Summad

Cilmaaniyad

C

Caqliyadda Soomaalida iyo cidhib xumada aqooneed

Aadanuhu waxa uu kaga duwan yahay noolaha kale caqliga iyo garashada oo u suura galisa fahanka nolosha iyo koonkaba walowba ay jiraan doodo falsafadeed oo si qoto dheer usii lafa gura waxa uu ka dhigan yahay caqli iyo garasho balse waxa si guud la isuga raacsan yahay in labaduba ay ku sar go'an yihiin deegaanka iyo waqtiga markaa ay la nool yihiin.

Calmaaniyadda

Dhibta maanta ina haysata adduunka hormaray mar buu dacarteeda soo dhamay. Haddii aan caqbariyiin nahay waxaa nalaga rabay in uu kaa cashir inoogu filnaado oo aan ka dhawrsanno meesha uu qayrkeen faraha ugaga gubtay.

Cilmaaniyaddu waa badbaado

Dadka Soomaaliyeed weligoodba waxay ahaayeen dad ku dhaqma iskuna maamula nidaam cilmaani ah oo aan isku qasayn diinta iyo maamulka. Xeer Soomaali ayaa la isku maamuli jirey, dadku waxay u qaybsanaayeen Waranle, Ugaas iyo Wadaad, koox waliba shaqadeeda ayay qabsan jirtey kumana xad-gudbi jirin shaqada kooxda kale.

Yaa diiddan cilmaaniyadda Soomaaliya?

In diinta islaamka iyo dowladda la ka la saaro waxaa diiddan wadaaddada Wahaabiya ee wadaaddada kale waa ay oggol yihiin. Dariiqooyinka iyo suufiyadu wax shar ah ku ma hayaan soomaalida, laakiin dib baynu ka faallayn doonaa ka la duwanaanta firqooyinka.Wadaadkii ugu horreeyey ee soomaali ahaa ee sheegay in uu xukun u oomman yahay waxa uu ahaa Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin isagu ma uu sheegin in...

Wadaado ma qori karaan dastuurka Soomaaliya?

Xeerka qaranka Soomaaliya waxaa dejintiisa lagu daray wadaaddo, waana arrin foolxumo ah in ay wadaaddadu ka soo baxeen masaajidda iyo mawlacyada oo ay faraha ku la jiraan arrimaha dowladda. Wadaaddadu waxa ay samayn jireen in ay Quraan, Mawliid iyo Burde dadka jiran ku akhriyaan, in ay wardiyaan, in ay naagtii loo la yimaado meheriyaan iyo in ay awliyada ku digriyaan, nebigana ku salliyaan. Maxay...

Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed

Sida ay noo sheegayaan raadadka aarkiyoologiyeed (Archeology signs) eey awoowayaasheen ka tageen, dulka maanta looyaaqaan soomaaliya waxay nolol ka jirtay 9000 sano ka hor dhalashadii Ciise.Dhigaalada sooyaal ee qoran, sidoo kale, waxay iyagane inoo sheegaayaan in soomaaliya ay ka jirtay nolol ilbaxnimo ku dheehantahay afar kun  sano ka hor dhalashadii Ciise.Soomaaliya waxay qeyb weyn oo muhiim...