Waa maxay sababta keentay maqnaanshaha wax-abuurka bulshooyinka muslimiinta

W
Waqtigan aynu joogno marka aad eegto adduunka iyo heerka wax soo-saarka bulshooyinka ee kobociisu xawaaraha ku socdo maalin walbana samaynayo
daahfurro baaxad wayn oo la xiriira tiknoolajiyada, caafimaadka, sayniska, hawada, militariga…iwm waxaad dareemaysaa in lagaa tagay oo aad kaligaa fadhidid qol madaw oo laga guuray waa hore, waxa kaliya ee qolkaa looga dhex tagayna yahay buug ku qoran af-kale oo ereyo qallafsan oo soo noq-noqonaya ay ka buuxaan, sidoo kalana qaabka uu ku socda aadan garanayn oo sheekada bilaabantaaba dhawr sadar kadib qarsoomayso, hanjabaadda iyo holaca dabka leefaya jidhka dadkuna ku qoran yahay xaashi walba…iwm, Marka aad damacdo inaad is waydiiso su’aal la xiriirta buuggan aad moodayso sheekooyinka cabsiinta caruurta ayaad indhaha ku kala furaysaa malaayiin qol-madaw oo kaaga lamida kana taagan hareerahaaga, kadibna waydiintii aad maanka ku haysay inta aad liqdo ayaad ku qancinaysaa naftaada sugnaanshaha wixii sheekooyin xariirada kuula ekaa markaad kelida ahayd.

Waxaadna bilaabaysaa ku celcelinta iyo macaansiga hadalo aadan dhuuxayn macnahooda oo hadii ay afkaaga ku qornaan lahayd aad tuuri lahayd maadaama qallafsanaanta iyo kala baahsanaanta mawduucyada ku qoran hal bog ay tahay midaan loo dul-qaadan karin.

Sababaha ugu wayn ee keenay in bulshooyinka muslimiintu ka haraan horumarka ay samaynayaan dhigoodu waa hanka hoose ee uu boorrinayo buuggan qolka madaw looga guuray, isaga oo ku beeraya qofka nacaybka adduunka iyo inayna ahayn mid u qalanta joogitaan iyo maal-gashi, sidoo kalana duullaan ku ah su’aasha iyo adeegsiga maskaxda iyo mandiqa, doorbidayana aamus ku raacidda iyo ka gaabsashada ka hadalka arrinta kaliya ee aad noloshaada danbe ku xirtay.

Sababta bulshooyinkani u hadheen uma laabanayso itaal yaraan jidhka ah ama goobaha ay juquraafi ahaan dhacaan deegaanadoodu oo aan istiraatiiji ahayn iyo khayraadka ku duugan oo yar , laakiin taas waxay kala mid yihiin wadamada horumaray ee aan xusnay ama qaarkood ay kaba fiican yihiin deegaan, dhaqaale iyo tiraba balse caqligii wanaagsani inuu itaal ka roon yahay bal eega oo u fiirsada in maanta yuhuudda ama caruurta daanyeerrada iyo doofaarrada waa sida uu quraanku ugu yeeree oo tiro ahaan muslimiinta ka yar in ka badan 130 jeer ay hogaaminayaan qaybaha cilmiga ee kala duwan, daah-furada culimadooduna badbaadiyeen nolosha malaayiin, halka musimiintii quraanku sheegay inay tusaalihii ugu wanaagsan ee dadka dunida guudkeeda la saaray yihiin ay walaaqanayaan dhiig, waxa kaliya ee ay ku caan baxeenna yahay is qarxinta iyo duminta waxa dad lamida dhiseen.

Islaamka iyo dhaqamadiisa cibaadaysiga, waxyaabaha uu farayo iyo kuwa uu reebayo ayaa kamida sababaha la dagay kana reebay muslimiinta geeddiga, waa dhaqan islaamiya xifdinta iyo ku cel-celinta hadal sida Quraanka, kaas oo dilaya awoodda fikirka, awood badan oo maskaxdu u baahnayd inay ku bixiso fekerka xorta ah, fiir-fiirinta waxa ku hareeraysan iyo raadinta xalkooda ayay ku luminaysaa ku celcelinta hadal ku qoran af-kale oo u laabanaya qarniyo tagay, maantana dhigaaladii iyo xeerarkii uu farayay inbadan oo kamida ay noqdeen kuwa aan la jaan-qaadi karayn waqtiga la joogo ayna mamnuucday jamciyadda qaramada midoobay sida addoonsiga dadka, guursashada caruurta yar-yar (Inkasta oo wali ay ka jirto wadamada muslimiinta qaarkood sida Yemen, Afghanistan iyo qaybo kamida Somalia), qafaalashada dumarka xilliga dagaalka, dilka maxaabiista dagaalka iyo xeerar kale oo afku ka xishoonayo halkanna aynaan ku soo koobi karin, kuwa badan oo kamida xeerarka uu jideeyay buuggaasi sannadaha soo socda ayaa lagu khasbi doonaa muslimiinta inay joojiyaan dhaqan galintooda sida immikaba hoygii Islaamka (Sucuudi Carabiya) ee dhulkiisa ku dhaqan galinayay buuggan mudada dheer lagu khasbay inuu ka laabto oo ka tago qaybo badan oo kamida xeerarkii u dajisnaa, wadaadadii wahaabiyada iyo kuweenan dhiigga gadhka ku dhoobta ee ka soo dab qaadan jirayna gabbal baa u dumay.

