Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

T
Malahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah kaalintii uu ku lahaa kacaankii Maraykanka iyo kacaankii labaad ee Faransiiska.

Waa kuma Thomas paine?

Thomas Paine

Wuxu ku dhashay sannadii 1737kii magaalada Thetford ee waddanka Ingiriiska. Thomas paine wuxuu ka dhashay qoys xoogsata ah. Sanaddii 1774tii wuxuu u dhoofay waddanka maanta loo yaqaan USA oo markaas ahaa dhul ku hoos-jira maamulkii boqortooyada Ingiriiska isaga oo gacan ka helay siyaasigii iyo diblomaasigii aqoon-yahanka waynna ahaa ee Benjamin Franklin oo ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay dalwaynaha USA ee aan maanta naqaan. Halkaas oo uu ku biiray dhaq-dhqaaqii gobannimo-doonka ee looga soo horjeeday xukunkii boqortooyada Ingiriiska. Pain ayaa qoray buugga Common Sense oo ay taariikh-yahanku ku sheegeen injiilkii kacaanka sannadkii 1776.


Buugaas wuxuu ku difaacay gobannimo-doonka iyo madax bannaanidu in ay tahay xaq dabiici ah, dimuquraadiyadda iyo fikradda Jamhuuriyadda (Republicanism) in ay saldhig u tahay dawladda runta ah. Buuggaas “Common Sense ayaa wali waxaa la sheegaa in uu kamid yahay buugta loogu gadashada badan yahay dhulka USA. Buugga kale ee asna uu qoray intii lagu jiray kacaankii looga soo horjeeday xukunkii boqortooyada Ingiriiska waxaa uu ku magacaabay “The American Crisis” sannadkii 1776–1783.

Inkasta oo labada buug isku fikrad yihiin haddana way kala danbeeyeen. John Adams oo ahaa madax-waynihii labaad ee Maraykanka ama USA ayaa wuxuu leeyahay hadii uusan jirin buuga “Common Sense” in uusan kacaanku dhasheen. Dad badan ayaa waxay rumaysan yihiin in Thomas Paine uu dhisay oo dhidibada u taagay dalka USA mar haddii asagu yahay maskaxdii ka danbaysay fikradda Jamhuuriyadda ee Maraykanka, waxaanse muran ku jirin in uu yahay aabayaashii dhisay dalka USA “Founding fathers“. Paine waa qoraa faylasuuf iftiimiye siyaasadeed fikiryahan iyo kacaan-wade.

Thomas paine iyo kacaankii Faransiiska

Kadib markii uu curtay kacaankii Faransiisku waxaa yurub ka bilawday cabsi ay qabeen wadamadii yurub oo dhan sababta oo ah kacaanka oo watay figrado ka soo horjeeda dawladihii markaas ka jiray qaaradda Yurub. Hadaba dawladda Ingiriiska ayaa waxay bilawday in ay beegsato aqoon-yahankii taageersanaa kacaanka, ayada oo baqdin wayn ka qabta in kacaanku ku faafo ama soo gaaro dhulkeeda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe Metaalkiis ma jiro!

Markaas Paine oo horay loogu yaqaanay in uu ku doodo in dadku xaq u leeyahay in ay ridaan dawladda aysan rabin ayaa waxaa uu noqday bartilmaameedka iyo cadawga koobaad ee Dawlada Ingriiska. Hadaba 1782 xukuumaddii William Pitt the Younger oo ahaa wasiirkii koobaad ama Ra’isul-wasaaraha Ingiriiska waxay soo saartay warqad lagu soo xirayo Thomas Paine taas oo qasab kaga dhigtay in uu ka baxsado waddankiisa asaga oo u cararay waddanka Faransiiska halkaas oo uu ku biiray xukuumaddii ugu horreysay ee kacaanka “National Convention“, inkasta oo uu ku jiray xukuumadda hadana Paine muusan aqoon afka faransiiska taas waxaa uga sii daray markii uu ka soo horjeestay dilkii boqorka Louis oo ahaa sida ay u arkeen qaar ka mid ah xukuumaddii kacaanku cadawga kacaanka.
Labadii garab ee xukuumaddii kacaanka mid ka mid ah ayaa u arkay Thomas Paine saaxiib halka garabka kalana u arkay cadaw. Garabkii Girondins ayaa soo dhaweeyay halka garabkii Montagnards ay u arkeen cadawga kacaanka.

December 1793 ayaa xabsiga Luxembourg ee magaalada Paris loo taxaabay asaga oo lagu eedeeyay in uu yahay cadawga kacaanka. Halkaas oo uu ku qoray buugga caanka ah ee “The Age of Reason“, buuggaas oo uu ku difaacay garaadka ama caqliga iyo damiirka asaga weerar ku qaaday buugga muqadaska ah ama Bible-ka iyo fikradaha diinta oo dhan, wuxuu ku dooday in Bible-ku ahayn buug cilmi ama mid bulsho ee uu noqon karo buug suugaaneed oo kaliya. Wuxuu diiday oo ku gacan-sayray fikradda nabinimada asaga oo ku tilmaamay diinta masiixiyadda diin caqli xumo badan isaga oo difaacay xoriyadda fikirka.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xorriyadda fakarka iyo diinta Islaamka

Hayeeshee wuxuu ku adkaystay Paine oo loo yaqaanay waagaas aqoonyahankii iftiiminta (Enlightenment) hab rumaynta falsafadeed ee loo yaqaan Deism oo ah rumaynta jiritaanka awood sare oo wax walba abuurtay balse aanan fara-gashan adduunka, habkaas oo ah hab ka duwan qaab-rumaynta diimaha.

Buuggaas “The Age of Reason” wuxuu qoray intii uu xabsiga ku jiray sanadihii 1793–1794. Wuxuuna buuggaasi noqday buugga aqoonyahanka, inkasta oo caro iyo nacayb uga yimid kaniisadda iyo dadwaynaha caadiga ah.

Sanaddii 1794 ayuu Thomas paine xabsiga ka soo baxay kadib wada hadal diblomaasiyadeed oo dhexmaray safiirkii Maraykanka ama USA u joogay magaalada Paris markii danbana noqday madaxweynihii shanaad ee Maraykanka James Monroe. Sanaddii 1802 ayuu ku noqday dalka Mareykanka isaga oo ku dhintay magaalada Newyork sannadkii 1809. Taariikhyahannadu waxay sheegeen aaskiisa in ay ka soo qayb gleen ilaa lix qof oo kaliya, sababtuna waxay ahayd Paine oo ahaa qof aan ku jirin ama aan ka tirsanayn kaniisadaha masiixiyadda oo dhan sida uu ku xusay buuggiisa “The Age of Reason” iyo asaga oo ahaa qof loo arkay cadawga masiixiyadda.

Thomas paine wuxuu wali ku jiraa aqooyahannada xorta ah kuwii ugu samaynta badnaa uguna dhiirranaa, wuxuuna fikradihiisu raad kaga tageen sameeyay aragtiyaha siyaasadeed ee adduunka oo dhan gaar ahaanna dalka Mareykanka.

Buugaagta ku xusan qormadan iyaga oo elektaroonik ah waxaad ka soo dejisan kartaa eMaktabad.com
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Cabduqaadir maxamed axmed wisil
Cabduqaadir maxamed axmed wisil

Ilaah waa jiraaa waana jiridonaa

W/Q: Warsame Jaamac

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend