Summad

Soomaali

S

Ijaabo (Sheeko Faneed)

Ijaabo waa inan jamaal, joog iyo haybad-ba isku darsatay. Waa inan buuxsantay oo gashaanti ah, markaas-na inta is wada gaadhay isu aragtay in ay dumarkaba kaw; dhanka quruxda, qaabka, toolmoonaanta, jalaqsanida, heemaalka iyo haybadda iyadu u tahay. kalsoonida ay isu qabtay waxa ay gaarsiisay in iyada mooyaan'e inta gabadh la lood ama fac ah aysan jirin inan kula tartami karta quruxda iyo...

Caqliyadda Soomaalida iyo cidhib xumada aqooneed

Aadanuhu waxa uu kaga duwan yahay noolaha kale caqliga iyo garashada oo u suura galisa fahanka nolosha iyo koonkaba walowba ay jiraan doodo falsafadeed oo si qoto dheer usii lafa gura waxa uu ka dhigan yahay caqli iyo garasho balse waxa si guud la isuga raacsan yahay in labaduba ay ku sar go'an yihiin deegaanka iyo waqtiga markaa ay la nool yihiin.

Enerjiga iyo Siyaasadda

Siyaasaddu sideeda bannaan waa dano gaar ah oo loogu adeegaayo shacabka iyo dalka waxaana loo xilsaaray siyaasiyiinta. Siyaasi kasta waxaa khassab ku ah inuu u hogaansamo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, hadaba maadaama Soomaaliya haysan xeerar qoran waxaa adkaatay in dib loo qoro xeerar cusub  kuwaas oo quseeyo Saliidda, Betroolka iyo Gaaska dabiiciga.

The Macrobians

Taariikhyahankii Giriigga ee loo yaqaanay Herodotus, kuna magac dheeraa, "Aabaha taariikhda" ayaa buugiisii loo yaqaanay 'The Histories' (Taariikhaha) wuxuu inoogu soo wariyay dad uu ugu yeedhay "The Macrobians." Dadkaa, sida uu Herodotus inuu sheegay, waxa ay ku noolaayeen adduunka dacalkiisa koonfureed meesha uu ku dhamaado, sida ay Giriigu aaminsanaayeen oo ay aqoontoodu dhanayd, oo ku beegan...

Ri’da dambiyada

Degeladeena marka ay colaad ka aloosanto, cudur dilaaco ama abaaro dhacaan oo ay umadu dhibaatooto boqol jeer baad maqashaa wadaad meel iska taagaya oo leh, "dumarkii oo xijaabka ka tagay ama heesaha la dhagaysanayo baa u wacan abaaraha iyo dhibaatada!"

Soomaalida iyo Waallida

Waxyaalaha yaabka leh oo ay soomaalidu dadyowga kale kaga duwan tahay waxaa ka mid ah aragtida ay soomaalidu waallida ka haystaan iyo sida ay dadka waalan u la dhaqmaan, waxaana la isweydiin karaa bulsho qarniyo badan soo jirtey in ay sidaas waallida u la dhaqmaan.

Aniga iyo Qabyaaladda!

Waan ku salaamay qabyaaladeey. War horta salaanteyda ma maqleysaa? Dhago iyo af ma leedahay? Qabiilkaagu waa kuma? Qolamaa tahay qabyaalad quruneey? Koleey cadaawadda innaga dhaxeyso baan ogahay iga qaadi meeysid salaanta. Aniguse dan iyo xaajo kama lihi. Muddo baan goobayey nooca aad tahay. Sida aad u taal. Qaabka aad dadkeyga colaadda ugu dhex huriso. Feyruska ku sababo nociisa. Lakiin waan ku...

Dhoohanayaal!

Marka hore waan ku salaamay. Waxa aan hadda ku fadhiyaa kursiga aad igu fadhiisisay. Waxaan gacanta ku hayaa qalinka aad ii dhiibtay. Waxa aan xidhanahay suudka aad sababteeda laheyd in aan xidhto. Xafiis seddex mitir ah baan ka soo dhex salaamayaa. Waa xafiiski aad adiga i geysay, lakiin miyaad iga qaadan kartaa? Xaasha. Waa hanti aad i amaahisay, lakiin aad dib iiga dhigtay sida wax aan...

Noole cudurrada faafa gudbiya!

Muslimiinta iyo dadka kale in loo garnaqo ayey mudan yihiin. Muslimiintu dadka kale waxa ay u arkaan dad wasakhaysan maskax ahaan iyo jir ahaanba oo aan lahayn mabda' xalaal ah oo ay aamminsan yihiin iyo diin dhaqankooda hagaajisa. Waxa ay aamminsan yihiin in ay diintoodu diimaha iyo dhaqamada kale ka fiican tahay oo ay tahay diin loogu talogalay in ay dadka oo dhammi qaataan si ay adduunka...