ay isla yaqaanniin dadka suufiyada ah oo ka baxay mugdiga ay ku jiraan dadka aan sidaas u dadaalin ama aan xaqiiqada gaarini.

Aragtidaas waxay suufiyadu u arkaan diinta runteeda, waxayna ku doodaan in ay shareecadu dadka oo dhan u dhexayso ayna tahay cilmi macne qallalan oo dhow xambaarsan, halka ay dariiqadu qofka gaarsiiso heerka ”kashfi” oo ah in uu yeesho dareen uu ku daalacan karo waxyaalo dadka kale ka qarsoon, uuna ka mid noqdo koox awliyo iyo nebiyaal ah oo ay Rabbi iyo ayagu si gaar ah u saaxiibeen.

Waxay suufiyadu qabaan in ay shareecadu tahay wax uu qof kastaa qaadan karo ama uu fahmi karo oo aan noqon karin nuxur diineed, laguna kala saaro dadka noloshooda caadiga ah, halka ay dariiqada iyo awliyonimadu furaan waddo sax ah oo loogu gudbo xaqiiqada loo nool yahay.

Qofka codka macaan iyo qofka maansooda midna dadku ma ay ogaan karaan arrimaha dareenkiisa ku duugan, lagumana qori karo buug qaynuun ah sida luuqaha iyo maansada loo dareemo. Sidaas oo kale awliyonimada iyo habka dariiqadu waa xaqiiqo diineed oo ka madow dadka caadiga ah, waxaana dareema dad gaar ah oo isla yaqaan.

Si ay suufiyadu u dhedhemiyaan dhabta diinta oo ay u gaaraan xaqiiqada jidka dariiqada loo maro waxay ka bayraan nolosha caadiga ah oo ay dadka mugdiga ku jiraa ku sugan yihiin, waxayna jabsadaan jid kale oo ay u maraan Rabbi oo ay isla yaqaanniin.

Waxaa cilmisuufiga la isugu gudbiyaa luqad aad u sarraysa oo dareenka la xariirta, waxayna suufiyada madaxdoodu noqdaan dad gabya, oo aftahmada aad ugu talaxtaga.

Luqadda iyo cilmiga suufiyada laguma caddeeyo jiraanka Rabbi iyo makhaluuqa qarsoon iyo xariirradooda keli ah, ee waxaa kale oo si dhab ah loogu baaraa arrimo badan oo qarsoon.

Ciyaarta Suufiyada

Dad badan oo suufiyo ah oo aan maansoon aqooni waxay booska maansada geliyaan muusiik iyo cayaaro ay ku tumaan maanso ay dad hore tiriyeen oo cilmi suufi ah. Qoobkacayaar, maanso iyo durbaan baa ugu badan arrimaha loogu duggaalo in lagu gaaro xaqiiqada dariiqada.

Jirka in laga xadreeyaa waa dabeecad ay ka siman yihiin dadka aragtida suufiya rumaysani, lamana soo koobi karo qaababka jirka looga cayaaro si qalbiyada loo jilciyo.

Inta aynaan suufiyada ku sii fogaan ayeynu eegayna xagga shareecada islaamka in ay muusiga iyo waxyaalaha la tumaa xaraam yihiin iyo in ay xalaal u yihiin dadka rumaysan diinteenna islaamka.

Doodadaha wadaaddada oo muusigga iyo waxyaalaha la tumo ku saabsani aad bay u badan yihiin oo meelo kala duwan ayey si faahfaahsan ugu qoran yihiin, waxaana meelaha doodaha lagu soo koobay ka mid ah kitaab uu qoray wadaad la oran jirey Showkaani oo magaciisa la yiraahdo ”Naylul awdhaar”.

Sida doodaha wadaaddadii hore dhexmaray ka muuqata ma ay jiraan daliilo xaaraamaynaya in durbaan iyo muusig la tunto, laakiin waddaaddada qaarkood ayaa waxay necbaayeen in la tumo alaabooyinka noocaas ah.

Haddaba qof nacaybkiis wax ma lagu xaaraameeyaa xagga diinta? Anigu shakhsi ahaan ma jecli in aan dhegayso muusig oo dabcigayga ayaan ka helin in aan muusig madaxa u lulo, oo waxaan xagga dookha kala mid ahay wadaaddadaas diiddanaa muusiga, hase yeesho ee dookhaygu diinta islaamka ma uu hoggaamin karo.

Asaxaabtii nebigu waxay u qabeen in uu muusigu iska fiican yahay oo uu xalaal yahay, waxaana muusiga la sii jeclaaday xilligii uu Cali Daalib madaxda ahaa.

