TUKASHO IYO TUMASHO

T

HIBAYN (Sheekada TUKASHO IYO TUMASHO)

Waa xallad xariir lagu xardhay. Waa farshaxan waayaha nolosha laga dheegey. Waa sawirmaskaxeed la naqshadeeyey. Waa khiyaali dhab lagu soohay. Waa curis nololmaalmeed laga dhanbalay. Waa hal-abuur run ku taxan. Waa male’awaal la sargooyey. Waa dhaqanno is hardiyey danab ka hillaacay. Waa sarbeeb muunadaysan. Waa aftahmo ifaysa. Waa awaal raad leh. Waa hub qaran. Waa halgan qofeed. Waa duluc wadareed. Waa haraa dadeed. Waa hidde aadami. Waa aaye ummadeed. Waa ujeeddo durugsan. Waa af dhallineed. Waa hindise waayeel. Waa halabsi bulsho. Waa warmo meel u weecsan. Waa wehel gabyaa. Waa adab gobeed. Waa ibofur cusub. Waa arrin duug ah. Waa aragti la dhuuxay. Waa ififaale muuqda. Waa amley afaysan. Waa onkod la maqlay. Waa ammuuro dabdaboolan. Waa indheergaradnimo abaabulan. Waa yool muuqda. Waa yamays wax liqa. Waa yiddidiilo suubban. Waa malab miidaysan. Waa muguc hoortay. Waa mihindis abwaan. Waa murti ugub ah. Waa miro bislaaday. Waa miibac duugan. Waa maan la shiilay iyo mooro faal.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soohan (Sheeko faneed)

Waxa aan hawshan fan iyo farshaxaneed ee TUKASHO IYO TUMASHO markii aan soo bisleeyey u hibaynayaa oo hadiyad maamuus leh uga dhigayaa guud ahaan wadaaddada islaamka intooda mootan, intooda markhaantiga jooga ah iyo intooda soo maqan oo dhalan doonta. Gaar ahaan waxa aan u sii hibaynayaa wadaaddada soomaalida oo firqo walba leh. Weliba waxa aan hadiyaddan weyn u sii gaaryeelayaa wahaabiyada soomaaliyeed. Si gooni ah waxa aan hadiyad sharafeeddan u guddoonsiinayaa dagaalyahaniinta ururka Ashabaad iyo Daacishta Soomaaliya.

  • Qoraaga sheekada.
Qaybta xigta
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments