Waa nabi bay ku leeyihiin!

W

Waa nabi bay ku leeyihiin.
Isaga oo 99 naagood qaba ayuu nin kale naagtiisa damcay markaa buu ninkii dagaal socday furuntiisa ku tuuray markii la soo dilayna naagtiisa la wareegay!

Waa nabi bay ku leeyihiin.
Wiilkii uu soo korsaday oo uu iskugu magac daray iyo ina adeertii oo is qaba ayuu maalin soo booqday, markaa buu arkay ina adeertii jidhkeeda oo qayb ka qaawan, markaa buu yidhi kow, ilmahaad korsataan magiciina ma siin kartaan. Labo, ina adeertey cirka ayaa la igaga soo meheriyay ee igu soo wareeji!

Waa nebi bay ku leeyihiin.
Marti baa u timid markaa buu soo dhaweeyay kadibna rag qooqan oo kufsi u soo baxay inta ay u yimaadeen ayey ku dhaheen ragga inoo soo bixi, markaa buu yidhi mayee gabdhahayga hooya waa kuwaan haddii aad wax samaynaysaane!

Waa nabi bay ku leeyihiin.
Magaalo ayuu yimid markaa buu wiil yar oo iska ciyaaraya inta uu qoorta soo qabtay ayuu gawrac ugu jiiday. Sabab markii la waydiiyayna “Wiilku uu gaaloobi doonaa!” Ayuu ku marmarsiyooday! Gaal haddii uu dilayo kuwa hadda gaalada ah muu laayo inta uu dilayo ilmo aanan wali gaaloobin!

Waa nabi bay ku leeyihiin.
Nin ay isku qabiil yihiin oo ay mid kale is haystaan ayuu arkay markaa buu kii qabiilkiisa ahaa u hiiliyay oo uu kii kale feedh qudha kaga jaray! Kadibna dambigiisa si aana loogu oogin ayuu magaaladii dhamaydba ka cararay!

Waa nabi bay ku leeyihiin!
Fardo tartamaya intii uu daawanayay ayuu gabalkii ka dhacay isaga oonan tukan markaa buu xanaaqay oo uu yidhi waxaan ayaan cibaadadii ka jeclaaday. Farrdaha ii soo celiya kadibna fardihii oo aanan waxba galabsan ayuu qoorta iyo lugaha ka wada jaray!

QORMO LA XIRIIRTA:  Diin iyo Damiir

Waa nabi bay ku leeyihiin!
Wiilkii uu dhalay oo 13 jir ah ayuu inta uu duurka geeyay oo uu xidhxidhay ayuu in uu gawraco isku dayay! Taa markii ay u suuro gali waydayna isaga iyo hooyadii inta uu kexeeyay ayuu meel saxaro ah kaga soo dhaqaaqay iyaga oo aanan sahay xitaa wadan!

Dadkaan ay na leeyihiin waa nabiyo waa dad haddii ay maanta nala joogi lahaayeen aan qaarkoodna xabsi dhigi lahayn qaarka kalana cisbitaalada dadka waaalwaalan u diri lahayn. Waa dad aan ilmaheena ku aamini lahayn iska daay diin in aan ka dhagaysanno ooy inoogaga warramaan dhimashada dabadeed iyo wax cilmi qayb la yidhaahde!
Waa dad ama xadgudubka aad u jeclaa ama xiskoodu uu kala dhantaalnaa!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments