Summad

Wadaad

W

Wadaadadu waa fulayada fikirka

Wadaadka Soomaaligu ma laha fikir dhalad ah oo ku socda danta bulshadiisa ee waa wax uu ku matalayo wadaadka Carbeed. Waxba ma hindiso waxbana ma qoro wadaadku, iyada oo asal ahaan aqoonyahannimadu tahay in wax la qoro si waxaa loo barto, loo darso, loona dhiteeyo. Caalim kasta oo uu sheegto waa arday Carbeed oo weligii kilkisha ku sita buug uu qoray wadaad Carbeed oo isaga mar jaamacadda ka la...

Diimaynta Aafooyinka Dabiiciga ah!

Waligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo ...” iyo waxyaabo la mid ah.

Fursad iyo Xorriyad

Maalin dhawayd ayaa waxa aan dhagaystay muxaadiro uu jeedinayo wadaad Soomaaliyeed (Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil). Waxa uu ka hadlayay arrin aynaan uga baran wadaad Soomaaliyeed in uu ka hadlo. Wadaad waxaa lagu yaqaannay in uu ka hadlo aakhiro iyo adduun; adduun qofka joogaa hamayn-dhaxmo ku yahay iyo aakhiro lama huraan ah. Adduunyadu agtiisa macno kama leh oo waxaa liibanay qofkii cimrigiisa...

Bullaacadda Qaraxa

30 sannadood wixii ka horreeyay dadka soomaaliyeed Islaamka way haysteen hadana may jirin qarax, meydka wadhan waddooyinka, dhiigga qulqulaya dariiq walba, hantida la burburinayo, ismiidaaminta aan meel loo eegayo lahayn, iyo damiir xumada ku dhacday dadkii meydka ka sarriigan jiray oo dhiiggoodii qiimo beelay. Bal is waydii maxaa is bedelay?70kii wixii ka dambeeyay waxaa si tartiib ah inoo soo...

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto?

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto? Dalka Sucuudi caraabiya oo ahaan jirey waddan ku dadaala in ay wahaabiyadu caalamka ku faaftaa nimanka ka soo baxa jaamacadaha dadka lagu wahaabiyeeyo waxa uu u qori jirey lacag ay dalalkooda kaga hawlgalaan oo ay ku faafiyaan wahaabinimada, laakiin lacagtaasi ma ahayn hanti badan oo shirkado lagu samaysan karo ee waxa ay...

Gogoldhaafkii shahiidka baahnaa ku dhacay!

Saboolnimada iyo fakhrigu waa caado ay soomaalidu leedahay oo tacab la’aan, aqoon darro iyo ilbaxnimo xumo ma aha ee waa dhaqan ummadeed. Tuulo soomaaliyeed oo ay wadaaddada Eebbe u go’ay ee Ashabaab haystaan baa waxaa deggan wadaad Ashabaab ah oo reer leh. Qoyskiisu waxa ay sabool u yihiin sida uu shaydaanku fakhri u yahay, wadaadkuna aqoon ma leh oo xoogaa xaddiisyo ah buu garanayaa, waana...

Eebbe maaha sida ay ku warrameen!

axaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa fasiraaddooda oo ah sida ay u...

Dhalinyarada iyo wadaadada

Dhallinyaro aad u badan oo ubaxii ummadda ah baa qolal mugdi ah ugu xeraysan wadaaddo aan dadkeenna u hayn wax horukac ah oo bulshada ku qulaamiya kutub waayo hore dhimatay oo xataa ay boqorrada carabta ee diracyada waaweyni ka qubaysteen. Dhallinyaradaasi u ma qalmaan in ay hoos joogaan wadaad damiin ah oo ku habsaamay aragti meyd ah, ummaddana raba in uu ku jiido god madow iyo hul uu isagu ku...

Cilmaaniyaddu waa badbaado

Dadka Soomaaliyeed weligoodba waxay ahaayeen dad ku dhaqma iskuna maamula nidaam cilmaani ah oo aan isku qasayn diinta iyo maamulka. Xeer Soomaali ayaa la isku maamuli jirey, dadku waxay u qaybsanaayeen Waranle, Ugaas iyo Wadaad, koox waliba shaqadeeda ayay qabsan jirtey kumana xad-gudbi jirin shaqada kooxda kale.

Marti soorkii Imaamka

Martigelinta dadka waa la ammaanay, waxaana la sii ammaanay sooryaynta muslimiinta siiba wadaaddo Eebbe markii ay xusuustaan argagaxa baqdin darteed in cunto la siiyaa waa khayr iyo barako.Cumar-Seeddi waxa uu dalka Jarmalka degganaa labaataneeye sano, waxa uuna booqasho ku tegey Gaalkacyo isaga oo ay weheliso Mona Torre oo ah haweeney jarmal ah oo uu dalkeeda ku guursadey muddo dhexdaas ah. Waxa...