Wadaadkii asaasay mad-habka ”Maalikiya” oo magaciisa Maalik la oran jirey wuxuu diinta ka faafin jirey Madiina oo ah meesha uu ku xabaalan yahay nebigu CSW, wuxuuna Maalik aaminsanaa in uu muusiggu wax wanaagsan yahay.

Koox wadaaddo ahaa oo la isku oran jirey ”Shaaficiya” waxay badankoodu aamminsanaayeen in ay durbaannada iyo muusiggu fiican yihiin.

Doodaha ku saabsan muusiggu in uu xalaal yahay waxaa dhanka xalaasha u dooday wadaaddadii diinta ka soo shaqeeyey badankoodii, waxaana dhankaas xalaasha ah taagnayd ooridii nebiga CSW oo la oran jirey Caa’isha. Kooxaha suufiyadu aad ayeyba u jeclaayeen muusigga iyo dhammaan waxyaalaha la tumo.

Wadaaddada xaaraamta u arkay alaabada la garaacaa waxay daliil ahaan u qaateen xaddiisyo aan saxnayn oo la hubin in uu nebigu CSW yiri iyo aayado Qur’aan ah oo ay ka mid tahay ”Waxaa jira dad gata hadal lahwi ah”!

Aayaddaasi alaab la tumayo ka ay hadli mayso ee waxay sheegaysaa ”hadal lahwi ah”. Sidaas awgeed daliil munaasib ah wadaaddadu ma ay keenin.

Daliisha labo arrinmood ayaa laga eegaa si ay meesha loo daliishanayo ugu habboonaato. Midda kowaad waa in ay daliisha lafteedu sax tahay oo aan daliil aan jirin lala imaan sida xaddiis nebiga CSW laga sameeyey ee uusan oran. Midda labaad waa in ay meesha loo daliishanayo ku aaddan tahay oo aan aayad loo daliishan wax aysan ka hadlayn sida in muusig lagu xaaraameeyo aayadda oranaysa ”Nolosha adduunku waa cayaar iyo lahwi”.

Qof kastaa waa uu garan karaa in aysan aayaddaasi sheegayn in uu muusiggu xaaraan yahay, waxaana qofkii xaaraan ku sheega looga fadhiyaa in uu diinta islaamka ka keeno wax muusig diidaya ee uusan dookhiisa iyo male’awaalkiisa dadka diin uga dhigin.

Marka muusig la leeyahay kuma saabsana codadka dadka oo waxaa laga yaabaa in ay furanto dood ku saabsan in ay raggu dhegaysan karaan gabar heesaysa iyo in kale. Taas kama aynu hadlayn oo waa arrin ka baxsan mowduuca in ay nimanku dhegaysan karaan haweeney maansoonaysa iyo in kale.

QORMO LA XIRIIRTA:  Insaanka iyo xasiloonida

In aysan diinta islaamku ahayn sida uu qofku dareemayo ee ay tahay in la raaco waddadii uu nebigu CSW falay waxaa ka hadlay nin caan ahaa oo mar madax u ahaa muslimiinta. Waxaa magaciisa la oran jirey Cumar Khidaab, wuxuuna ahaa geesi hamaan ah oo aan boqol dhabbo uga leexan.

Qolada uu nebigu CSW ka dhashay waxaa ugu diricsanaa asaga iyo nin kale, waxaana arrintaas caddaynaya in uu nebiga CSW laftiisu yiri ”Ilaahow labada Cumar midkood islaamka ku xooji”.

Sababta uu labadaba ugu ducaysan waayey waxaa laga yaabaa in ay tahay in uu ogaa in uusan isku heli karin labada geesi oo uu mid keli ”fardokulacarar” ku ahaa, ducadiina waa la aqbalay oo waxaa markiiba taageero af iyo addinba ah nebiga CSW ku ayidey Cumar Khidaab.

Cumarkii kale laftiisa waxaa lagu aqbalay ducadii nebiga CSW, oo islaamka ma uu taageerin, wuxuuna ku geeriyoodey dagaal weyn oo uu kaga soo horjeedey nebiga CSW iyo taageerayaashiisa. Markii uu dhintay waxaa la oran jirey ”Abu Jahal”, oo uu macneheedu yahay ”Aabbihii aqoondarrida”, waxaana malaha naynaastaas u bixiyey nebiga CSW oo qofkii uu naynaas u bixiyo ay ku dhegi jirtey. Nin kale oo madax ahaa ayuu nebigu CSW wuxuu u bixiyey ”Axmaqul Mudaac”, oo ah ”Axmaqii la taageersanaa”, waxayna naynaastii ugu dhegtey sida koolladii.

