Summad

Suugaan

S

Caashaqii labo kacleeyey (Sheeko Faneed)

Afarta indhood oo ay laboba labo jeceshahay waxaa isugu horraysey gu' ay geedaha sare huwadeen caleemo, xay, miro iyo faraq uu roobba roobkii ka danbeeyey ku saagootiyey onkod iyo hillaac isdaba joogey toddobkii ilaa gusooraha oo labo bilood oo isdaba joogey ay balliyada iyo meel kasta oo godan xareedi ku negaatey. Dhirta hoose oo isugu jirtey qaar magacyo leh iyo kuwo aan magacyo lahayn iyo...

Nebinimo (Maanso)

Caawa fiidkii hore oo ay taariikhdu ahayd 17-4-2018 waxa aan tiriyey tix jiifto ah oo aan isla markii aan tiriyey faafiyey, waxa ayna ku saabsanayd garaadka ama maskaxda, magaceeduna waxa uu ahaa “Nebinnimo”.  Waxa aanna rajaynayaa akhris wanaagsan iyo naallo suubban. Caqliyow ku naawiley Noloshayda idilkeed Nuxur aan ku taamiyo Nooligaygi baad tahay Markay talo ningaxan tahay Nuuxayso aragtidu...

Hambalyo Aroos

Maalin dhaweyd buu nin xajka in uu aado rabey waxaa uu arkay diyaarad cagaaran oo geed hoostiis taal. Geedku higlo ayuu ahaa, waxaa ayna diyaaraddu hoostiisa kaga dhuumatay saddex faras oo gadgaduudan, oo geedka duleedkiisa ka cabbayey biyo qabow.Xaajigu fardaha iyo biyaha uma uu jeedin, ee waxaa uu arkay diyaaradda cagaaran oo dhabbacan geedka hoostiisa. Higlo waa geed uu midabkiisu madow iyo...

Aftahmo iyo afjuxuunsi

Qof kasta oo dad la doodayaa wuxuu malaha jecel yahay in uu aftahmo ay guuli ugu soo hoyato leeyahay iyo in uu dadka lidka ku ah afjuxuunsado. Haddaba sidii lagu garan lahaa labadaas arrimood ayuu qoraalkaani inoo lafogurayaa, waxaase ugu horrayn fiican in aynu ogaanno macnaha labada erey ee ”tahan” iyo ”juxuun”. Ereyga ”af” waxaa la moodaa in uu xoogaa iska roon yahay, oo ay dadku maalin kasta...