Waannu diidnay in nala carabeeyo soomaali baanu nahay

W
Madaariista waxaa laga faafiyaa asal doorin iyo carabayn, kaliya cilmi laguma barto balse waxa laga fidiyaa gumaysi maldahan mudadii ay inala joogeen tabliiqa carabnimada fidiyaa waxay ku guulaysteen inay dhammaanteen inaga badalaan magacyadeenii asalka ahaa oo maanta waynagaa Cumar Cali cismaan iyo caasha miidhan la baxayna iyadoo la inoogu sheegay inay ka fadli badan yihiin magacyadeenii astaanta inoo ahaa ee la inagu garanayay inaynu soomaali nahay.

Maanta qofka soomaaliga ahi marku uu magac carbeed sheegto cidda aan aqoonta u lahayn ugama duwanaan doono carab madow inuu yahay sawriciisiina waxa dooriyay waa ka badalidda laga badalay magacii awoowyaashii loona dooray inuu soo ergisto wax aanu dhaxalkooda lahayn.

Wax kasta oo aynu lahayn waa la inoo uriyay waxkastoo carabi leedahayna taash baa la inoo saaray, waxaynu aaminnay in carabnimadu barakaysan tahay ilaa ay gaadheen badhkeen in lagu yidhaa luuqaddiina koobaad waa afka carabiga.

Waxaas oo sun ah waxaa laga faafiyaa madaariista aynu ubadka gaysano inagoon hubin manaahijta la baraayo iyo waxa loogu dhigaayo toona hadhowna waxa ay inoo soo saarayaan ilmo doorsamay asal ahaan, caqli ahaan iyo caqiido ahaanba ilmo jecel kana barakaysta duulalka carbeed iyo deegaannadooda kuwiisana u haysta meel allihii lahaaba nacay.

Goobaha wax barashada iyo xarumaha loogu adeego bulshada waxay inagu qasbaan inaynu ku qorno magacyo carbeed iyo hal-doorro carabtu lahayd oo dhulkooda macno ka lahaa wakhtigay noolaayeen sida Ibnu-Hebel iyo Abuu hebel miidhan iyadoo halyeeyadeennu ciiddaa ka badan yihiin balse aanay ogalayn in la xuso hal meelna loogu magac daro.

Waxay la dagaalamaan afka iyo dhaqanka soomaliyeed iyagoo gabayada iyo nashiidooyinka carabta kusoo hal-qabsada teennana u yaqaana xaaraan maqdaca iyo wax afku ka xishoodo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diintu ma u dhalashaa mise qanaaco?

Khamiiska iyo cimaamadda ayaad mooda in loogu ballan qaaday in ay jannada ku galayaan garo oo hadda waa dhaqan carbeed oo xataa goobaha ragga iyo dumarku ku caweeyaan (Night Clubs) ayaa lagaga khalaaweeyaa iyana waxay inooga dhigayaan astaan diimeed oo dharka kale ka sharaf badan.

Dhammaan intaa aan kor kusoo xusay wuu dhamaaday xilligii la isku harowsan jiray cadaadifad iyo qiiro been ahna laysugu quusin jiray, ma dhici doonto inaad cadaabka alle igu baqo galiso carabayna aad hoosta iiga raaciso.

Soomaali baannu nahay waanan ahaan doonnaa mana aqbali doonno in dib naloogu yeedhiyo habka aan wax u cuni lahayn iyo xataa habka aanu suuliga ugu xaajo gudan lahayn.

Anoo curdinoo ciyaala
Maxay i bareen caqiido
Tiir loo cuskadaba lahaynoo
Caddaynteedii la aasay

maxaan sheekooyin caana
Sidiiyoon ahay cammoole
Ku liqay iyagoo cammaysa

Kaskaygoo wali caruura
Muxuu carrabkaygu beenta
Sidii ceeshkii cantuugay

Caadiyo dhaqan soo jireena
Intii cilmi laygu sheegay
Car iyo qasab iyo muquunin
Maxaan Casharada ku qaatay

Markaan caawa u bislaaday
Wixii cindigayga deeqa
Inaan cugashada ku doorto
Ninkii taa igu canaantee
Canbaareeyoow yaqiinso

Haddaad bari caamo jiifta
Culayskaad cudud ku beertay
Iyaga ku cawaansanaysay

Dadkii camalkaaga diidyoo
Kasmaa u cusayba maanta

Dhaaxaad maskaxdooda caydoo
Ceelkaaga waraabinaysee
Wuxuu caqligoodu hiifay
Caynaanka habkaad u haysoo

Calankoodaa xorooboo
Xiskaad caro-guur ka yeeshaa
Hadana dib usoo cagaaray

Cirbaa u da’oo u hooray
Caleentoodaa magooshay
Cidhiidhiga aad ku soortay
Cawiyo mahad buu ka sheegtay
Markay taladaadu ciirtay

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us