Cumar Khidaab wuxuu ahaa ninka ugu diricsanaa raggii nebiga CSW taageeray, waxaana caddaynaya arrimo dhawr ah oo ay ducadaas nebigu CSW ka mid ahayd. Waxaa kale oo ka mid ahaa in uu marmar badan sii saadaaliyey aragtiyaha diiniga ah oo soo fool leh.

Labo nin oo aan nebiga CSW jeclayn ayaa mar waxay ku ballameen in uu mid nebiga CSW soo dilo, midka kalena uu cidaha sii masruufo inta uu kan kale dilka ku maqan yahay. Maka ayuu ka dhaqaaqay ninkii dilka nebi Maxamed CSW ballan qaaday, wuxuuna maalmo ka dib soo galay Madiina asaga oo seef weyn sida, oo ku dhaartay in aysan seeftu dhiig la’aan dhicin.

Shacabkii bebiga CSW taageersanaa markii ay ninka Madiina ka yimid arkeen waa ay farxeen, waxayna moodeen in uu muslimay oo uu taageero nebi u soo maray dhulka dheer oo u dhexeeya Maka iyo Madiina.

Cumar Khidaad baa fahmey in uu seefka uu ninku la kacsan yahay nebiga CSW u sito, waayo ”Ilma adeeri waa in istaqaan” oo nebiguba CSW waatii uu ku ducaystey in uu Cumar ragga taageersan Rabbi ugu daro.

Mar buu nebigu CSW niman qoladiisa ah oo ay colaado ka dhexeeyeen wuxuu la galay heshiis uu ka mid ahaa qodob oranayey in qofkii xaggiisa ka fakada aan loo soo celin, laakiin qofkii dhanka kale ka soo fakada oo soo muslima loo celiyo qoladii uu ka soo baxsaday, oo ah nimanka uu heshiiska la gelayey.

Cumar Khidaab heshiiskaas aad buu u saluugey, wuxuuna nebiga CSW ku yiri ”Ma waadan nebi ahayn marka aad oggolaatay in qof soo muslimay la diido, annaguse ma dad dulli ah baannu nahay?!”.

Nebigu CSW wuxuu Cumar Khidaab oo xanaaqsan ula hadlay si muslimnimo, tolnimo iyo xididnimo ah, wuxuuna ku yiri: ”Qofkii naga tagaa khayr ma uu laha, qofkii aynu celinaana waxaa dhawaan isbeddeli doonta siyaasadda, ee saaxiib wixii siyaasad iyo diin ah aniga igu daa!”.

Cumar Khidaab xanaaqii kama uu yaraan, wuxuuna toban goor ku sigtay in uu dhulka ilaahay meel ka aado! Rag kale oo muhiim ahaa ayuu weydiiyey ”Miyuusan ninkaani nebi ahayn? Miyaynaan xaq ku taagnayn? Miyaynaan dad sharaf leh ahayn?”, waxaana loogu jawaabey “Wixii siyaasad iyo diin ah u daa nebiga CSW”.

Maalintaas wixii ka danbeeyey wuxuu Cumar Khidaad go’aansaday in uu nebiga CSW iska dabagalo oo uusan maskaxdiisa xaq u malayn, dabadeedna wuxuu ogaadey in siyaasaddii uu nebigu CSW saadaaliyey ay isi soo tartay.

Dadkii Maka loo celiyey waxay samaysteen jabhad cusub oo muslimiin ah, taas oo jidgooyo iyo shuftayn ku samaysay safarradii Maka laga lahaa oo Bariga dhexe laga soo rari jirey, waxaana nebiga loola yimid dacwooyin lagaga codsaday in uusan qofkii xaggiisa aada soo celin, waayo waxaa laga baqay in uu nawaaxigu shufto iyo burcad la gilgisho.

Markii uu Cumar Khidaab ogaadey in laga siyaasisan yahay ayuu ka toobad keenay murankii iyo xanaaqii uu maalinta dhan la wareeray, wuxuuna dabadeed yiri ereyadii aynu qisooyinka uga dan lahayn.

Ereyada wuxuu yiri asaga oo agtaagan dhagax madow oo Maka yaal, kaaso oo ay muslimiintu ku wareegaalaystaan. Wuxuu asaga oo dhagaxa la hadlaya yiri ”Dhagaxyohow waa aan hubaa in aadan waxba i tari karin, oo aadan waxba i yeeli karin, kugumana aan wareegaalaysteen haddii aanan arag Maxamed CSW oo kugu maraysanaya”.

Hadalkaasi wuxuu caddaynayaa in muslimiintii hore aysan xaaraan iyo xalaal naftooda ka qaadan jirin, waxaana cad in aysan muusigga xaaraan ku qabin maaddaama uusan nebigu CSW u diidin.