Qaabka aan soo xusnay ee ku cel-celinta iyo xifdinta waa habraaca iyo manhajka uu ku salaysan yahay nidaamka goobaha waxbarashada ee waddankeenna maanta, tusaale ahaan ka jawaabista iyo ku guulaysashada imtixaanka iskuulku kama timaado ardayga iyo heerka fahankiisa la xiriira maadada gaarsiisan yahay balse xifdinta ereyada ayay u laabataa, aqoontaas uu xifdiyayna maaha mid raagaysa ee wuu ilaawaa, fahankuna kuma laha boos qaab dhigaalkeenna iskuulada.

 

Looxad ay ka muuqdaan nin Soomaaliya iyo marwadiisa

Waxaa xusid mudan iyaguna waxyaabaha Islaamku reebayo ee ka so horjeeda ilbaxnimada iyo bilowga hanaqaadka bulshooyinka sida farshaxanka, barashada muusiga iyo fanka, waxyaabahan oo sida aynu ognahay ka qaybqaata dhisidda maskaxda qofka marka la reebo adeegsigooda waxay garaadka ka xayuubinayaan awoodda fikirka iyo wax-abuurka, sidoo kale waxay saamaynayaan caqliga iyo goob dheer wax ka eegidda, maxaa yeelay qofku wuxuu waynaynayaa qoraal u laabanayo qarniyo hore oo wixii ka badan dulmar halmar ama laba jeer ah maskaxda wax u dhimayaa iskabadaa xifdin iyo joogtaynta maalin walba ama ku dilista dhallaankeenna hadii ayna raacin wadadaas.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaqan, Diin iyo Anshax Maxaa Isku Soohey?

 

Nasiib xumo qofka muslimka ahi ma rabo in loo bidhaamiyo wadada ama isagu baadhitaan sameeyo, maxaa yeelay cabsida lagu beeray ayaa keenaysa inuu jawaab dhaw ka soo qaato Quraanka halkii uu caqligiisa hawl-galin lahaa oo xaqiiqada raadin lahaa, taas waxaa caddaynaysa inay jiraan ilaa maanta wadaado badan oo magac ku leh muslimiinta dhexdooda oo dafirsan ama si cad u diiddan xaqiiqada waxyaabo badan oo cilmi ahaan la sugay shakina ku jirin, halkii ay iyagu raadin lahaayeen hadii ayna ku kalsoonayn gaalka waxay doorbideen hadallo xaqiiqadan ka soo horjeeda oo la qoray qarniyo badan ka hor, waxayna ku dhagan yihiin buug uu ka tagay dagaal yahan daganaa dhul buuralay ah oo ka cabanayay midho la’aan, biyuhuna gabaabsi ku ahaayeen deegaankiisa, jeclaana dumarka badan iyo addoomo u shaqeeya oo nolosha iyo adduunka diiradda uu ku fiirinayaa ayna ka duwanayn ta uu ku eegayay nin soomaali ah oo 14 qarni ka hor deganaa buuraha Golis ama deegaan lamida.

Dhinaca kale marka aynu ka eegno waxaa laga yaabaa inaad in badan maqashay muslimiin meel walba kaga faanaysa badnidooda sidii iyada oo badnidu ka tarjumayso xaqiiqada shayga, hadii ay sidaa tahayna kiristaanka ayaa ka badan muslimiinta oo diintooda ka qumanaanaysaa ta islaamka, laakiin markaad hoos ugu daadagto waxaad arkaysaa inay tiradaasi ku buuxsamayso oo kaliya isu tagga kooxo sida Sunnah iyo Shiicah oo mid walba ay ka sii farcamayaan boqolaal kooxo diimeed oo mid kastaa ta kale beeninayso waxay sheegayso, maalmahan danbana waxaan maqlaynaa habaar ka dhan ah qaar kamida kooxaha mudada dheer hogaanka hayay sida wahaabiyada oo aad moodo in sannadaha soo socda khudbooyinka jimcaha lagu dari doono habaarkooda ayna bedeli doonaan yuhuudda iyo gaaladii kale ee nus qarniigii tagay la habaarayay laakiin ku tanaaday oo horumar ka qaaday habaarkaas.

