Tadawurku waa xaqiiqo cilmiya

T
Waxaad arkaysaa dad si fudud u yasaya aragtidii Daarwiin ee Tadawurka. Waxa qurux badan qofku markuu wax durayo inuu aqoon u lahaado. Iyadoon meel fog laga eegin cadaymaha Tadawurka, adiga akhristaha ah ayaa tusaale nool u ah. Haddaad u fiirsato jidhkaaga waxa laga helayaa xubno aanad u baahnayn oo aan faa’ido buuran kuu lahayn laakin awoowyaashii aad ka soo tafiirantay muhiim u ahaa.

Vestigial organs (Xubanaha jidhkeena aan faa’idada lahayn)

Dhudhumada iyo baabacadu meesha ay iska galaan u fiirso adoo suulka iyo far-yarada is taabsiinaya waxa laga yaabaa inaad aragto muruq yar oo la yidhaa (palmaris longus). Muruqan dadka qaarkii malahan wax dhibaato ah oo ay kala kulmeena ma jirto. Muruqani noolaha aynu asal-wadaagta nahay sida daayeerka oo kale aad buu muhiim ugu yahay, waayo waxay si aasaasiya u adeegsadaan gacmaha, iyagoo ku soconaya ama dhirta ku fuulaya.

Jidhkeenu wuxuu leeyahay timo gaagaaban (xaad). Marka aad dareento qabow, muruqyo aad u yaryar oo maqaarka hoostiisa ku jira ayaa kor u taaga timahaa. Xaaladaa waxaynu u naqaana “Jidhidhico – Goosebumps – “. Noolaha aynu asal-wadaagta nahay sida shimbiraha iyo xayawanada dhulka qaboobaha ku nooli timahaa duleed noloshooda qayb muhiim ayay ka qaataan, iyagoo dhaxantana ka celiya kulka jidhkana u xajinaya.

MadaxaDhagtaada waxa ku xeeran saddex muruq oo aan faa’ido kuu lahayn. Ka hor intuuna Tadawurka heerkan soo gaarin, muruqyadaasi waxay dhaq-dhaqaajin jiren dhagaha iyagoo la doonanaya goobta jabaqdu ka imanayso – dabcan dhagahu intan waa ka waynaayen – . Noolaha in badanoo ka mid ah muruqyadaasi badbaadooda ayay ka qayb qaataan, waxayna awood u leeyihin inay dhagahooda dhan walba u jeediyaan.

Ujeedada aan uga socdaa waxay tahay, Waxa jirtay xilli xubnahaasi muhiim inoo ahaayeen. Laakiin tadawur inagu dhacay awgii ayay la hawl gabeen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Saadaashii dhabawday ee Daarwiin

 

Cadaymo kale +

Evolution! - Ms. Jones WebsiteNibirigu wuxu ka mid yahay naaslayda ku nool badaha, haddii aynu u fiirsano Gacmaha uu ku dabaasho sida ka muuqata sawirka waxay u dhawyihiin kuweena oo kale, waxay ka kooban yihiin faro, dhudhumo iyo gacan dambeed. Saynis-yahanada faqa noolaha dhulka hoos maray (paleontologists) waxay heleen lafo – Fossils – markii la isku habeeyey qaab ahaan aad ugu dhaw kuwa nibiriga. Taas waxay cadayn u tahay noolaha barriga ku nooli inuu asal ahaan kasoo jeedo biyaha.

Tadwurka nibirigaDNA-du waxay cadaynaysaa dhaamaan nooluhu inay qaraabo wax wadaagta yihiin. Saynisku wuxu inoo suurta galiyay inaan is bar-bar dhigi karno Qaabka ay u habaysantahay DNA-da noolayaashu, halkaa waxan kala soo dhex bixi karnaa intee in le’eg ayay isku jiraan noolayaashu. (How related they are). Tusaale: 99% daayeerka chimpanzee la dhaho DNA diisa waxa la barbar dhigi karaa ta dadka.

Dareemaha loo yaqaano – Left recurrent laryngeal nerve – ee kasoo farcama dareemaha 10aad ee maskaxda “Vagus”, wuxu aadaa cunaha. Waxad ogtahay maskaxda iyo cuneheenu inay isku dhaw yihiin, Markaa waxay ahayd inaanu marin masaafo dheer ee uu si toos ah cunaha u aado.

Hadaba toos ma u aadaa?

Marka uu kasoo baxo maskaxda wuxu hoos ugu dhaadhacaa wadnaha isagoo hoosta ka maraya halbowlaha, markaasuu kor u laabta oo uu cunihii ku noqdaa. Waxa laga yaabaa inaad is waydiiso muxuu masaafada intaa le’eg u soo maray. Saynis yahanka reer ingiriis Richard dawkins ayaa wuxuu yidhi mar uu masaladan ka hadlaayay “waa khalad aanu injineer ku dhici Karin”. Arrintan dhadhan ma samaynayso haddii aan ku dabaqno aragtida ah Ilaahbaa sameeyey noolaha. Laakiin hadaan u eegno tadawurka macno balaadhan ayay samaynaysaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xuubka bikradu caddayn ma u yahay bikranimada gabadha?

Asal-ahaan waxaan ka soo jeednaa biyaha, xayawaanada biyaha ku nooli ma lahan qoor, dareemahaasi marka uu maskaxda ka yimaado wuxu sii ag maraa wadnaha si uu cunaha u tago. Marxalada badda marka laga soo gudbo ee noolihii isu badalo barri ku nool, dareemihii dhararkiisii waa dheeraanayaa laakin wadadii u marayay is badali mayso.

Gunaanadkii nooluhu waa taarikh socota, qaabka aynu u samysanahay ayaa tadawurka u markhaati furaya. Cadaymo aan tiro lahayn ayaa ku xardhan dhammaan qaybaha biology-ga iyo sayniska la xidhiidha noolaha.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
waaqaa ween
waaqaa ween
14 Maalmood Kahor

this is ma fav web

Kaasho Maanka
Admin
5 Maalmood Kahor
Reply to  waaqaa ween

🙏

Last edited 5 Maalmood Kahor by Kaasho Maanka
W/Q: Samawade Seeraar