Xilliyadaan waxaa jira dad diinta ku soo dara waxyaalo aan ka mid ahayn. Tusaale ahaan qofkii soo muslima in magaca laga beddelaa ma ay aha arrin uu nebigu CSW ogaa, oo ujeeddadiisu ma ay ahayn in uu dadka ka beddelo macagyada ee waxay ahayd in uu caqiidada iyo camalka ka beddelo.

In nin Lion la yiraahdo oo 50 sano jira loo bixiyo Asad oo laga wado in magac gaalo laga beddeley oo magac muslim loo bixiyey waa aragti ka danbaysey nebigii CSW. Xilligiisii ma ay jirin luqado gaalo iyo magacyo gaalo oo diintu afafka iyo dhaqamada uma ay kala eexato, magacyaduna waxay la xariiraan dhaqamo.

Nebiga CSW laftiisa waagii Maxamed loo bixiyey diintu ma ay jirin, Cumarna aabbihiis muslim ma uu ahayn oo magaca diin ahaan uguma uu bixin, lagamana beddelin markii uu muslimay!

Xilligii nebiga CSW eyda waa la dhaqan jirey oo Qur’aanka ayey ku taal in ay yihiin xoolo aad u fiican oo waxtar weyn u leh bulshooyinka. Maanta waxaa jira dad wadaaddo ah oo markii ay ey arkaan mooda in ay arkeen naartii Jahannama oo ka carara, qofkii watana u qaba in uu gaaloobey.

Dadka iyo doofaarka labadaba diinta islaamku hilibkooda in la cuno waa ay xaaraamaysay, taasna macneheedu ma uu aha in ay diintu dadka fartay in ay dadka iyo doofaarrada colaadiyaan oo ay cadow u arkaan.

Nacaybka waxyaalaha la tumo, nacaybka macagyada aan carabiga ahayn iyo nacaybka eyda keli ah ma aha waxyaalaha diinta dhawaan lagu daray ee dhammaan waxyaalaha maanta diinta ah wuxuu nebigu CSW ogaa in ka yar 20%. Inta kale waxaa sameeyey dad kale, waana diin oo qofkii maanta ka doodaa wuxuu noqonayaa sidii qof u dooday in ay tuugnimadu diinta islaamka ku bannaan tahay oo kale.

Waxaa dhanka soomaalida ka jira in waxyaalo aysan diintu adkayn la adkeeyo, isla markaasna arrimo waaweyn la fududeeyo. Dhawaanahaan waxaa aad looga hadlayey in uu Maxamed-Dheere meelaha uu xukumo ka mamnuucay in wajiga la qarsado, waxaana arrintaas keenay in ay Ismaaciil Cumar Geelle iyo kooxda uu koofurta ka samaystay dad ku laayeen Soomaaliland.

Saddex meelood oo Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa ka jira maamullo aan dalka intiisa kale ka jirin, waana Puntland, Shabeellada dhexe iyo Soomaaliland. Waxaa kale oo jira kooxo awood maafiyayn ah ku leh koofurta iyo debedaha, waxaana arrimahaas kula heshiis ah Ismaaciil Cumar Geelle oo dano dhaqaale iyo ujeeddooyin qabyaaladeed Soomaaliya ka fushada.

Meelaha ay maamulladu ka jiraan raalli lagama aha oo waxay kooxda Ismaaciil oo burcadda ahi rabaan in ay Soomaaliya oo dhami noqoto meel ay denbiilayaasha dalalka kale ku dhuuntaan, oo daroogada lagu beerto, isla markaasna adduunka lagaga baryo hanti ay kooxdaas burcadda ahi debedaha guryo kaga dhistaan ama ay dantii ay rabaan sharcidarro ugu fushadaan.

Halganno badan ayey kooxda Ismaaciil Cumar Geelle u mareen in ay Soomaaliya ka dhawraan in uu maamul ka xasilo meel ka mid ah, waxaana ugu danbeeyey dilalkii ay dhawaan ka geysteen Soomaaliland.

Sababta ay Soomaaliland ajaanibta iyo shacabka kooxdaas burcadda ahi ugu laayaan waa in ay ogaadeen in uusan maamulka Soomaaliland awood ciidan lahayn, oo aysan samayn ciidan sugi kara arrimaha nabadda. In kasta oo ay Soomaaliland deggan tahay, haddana waxaa la hubaa in uusan maamulka ka jiraa wax tillaabo ah ka qaadin arrimaha ciidanka iyo arrimaha bulshada.

Sidaas awgeed ayuu Cabdiqaasim wuxuu meesha uu joogo oo fowdada ah ka soo diraa niman uu u geliyey xijaabka dumarka, waxaana arrintaas ka danbeeya Ismaaciil Cumar Geelle. Dhawr jeer ayey burcaddaasi falal cadownimo ah oo isu eg ka fuliyeen Soomaaliland oo ah meel uu maamulka ka jiraa hagraday, waxaana gaarey dhaawacyo sumcad ahaan iyo nolol ahaanba wiiqay maamulkii yaraa ee muddada ka jirey Hargaysa.