Badnidan waxaa keenaya qoysaska muslimiinta oo xitaa kuwa quutul daruurigoodu uuna fadhiyin ay celcelis ahaan caruurtoodu gaarayso 5 – 7 qof, Soomaaliduna sida ay diraasad uu sameeyey bankiga addunku sanandkii 2015 waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee dadka ugu soo saarka badan caruurta iyada oo cel-celis ahaan hooyo walba oo soomaaliyeed haysato 6.36 caruura, innaga oo ka warhayna heerka dhaqaale ee ay ku noolyihiin bulshada soomaaliyeed oo lagu tiriyo mid kamida bulshooyinka ugu faqiirsan adduunka ee xitaa dabooli kari waayay baahiyahooda lagama maarmaanka ah sida biyaha, cuntada, gabaadka iyo nabadda. Caruurtan badan ee lagu soo kordhinayo adduunka iyada oo aana loo damaanad qaadin korintooda, waxbarashadooda iyo daryeelkooda caafimaad waxay badankoodu ku qaadan doonaan waqtigooda noocyada tuugsiga ee kala gedisan amase iibinta iyo horboodida fikirkan caqliga la colloobay sida ku biirista kooxaha argagaxisada loogu yeero laakiin aan anigu aaminsanahay inay yihiin Maxamed nabiga muslimiinta iyo asxaabtiisii oo jooga waqtigii sawirka iyo internetka, hadalkayganna kuma salayn nacayb aan u qabo Maxamed iyo ku masalidda kooxo dhiig miirad ah laakiin wax walba oo ISIS samaysay oo arxan darro ah Maxamedna wuu sameeyey oo kutubta Islaamka ayaad ka helaysaa.

Image result for angry muslimsWax isku aadmay maaha in Islaamku ku xoogan yahay wadamada iyo bulshooyinka aaminsan in cunfiga yahay qaab dhaqameedka xeeriya bulshada, sida wadamada Carabta, Pakistan, Afqaanistaan iyo Soomaaliya.
Dhamaan bulshooyinka hirgaliyay islaamka kala reebid la’aan waxay aaminsan yihiin garaacidda dumarka, dilka caruurta 10 jirka ah si loo baro salaadda iyo dhagridda dadka kale sida ku beerista nacaybka gaalka, jeclaysiinta dilka qofkii aan ku qancin diinta amaba ka laabta Islaamka, iskaba daa warka waxyaabaha qaar oo soo hadal qaadkoodu uuna bannaanayn.

Dilkuna waa arrin dabiiciya qofka muslimka ah agtiisa, maxaa yeelay kutubta axaadiithta, Siirada Maxamed ee dagaaladiisii badnaa warinaysa iyo Quraanka dilka iyo ereyada la micnaha ah lagu xusay in ka badan 90 jeer ayaa ka batay dhagihiisa oo ka dhigay dilka wax aan qiimo badan ku fadhiyin, taasi waxay dhashayna maanta caad inagama saarna oo caruurteenii ayaa isku qarxinaya oo gumaaday hooyooyinkood iyo walaalahooda ay dhiigga iyo dhaqankaba wadaagaan iyaga oo ka shidaal qaadanaya buuggaas mudnaa in looga tago qolkii madoobaa oo aan la kala furinba.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaaliya soomaalida muslimiinta miyaa gooni u leh?

Arrin kale oo bulshooyinka Islaamku ku xooggan yahay wadaagaan ayaa ah Qaybyaaladda, sida kaydka tagtada muslimiintu soo warinayo Islaamka iyo qabyaaladdu waa ul iyo diirkeed waana mid ka soo horjeedda nolosha madaniga ah, ilaa maanta Carabtu waxay ku faanaan abtirsiinyaha iyo laan-dheeranimada, Soomaalidana xanuunkoodii ayay qaadsiiyeen oo sida aad ka dhuganayso ereyga “qabyaalad” waa erey asal ahaan carabi ah, waxayna keentay inaynu ku faanno wax walbana ka hor-marino odayaal gaajo ama kaneeco u dhintay oo waxay uga tageen jiilalka ka danbeeyey oo aqoon ama daahfur ah aan la xusi karin, xitaa buug awoow soomaaliyeed qoray oo u laabanaya qarni ka hor ayaan jirin.
Odayaashaas dartood iyo waynaynta magacooda ayaynu gabayo isu tiranay oo nacayb dhexdeenna ahi beermay, qaarkeenna isku duulleen oo wiilal iska laayeen xoolana kala dhaceen.

