Summad

Dumarka

D

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Istarliin Cabdi Caruush?

Waan hubaa inaanan qoraal ku soo koobi karin waxqabadkii iyo taariikhdii ay ka tagtay laakiin waxa aan isku dayayaa inaan si kooban u xuso shaqsiyadda iyo howl karnimadii gabdhan karaamada weyn aan u hayo ee kor ku xusan! Waxay ku dhalatay gobolka shabeellada dhexe sannadkii 1957,waxayna ku barbaartay oo wax ku baratay magaalada (Marka/Marca) ee caasimadda u ah gobolkaas, Marka waxa ay 90...

Xuubka bikradu caddayn ma u yahay bikranimada gabadha?

Sida in badan oo idinka mid ah waxaan ku koray aaminsanaanta in hymenka (xuubka bikrada) uu yahay caddayn bikranimo. Laakiin waxaa soo baxday in aan dhammaanteen khaldanayn. Waxaan ogaanay waa in sheekada caanka ah ee la inooga sheegay bikranimadda haweenka ay ku salaysan tahay labo khuraafaad. Sidaas oo ay tahay runta dhabta ah ee bikronimada haweenka ma ahayn wax ka qarsoon culumadda...

Dumarka lagu ceebeeyo dhillaynimo (Slut-shaming)

Slut-shaming waa markaad ku weerarto gabdhaha hab-dhaqankooda galmada - ha ahaato mid xiriir galmo ku jirta (sexually active) ama mid kale, si kastoo ay u yar tahay ficilka ay samaysay, waxaa loo tarjumi karaa laguna dhalleeceyn karaa "galmo xad dhaaf ah" (dhillonimo) - waana arrin ay bulshooyinku muddo dheer ka aaminsanaayeen haweenka.

Ex-Muslim Misogynist

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga "Misogyny" micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson "Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya". Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido...

Ilaalinta Xuquuqda Dumarka iyo Waddamada Islaamka!!

Xilligii ay go'aansatay dowladda Switzerland dhisitinakaa masaajiddada! Kama aan akhrin saxaafadda Carabta wax arrinkaas ku saabsan.  Waxaan la yaabay markan ka akhriyey jariiradda Al wadan ee Sacuudiga kasoo baxda qaybteeda internetka bishi Maarso, 2010, maqaal uu qoray qoraa lagu magcaabo Turki Al-dakhiil. Maqaalkaas, oo ahaa mid uu kaga maadsanayo sida ay u ilaaliyaan xuquuqda xayaawanka dalka...

Ma waajib baa xijaabka iyo timoqarinta Dumarka?

uslimiinta badakoodu waxa ay u daliishadaan faralka iyo waajibnimada xijaabka iyo in dumarku timahooda qariyaan ama asturaan aayadda 31 ee suuradda Al-Nuur. (Waxaad ku dhahdaa (Haweenka) mu’minaadka ah, ha laabeen indhahooda hana dhawreen farjigooda, muujininna quruxdooda wax muuqda mooye, hana ku dadeen hagoogtooda laabtooda/naasahooda, yayna u muujin quruxdooda raggooda mooyee, iyo...

Diinta Islaamka iyo Dumarka

Garta dumarka iyo diinta islaamka lama gali karo, cid qaadaa furi kartana ma jiro. Diinta Islaamka waxa ay dumarka u ekaysiisay wax ay raggu leeyihiin amaba qayb bahaahinka ka tirsan, saamigooda oo kale ayay ku qiimaysay. Dumarkuna insaan xor ah oo sida ninka xaq iyo xuquuq insaani ah leh bay isu haystaan. Dumar badan oo islaam ah oo waxaan aragnaa maalin walba leh, diinta islaamka dumarka way...

Geesiyaynta gabdhaha

ablaha waxaa loo diyaariyaa markay yar yihiin inay ka fogaadaan caqabadahaa iyo dhibaatooyinka nolosha, waxaa loo sheegaa inay qoslaan, si nabad ah wax ku xalliyaan, waxbarashada ay si xeeladaysan u wataan oo dhibco fiican keenaan. Dhanka kale, wiilasha waxaa la baraa inay adkaysi yeeshaan, inay dhibaatooyinka u dhabar adaygaan, xitaa kubbadda inay si aan naxariisi ku jirin u ciyaaraan oo geed...

Deeqo Afro Jidhkeeda iyadaa leh!

Maalmahan waxaan ku arkeyey baraha bulshadu ku kulanto dad badan oo ku mashquulsan hab lebiska fanaanada caan baxday ee Deeqa Afro. Soomaalidu waa dad aan runta isu sheegin, qofka Soomaaliga ahi xataa naftiisa runta waa kala dagaalama oo waa dad dhalanteed Ku nool. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarkan teendhada madaw(Xijaabka) ku dhex jira ee isu haysta inay karaamaysan yihiin ama isla quman ma...

Goorma ayay laab la qaawiyaa danbi noqotay?

Goorma ayay noqotay laab la qaawiyaa danbi iyada oo saxaabada qaar kamid ahi bannaanka ku salaaxi jireen dumar ajaanib ka ah? arka aad fiiriso qaabka Diinta Islaamku ula dhaqanto labada jinsi ee labka iyo dhedigga waxaan waqti badan qaadanayn inaad aragto cadaadiska xooggan ee ay saarto dumarka iyada oo duudsiisa xuquuqdooda qaar kamida sida sinnaanshaha dhaxalka marar badanna tagri-fal iyo...