Waxaa kale oo jira xaddiis kale oo isaguna cunsuriyad ah oo oranaya “Madaxda iska addeeca xataa haddii uu ninka madaxda ahi yahay nin madow!”. Xaddiiskii hore waxa uu denbi ka galay dadka aan Quraysh ahayn oo dhan, laakiin midkani waa midabtakoor si gaar ah loo liiday dadka uu midabkoodu madow yahay.
Labadaas xaddiis in uu nebigu yiri iska dhaaf ee xataa ma uu oran qof bar caqli ah leh oo carab ahi ee waxaa labadaba sameeyey dad maangaab ah, waxa ayna u badan tahay in madaxdii dhammaan Quraysh ahaa ee nebiga ka danbeeyey xilligoodii ay dad caqli yari sameeyeen si ay u xoojiyaan xukunka nimankaas qurayshta ahaa. Waddaadada xaddiisyadaas cunsuriyadda ah mad’habohooda u soo qaatay caqli ma ay adeegsan, nebigana ma ay ixtiraamin oo nebiga in hadal liita lagu masabbiday ka ma ay dhiidhiyin.
100% waa la hubaa in uusan wax sidaas u liita nebigu ku hadlin, laakiin haddii uu ku hadlay ma lagu raaci karaa in waddan walba uu nin Quraysh ahi xukumo? Ma se lagu raaci karaa in ay dadka uu dubkoodu madow yahay ka liitaan dadyowga kale? Maya lagu ma raaci karo oo waa khalad in qof lagu raaco wax aan macquul ahayn ha ahaado nebi ama ha ahaado qof kale. Khalad waa khalad! Nebiga laftiisu waxa uu saxan yahay marka uu quraan akhrinayo ee marka uu aragtidiisa dhiibanayo waa carab caadi ah. Xataa haddii ay xaddiisyadaasi noqdaan kuwa ugu saxiixsan xagga sanadka waxaa waajib ah in la beeniyo si nebiga loogu ceeb asturo isla markaas aan loo aflagaadhayn dadka aan Quraysh ahayn siiba dadka madow. Nebigu haddii uu Quraysh u hayo jacayl gooni ah muxuu ugu xasuuqay dagaalkii Badar? Muxuu Maka xoog ugaga qabsaday? Ma suurtogal baa in maanta dalka Maraykanka loo raadiyo carab Quraysh ah oo xukuma? Aad bay u akhlaaq xumaayeen dadkii allifey xaddiisyada sheegaya in ay Quraysh keli ahi madax noqon karaan.