Dhinaca kale hadii aynu eegno qaabka xukuumadaha bulshooyinkan laga tagay u shaqeeyaan oo aan bar-bardhigno taariikhda muslimiinta dibna ugu laabano ayaamihii khulafada Islaamka sida Cabbaasiyiintii waxaad arkaysaa in xilka ay iska dhaxli jireen wiil iyo aabihii oo uuna ku salaysnay rabitaanka iyo doorashada bulshada, mararka qaarna walaalku dili jiray walaalkii si uu kursiga ugu fadhiisto, Hadii aad qof muslima waydiiso maanta waxa uu kuu sheegaya inay ahaayeen kuwa dhaqan galiya nabigooda buugiisa oo mudan ku dayasho, maantana waxaad aragtaan in kooxo ISIS iyo Alshabaab kamid yihiin ay rabaan inay dib inoogu celiyaan maalmihii walaaluhu kursiga dartii qudha isaga jarayeen.

Ma jirin waqtiga khilaafooyinkaa aan magacawnay qof inta uu istaago ku dhiiran kara inuu kor u yidhaahdo “Ma aqbalayno khilaafadan, isbedel ayaan rabnaa” hadii ay dhacdana isaga oo aan hadalka dhamayn ayaa madaxa la hor dhigayay sida ay sameeyaan xukuumadaha wadamada carabta ee maanta, la yaabna ma leh oo waxay qaadayaan raadka ratigii ka horreeyey, ratigaasina raadka ratiga hogaaminayay (Maxamed) ayuu hayaa.

Arrimahaa aan soo xusnay iyo dhigaallada islaamka ee ku salaysan nacaybka iyo gumaysiga caqliga ayaa muslimiinta maanta ku keentay xanuuno badan oo ay kamid yihiin nacaybka dadka kale ee ka duwan (Xenophopia), nacaybka dadka rabitaankooda galmo u iilanayo kuwa lamidka ah (Homophopia), guurka ama ku xadgudubka caruurta galmo ahaan (Pedophilia), iyo sidoo kale dareenka dambiga ee joogtada ah mar walba oo aad ka tagto dhaqamada diimaysan sida Salaadda, waxaa dheer intaas baqdinta aan dhamaanayn ee aad ka qabto cadaabta aan xaqiiqada ku salaysnayn laakiin lagugu anqariyay aadna ku qanacday oo ogolaatay in cabsidu ku hagto halkii aad ka waynaan lahayd oo maskaxda fursad siin lahayd.

Waxaan la hadlayaa muslim walba oo soomali ah qoraalkanna akhriyay, Aniga ujeedadaydu maaha ku tumashada ama liidida waxa qof u arko muqaddas sida quraanka laakiin waxaan aaminsanahay fikirka xorta ah oo ah mid aan la ogolayn islaamka dhexdiisa, Diinta islaamku hadii ay cago ku taagan tahay oo awood badan leedahay waxay ahayd inay soo dhawayso naqdinta iyo cid walba oo sheegaysa khaladka ku jira laakiin marka afka lagu qabto ama dhiigaaga la banneeyo waxa kaliya ee ay ka markhaati kacaysaa waa tabar yarida xujada aad haysato iyo beenta aad dhoo-dhoobayso.

Anigu ma necbi muslimiinta laakiin waxyaabaha ku qoran buugaas aana ka iman Ilaah wayn sida uu Maxamed sheegay ayaan ka soo horjeedaa, waan jeclahay Muslimiinta maxaa yeelay waa hooyaday iyo aabahay, walaalkay iyo walaashey, waxa aan u soo gudbinayo farriintan waa jacayl aan u qabo dadka aan dhiigga wadaagno, waan awoodaa inaan ka aamuso oo khuraafaadkaa uga tago laakiin qalbigayga wayn ayaan igu raacayn oo ka dhiidhinaya inaan idiin ka tago baadida, iyada oo dhibka inala soo darsay soomaali ahaan uu leeyahay sabab ka badan hadana xanuunka maskaxda ku dhaca ee curyaamiya fekerka kana dhiga mid neceb adduunka oo u aragta goob lagu hakanayo oo laga guurayo dawayntiisa ayaa ka wanaagsan dawaynta mid la xiriira iksu qabsashada deegaamada ceelasha waraabka.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
C.Fitax Sedka
C.Fitax Sedka
1 Sannad Kahor

Run ahanti wax pdn ka faaiday
Bugaag bdn oo caynkan ah wan u bahanahy

Kaasho Maanka
Admin
1 Sannad Kahor
Reply to  C.Fitax Sedka

Mahadsanid Cabdiafataax. Buugaag dheeraada halkan ayaad ka heli kartaa eMaktabad.com

W/Q: Maigag Guled