Sidaas oo ay tahay wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle iska dhigaa in uu xariir iyo deriswanaag sookeeyenimo la leeyahay dadka uu sidaas nacabnimada ah wadnaha iyo duunta u goynayo, oo Ismaaciil waa god labo dhan ka daloola (munaafaq)!

Maamulka uu Maxamed-Dheere madaxda ka yahay wuxuu ogaadey in uu Cabdiqaasim qorsheeyey in uu Jawhar u soo diri doono niman shukooyin dumar ku lebbisan oo indhoshareeran, wuxuuna markiiba mamcuucay in dhulka uu maamulkaasi ka taliyo aan lala soo geli karin indhosheer.

Burcadda Ismaaciil Cumar Geelle waxay ka naxeen go’aankaas lidka ku ah qalalaasihii ay rabeen in ay ka abuuraan dhammaan meelaha xasilloon, waxayna ku marmarsiinyoodeen in uu Maxamed-Dheere diinta islaamka diiddan yahay.

Awal waxay meelaha ay maamulladu ka jiraan ku caayi jireen in ay joogaan dad Itoobiyaan ahi oo aysan soomaali ahayn qabiilooyinka nadaamada samaystay, waxayna meelo maamullo laga samayn lahaa sida Bay iyo Bakool ku kharashgareeyeen dhaqaale badan si ay isugu diraan dadka ku dhaqan, oo ay koofurtu u sii xumaato.

Dhammaan koofurta Soomaaliya meesha keli ah oo uu maamul ka hirgalay waa Shabeellada dhexe oo uu Maxamed-Dheere ka sameeyey maamul aad u sugay nabadda gololka, waxaana habboonayd in lagaga daydo wanaagga uu ay Maxamed iyo dadkiisu hirgeliyeen oo koofurta lagu baahiyo maamullo la mid ah midka haatan ka jira gobolkaas.

Nasiibdarro waxaa dalka Soomaaliya qasaya Ismaaciil Cumar Geelle oo raba in ay asaga iyo kooxo burcad ahi dalka ka dhigaan boholo daayeer, waxaana hadda la qorshaynayaa dagaal weyn oo lagu burburinayo maamulka keli ah oo ka jira koofurta Soomaaliya, oo uu dhisay Maxamed-Dheere.

Maxamed-Dheere waa ninka keli ah oo ka leexday waddadii burcadnimada mooryaanta oo dareemay in ay shacabkiisu u baahan yihiin kala danbayn ee aysan u baahnayn in ay isgumaadaan, oo ay ummadda kale ku xad-gudbaan. Wuxuu meelo badan ka sheegay in dalka lagu xasilin karo in meel kasta laga sameeyo maamul shaqaynaya, dabadeebna ay maamulladu dhisaan barlammaan iyo xukuumad hirgeliya danaha gudaha iyo kuwa debedda ee ay ummaddu tebayaan.

Waxaa aragtidaas diiddan kooxo isugu jira tuug iyo caaqyo oo aysan hadalkooda iyo ficilladooda midna ka muuqan in ay rabaan in la xasiliyo Soomaaliya, oo ku sii indho adag boob iyo been ay dalka iyo dadka ku halaajinayeen tan iyo waagii uu Maxamed Siyaad u cararay meeshii uu ciddiisa ku ogaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Adiga yaa ku abuuray? Kownka se yaa abuuray?

Waxaynu uga jeednaa hadalladeennaan in aysan diintu ahayn wax uu qof kastaa ku fushado dano xaaraan ah ama uu qof kastaa sidii uu rabo ugu adeegto ee ay tahay mabda’ soo jireen ah oo aan burcad iyo faasuqiin waxba laga weydiinayn, waana sababta keentay in aynu caddayno in uusan muusiggu xaaraan ku ahayn xagga shareecada islaamka.

Haddii aynu u soo laabanno faaqidaaddii suufiyada oo uu maqaalku ku saabsanaa waxaa qoraallada ugu muhiimsan ee suufiyada ka mid ah qasiido aad u dheer oo ka qisoonaysa shinbir safar dheer samaysay.

Waxaa qoraalkaas miiggan oo xalladda badan qoray nin Iraani ahaa oo magaciisa la oran jirey Fariiduddiin Cattar oo lagu qiyaaso in uu noolaa muddadii u dhexaysey 1140 ilaa 1230.

Shinbirtaas uu Fariiddudiin ka gabyey waxaa magaceeda la oran jirey Simurgi, waxayna fuushay oo muddo saarnayd buur dheer oo magaceeda la yiraahdo Qaaf. Sadcaalka shimbirtu wuxuu ahaa mid qalbigeeda iyo jirkeedaba ku saabsanaa oo khiyaali iyo riyo ahaa.

Markii ay shimbirtaasi safarkeedii bogatey waxay gaartey wixii ay jeclayd oo ahaa ilaahii ay u socotey oo ay naftiisa iyo nafteedu isku qasmeen. Arrintaas ay shimbirtu gaartey waa ”xaqiiq” oo ah in ay ogaatey in nafteeda iyo ilaah ay si dareen shishe ah oo sir ah isugu barxan yihiin.

Aragtidaas ay qasiidadaas dheer oo aftahmada badani shaaca ka qaadday waxaa markaas ka hor ku dheeraaday suufi aad u miisaan cuslaa oo la oran jirey Mansuur Alxallaaj, oo noolaa muddo lagu qiyaasay in ay u dhexaysey 858 ilaa 922 taariikhda miilaaddiga.

Mansuur wuxuu sheegay in uusan dareemayn in uu ilaah naftiisa ka baxsan tahay, oo wuxuu yiri: ”Waxaan leeyahay saaxiib keli ah, oo aan booqdo annaga oo isku cidlaysanna oo ila jooga, laakiin aanan u jeeddin, waxaana markii aan la hadlayo dareemaa in aan anigu isla hadlayo”.

Mansuur wuxuu tiriyey qasiidooyin waaweyn oo uu kaga hadlay in ay asaga iyo ilaah la mid yihiin khamro iyo biyo la isku daray, wuxuuna maanso ku yiri baydad sidaan la macne ahaa: ”Naftaydu waxay la midowdey naftaada, sidii khamro wayn ah oo lagu walaaqay biyo saafi ah. Markii lagu dhaqaajiyo waa aan dhaqaaqaa, oo haatan adigu guud ahaan waxa aad tahay aniga. Waxaan ahay midka aan jeclahay, wuxuuna midka aan jeclahay noqday aniga”.

Diimihii hore suufiyadii wax ka farcay guul aysan gaarin ayey gaareen suufiyada islaamku, waana in ay heleen taageerayaal badan oo ku soo qolqolay suufinimada, waxayna suufiyadu gaareen xorriyad ka sarraysa xorriyadda ay dadka kale haystaan, oo dhaqamada loo hoggaansamo oo dhan waxaa qofka suufiga ah kala fiican in uu suufinimada ku sii fogaado.

Firqooyinka kale ee islaamka waxaa mar kasta soo yaraan jirey in ay dumarku madax ama culumo noqdaan, laakiin suufiyada dhexdeeda waxay dumarku heleen fursado fiicfiican, waxaana sannadihii 700 dhexdooda soo caan baxday haweeney cilmi suufiga iyo welinimada ka gaartey heer aan caadi ahayn oo la oran jirey Raabiya Al-Adawiya.

Suufiyadu maaddaama ay qiimaha ka qaadeen dhaqamada ay dadka kale u tacasubaan oo ay jawi kale galeen waxay ku jiraan xero ay naftoodu dareemayso oo dadka kale ka xiran. Hodannimada dhaqaalaha waxaa kala weyn in uu qofku dareemo jacaylka ilaah oo uu u macaansado.

Suufi maansada murtideeda aad looga danbeeyey oo la oran jirey Arruumi ayaa wuxuu qasiido (tix) ku faalleeyey uusan jirin jacayl aan ahayn in ilaah la jeclaado, wuxuuna tiriyey maansooyin dheerdheer oo u eg kuwa caashaqa ah oo dumarka loo tiriyo ama ay dumarku ragga u tiriyaan.

Aragtiyaha Arruumi iyo kuwa ay dadka falaasifada ahi ka qabaan jacaylka ilaah la jeclaadaa waa ay isku dhow yihiin, oo waxay dadka falsafadu sheegaan in haddii ilaah la jeclaado ay meesha ka baxayso in wax la fahmo oo uusan qofku fakar iyo aqoon midna xambaari karayn haddii uu la xamaysan yahay jacaylka ilaah. Waxaa la sheegaa in aan jacaylka la fahmi karin ee la dareemi karo, oo sidaas darteed uusan qofkii ilaah jeclaadaa wax fahmayn ee uu wax dareemayo.

Arruumi laftiisu wuxuu qasiidooyinkiisa suufiga ah ku badiyey in ay waallida iyo indhoxirnaantu qofka u badiyaan in uu ilaah jeclaado, wuxuuna bixiyey talooyin uu macnahoodu sidaan ahaa: ”Waa in uu fakarku kaa madow yahay, oo aad waalan tahay! Sun cab oo daadi biyaha nolosha! Ka dheerow farxad oo ku negow meelo naxdin leh. Ammaanta iyo faanka iska xoor oo xishood ka qaawanow!”.

