Waa maxay fikradaha horey loo qabay (Preconceived Ideas) ?

W

Waa adigoo iska raaca oo iska daba gala fikrado horey loo qabay, waxna iska weydiinin sax iyo qalad fikirkaas kaa horreeyay oo horay loo soo qaatay, kaasoo ay fikireen dad kaa horreeyay Kuna jaan-gooyeen habkii xilligaas ay u fikirayeen, ugu dambeyn ay dhaqan galiyeen bulsho joogtay goob gaar ah iyo waqti gaar ah.

Dadka Soomaaliyeed midda ugu daran ee heeysato ayaa ah in waxkasto iska qaataan xitaa kuwa tagay ee ku nool dalalka dibadda ee la kulmay bulsho leh dhaqamo kala duwan. Qofka Soomaaliga meel kasto uu joogo wuxuu ku adkeeystaa inuu yahay qofka ugu fiican ee leh dhaqanka ugu wanaagsan adduunka. Iyadoo taas jirto ayaa waligiisa uu waxba iska weydiinin dhaqankaan uu xambaarsan yahay, ma mid sumeeysan baa mise waa dhaqan caafimaad leh?

Tusaale, dadkii naga horeeyay ee Soomaaliyeed waxay sheegi jireen ilaa haddana ay ku hadaaqaan in dhaqanka Soomaalida uu yahay mid suuban dadkana ay yihiin kuwa leh qab.

Hadaba preconceived ideas waa marka aadan waxbo iska weydiinin wax kasto laguu sheego oo xambaarsan aragti la rabo inaad dhaqan galiso sax iyo qalad labada. Sida aan kor kusoo sheegnay ee dhaqanka suuban Soomaalida iyo inaan nahay dad qab leh, bal ma is weydiisay arrintaas maxaa ka run ah?

Adigoo is ogeyn ayaa wax iska naceeysaa, sababta waa inaad iska daba gashay oo iska raacday hadal nin kaa horreeyay uu yiri, wuxuu naco waa la naceeysaa, wuxuu jecel yahay waa la jeclaanaysaa.

Tusaale, dhaqanka Soomaalida wuxuu mowqif adag ka qaatay haweenka isagoo aad u liido sababtana waxaa waaye in markii dhaqankaan sumeeysan (toxic culture) la sameenayay ay sameeyeen niman joogay waqti adduunka dhan aad looga necbaa dumarka. iyadoo
rumeeysnaa in naagaha aysan lahayn karti ay ugu qeyb qaataan howlaha kala duwan bulshada. Balse maanta la arkay kartida dheddiga ay u leeyihiin inay qabtaan howlaha nimanka qaban jireen taas oo ugu horeeyso inay noqoto madaxweyne islamarkaasna si hufan ugu soo baxdo wixii loo igmaday.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sida aad doonto u fikir, laakiin sidooda oo kale u dhaqan

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka adduunka ugu liita dhan kasto, sida ammaanka, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, ogoow soomaalida waa dad odeyga ama raga taliyaan(patriarchal society) dhib kasto dalka ka dhacay waxaa sababay niman, odey dhaqameed, wadaad iyo waranle oo dhammaan ah niman, kuwaas oo markasto ay ku dhex jiraan shisheeye, ma yihiin nimanka soomaaliyeed kuwo leh karti? hadana waxaa arkaysaa qof kasto inuu ku qeylinaayo waxaa nahay bulsho sharaf leh ( honor society). Aqristoo aan ku weydiino ma nahay bulsho sharaf leh mise fikir naloo meeriyay aan waxbo aanan iska weydiinin sax iyo qalad oo odayaal naga horreeyay afka noo galiyay (Preconceived ideas) miyaa?

Wixii qalday sax wixii aan ka tagay adiga ku dar.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Dil wadaadkasta
Dil wadaadkasta
27 Maalmood Kahor

dhaqanka soomaaliga waa kan ugu xun dhaqamada xilligaan.

W/Q: De Mooge