”Waallidu waxay keentaa murti badan” ayuu rumaysnaa Arruumi, oo wuxuu sida badan ka maansoon jirey in wax kasta si jirdacay loo macneeyo, sida in qabowga kulayn loo qaato. Wuxuu rumaysnaa in sidaas lagu gaari karo xaqiiqada jacaylka Rabbi.

Aragtidaas waallida laga dhex doonayo jacaylka Alle waxaa bilaabay Arruumi, waxayna u faaftay si aan caadi ahayn oo xataa diimo kale ayaa ka sii xigtey muslimiinta aragtidaas, waxaana la oran karaa waa aragti caalami ah oo uu nin muslim ahi adduunka keenay.

Suufiyadu waxay ahaayeen dad wacdi badan oo u qaba in uu dadku ku hawlan yahay waxyaalo aan macne lahayn, waxayna dadka caadiga ah kala doodi jireen waxa ay tahay ”xaqiiqo”.

Aragtida suufiyadu markii ay xoogaysatey waxay u sii kala baxday firqooyin, waxaana qabuurihii suufiyada waaweyn laga dhigay meelo lagu dalxiiso oo dhulalka ay muslimiintu degaan oo dhan laga soo aado.

Waxaa ragga caanka ah oo la jeclaa ka mid ahaa Cabdulqaaddir-Jiilaani Muuse oo ay qabrigiisa iyo magaciisuba noqdeen humaag weyn oo ay muslimiin badani ku hirtaan. Waxaa jira dad u qaba in uusan Cabduqaaddir suufi ahayn ee ay suufiyadu geeridiisii ka gadaal ku been-abuurteen, laakiin anigu waxaan qabaa in uu Cabdulqaaddir-Jiilaani ahaa suufi weyn, waayo saddex qoraal oo uu reebay waxaa ka muuqda aragtiyo cadcad oo cilmi suufi ah.

Markii uu qofku ka doodayo in uu Jiilaaani suufi ahaa iyo in kale waa in uu hortii soo bartaa cilmi suufiga, dabadeedna uu akhriyaa buugtii uu Cabdulqaaddir qoray. Haddii kale wuxuu noqonayaa qof jaahil ah oo murmaya.

Suufinimada kafarkeedu waa in la isweydiiyo su’aalo aan fahamka la xariirin ee khushuuc ah, oo lagu baadi goobayo siraha ka dhexeeya dadka iyo ilaahood, waxaana su’aalahaas la isku weydiiyaa luqad ka duwan midda ay caamadu ku wada hadlaan.

Waxaa suufinimada lagu baaraa dadka iyo waxyaalaha aan muuqan xariirka ka dhexeeya, waxaana lagu ogaadaa in uu Rabbi adduunka abuuray, oo uu uga dhex-tegey qaybo asaga ka mid ah oo ku barxan adduunka, mana uu muuqdo ee waxaa shay kasta ula socda qayb asaga ka mid ah oo wakiil uga ah.

Waxay suufiyadu qabaan in uu Rabbi adduunka u abuuray in uu ismuujiyo, oo uu markiisii hore ahaa shay qarsoon uuna soo caan-baxay markii uu wax abuuray ka gadaal.

Dadka wuxuu cilmi suufigu ku tilmaamaa noole baadigoob ah oo sadcaal dheer ugu raad jooga in uu xaqiiq ogaado, wuxuuna markiisii hore dadku ka yimid Rabbi. Markii uu Rabbi ka soo tegey ayuu dadku shakiyey, wuxuuna rabaa in uu Rabbi dib ugu laabto.

Rabbi laftiisa wuxuu cilmisuufigu sheegaa in uu naftiisu iska yimid oo uu meesha uu ka soo jeedaa ay isla asaga tahay, dabadeedna uu adduunka dhexdegey. Sidaas awgeed dadku waxay ka mid yihiin adduunkaas uu Rabbi dhexdegey oo haddii ay Rabbi raadiyaan waxay helayaan asaga oo ayaga ku milan.

Siduu adduunku u abuurmay waxay suufiyadu ku metelaan muraayad la sameeyey oo kale. Intii aan muraayadda la samayn dadku ma ay haysan shay ay iska dhex arkaan oo waxay muraayadda u sameeyeen in ay is arkaan. Sidaas awgeed wuxuu Rabbi iska dhex arkaa waxyaalaha uu abuuray, waana sababtii uu u abuuray.

Cimisuufigu wuxuu leeyahay ”Haddii uu Rabbi dadka iska dhex arko, dadkuna Rabbi waa ay iska dhex arkaan”. Markii uu qofku waddada dariiqada oo uu Rabbi ku baarayo maro, wuxuu ogaanayaa runtii oo ah in uu ilaaha uu raadinayey naftiisa ku jiro. Wuxuu Alxallaaj marmar badan maansooyinkiisa ku daray ”Waxaan ahay xaqiiq oo ah Rabbi”!

Asaaskaas ayey aragtiyaha suufiyadu ka kacaan, waxayna dabaashaan mawjado waaweyn oo lagu kala sarreeyo sida loogu kala horreeyo dhedheninta xaqiiqda.

Qofkii xaqiiqda dhedhemiya oo si cad u soo taabtaa wuxuu ka baxaya mugdi ay dadka caadiga ahi ku jiraan, wuxuuna gaarayaa darajada ”kashfi” oo ah in xijaab laga qaaday oo uu weli caarif ah yahay.

Welinimadu waxay tusaysaa waxyaalo aysan dadku ogayn, waxayna siinaysaa awood uu Rabbi agtiisa ka yahay qof aan waxba lagu soo celin karin. Waxa ”qudrad” la yiraahdo oo ah awood maqaaddiirta lagu maamulo ayuu qofka weliga ahi xubin ka geli karaa!

”Iriddii jannada in aad ka gelin, waan ogsoonahaye”!  Waxaa nin ku yiri Maxamed Cabdulle Xassan, wuxuuna ereyga ”ogsooni” u adeegsadey in uu suufi dariiqo leh ahaa darteed. Waxaa khasab ah in uu Maxamed Cabdulle maray shuruudaha dariiqada, waayo kuma uu dhawaaqi kareen ”dariiqo” asaga oo aan xaqiiqo gaarin, wuxuuna ahaa Saalixiyo oo ah laan ka farcantay suufiyada casriga ah, taas oo aad looga xiiseeyo in uu qofka dariiqada maraa ku darmo Rabbigiis.

Wadaaddo badan oo soomaali ah baa waxay gaareen ”kashfi”, waxaana ka mid ahaa Barkhadle oo la sheego in uu soomaalida ka caawiyey in ay alifbeetada carabiga afkooda ku sharxadaan.

Waxaa kale oo nin aad u culus ahaa Cabdirahmaan Saylaci, oo ahaa qoraa miiggan oo ku takhasusay culuumta afka carabiga iyo cilmisuufiga, oo qoray buugaag laga barto naxwaha iyo sarfiga carabiga.

Waa ninkii qoray kitaab aad dunida carabta looga jeclaaday oo magaciisa la yiraahdo ”Xadiiqatu tasriif” oo ah maanso uu ku gabyey cilmiga sarfiga. Run ahaantii in laan aqooneed maanso lagu sharraxaa waa arrin yaab badan, waxaana asaga uga horreeyey rag ay ka mid ahaayeen Xariiri iyo ibnu Maalik oo labaduba sidaas oo kale qoray maansooyin lagu daraaseeyey naxwo iyo sarfi.

Suufiyada soomaalida qaarkood iyo Yamantu waxay dariiqada ku kaalmaystaan qayilaad ay ku gaaraan xaqiiqda, waxaana dhulalka uu qaadku ka baxo ka soo baxay awliyooyin muhiim ah oo uu ka mid yahay Maxamed-Rabiic oo ah nin afka carabiga ku allifey maansooyin badan oo cilmisuufi ah, welina nool oo la sheego in uu xaqiiqo gaarey.

Qaadka xalaalnimadiisa suufiyadu iskuma ay raacsana ee kuwa Itoobiya iyo Yaman ku soo barbaaray buu u xalaal yahay, inta kalena waa uu ka xaaraansan yahay. Suufiyada keli ahi qaadka ma ay xalaaleeyaan ee wadaaddada Itoobiya ka soo jeeda badankooda ayaa malaha rumaysan in uusan xaaraan ahayn.

Xataa firqooyinka la aragtida ah wadaaddada sucuudiga waxaa ka mid ah qaar Itoobiya ka soo jeeda oo sheegay (iftooday) in uusan qaadku xaaraan ahayn, waxaana ka mid ah nin aad loo qaddariyo oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Nuur Qawi, oo codkar khudbeeya ah, isla markaas xaddiiska ku fiican.

Guud ahaan cilmisuufigu wuxuu qofka xaqiiqda soo taabtay u banneeyaa waxyaalo ay dadka hoose ku wareeri karaan, waxaana suufiyada ka dhexjira in ducada awliyadu ay la mid tahay midda Rabbi la baryo maaddaama ay xaqiiqo gaareen, oo ay dareemeen in uu Rabbigii la caabudi lahaa naftooda ku qasan yahay!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments