Wadaado ma qori karaan dastuurka Soomaaliya?

W
Xeerka qaranka Soomaaliya waxaa dejintiisa lagu daray wadaaddo, waana arrin foolxumo ah in ay wadaaddadu ka soo baxeen masaajidda iyo mawlacyada oo ay faraha ku la jiraan arrimaha dowladda. Wadaaddadu waxa ay samayn jireen in ay Quraan, Mawliid iyo Burde dadka jiran ku akhriyaan, in ay wardiyaan, in ay naagtii loo la yimaado meheriyaan iyo in ay awliyada ku digriyaan, nebigana ku salliyaan.
Maxay ka garanayaan dastuur iyo xeer qaran? Run ahaantii Quraanka, Mawliiidka, Burdaha iyo Munaaqibka ku ma qorna wax dastuur ah oo ummada lagu xukumi karo, ee waxaa ku qoran madaddaalo Eebbe loogu dhawaado oo qofkii akhriyaa uu ajar iyo xasanaad xagga Rabbi ka quuddarrayn karo.
Wadaad maskaxdiis wax dastuur iyo xeer ahi ku ma jiraan! Wadaaddadii hore si nabadgelyo ah oo aan fawdo ahayn bay Eebbe iyo awliyada ugu digriyi jireen, waxaana lagu sadaqaysan jirey cunto iyo wax uun xoolo ah, wadaaddada danbena kuwii hore aqoon ku ma dhaamaan ee waxa ay kaga duwan yihiin damac ay Quraanka iyo xaddiiska ku raadinayaan xukun. Haddii dalka loo daayo in ay xukumaan iyaga ayaa islayn lahaa, shacabkana waa ay layn lahaayeen.


Kuwaas Wahaabiyada ah oo xaddiiska la yaacaya waa uu ku yar yahay mid aqoon yar leh oo waa jaahiliin indho xiran. Dabcan Quraanka iyo xaddiisku cilmi ma aha ee waa akhbaaraad carab sabanu jaahili joogtey laga soo waaridey oo la rumeeyo si ajar qarsoodi ah xagga Rabbi loogaga rajeeyo. Waxyaalo ajar iyo xasanaad in naasaha Eebbe lagaga maalo loo qorsheeyey bay dastuurka ku walaaqayaan, diintana waa ay ka baxeen haddii ay si aan loogu talogelin u xeeladeeyaan.
Kutubaha diinta badankooda sida Mawliidka, Burdaha iyo Munaaqibka ku ma taal in uu nin wadaad ahi dadka gacmaha ka jaro, waana bidco in wadaad lagu soo daro xeerdejinta.

Wadaaddada waa in laga fogeeyaa meelaha ay bulshadu joogto sida barlammaanka, madaxtooyada, meelaha ciyaaraha, makhaayadaha, hoteellada, shaneebooyinka, tiyaatarrada iwm. Waa in ay xaddiis ku wardiyaan masaajidda iyo mawlacyada. Haddii aan sidaas la yeelin dalku weligiis xasili mayo, waxaana xeerka dalka lagu barxayaa wax laga soo weriyey carab uskag badnaa oo saxaraha kun sano ka hor ku gaajaysnaa. Waa been in xaddiis dal iyo dad lagu xukumi karo. Xaddiiska Ilaahay baa lagu barakaystaa ee filimada iyo riwaayadaha lagu ma horemariyo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ahmed mahamed
Ahmed mahamed
1 Sannad Kahor

cilmaani diinta islaamka hadiii mowlacyo lagu koobo waanoo ayaan darro diinta slaamku waa dastuurka lagu xukumaya cidii diinta haysata anaguna waxaan nahay muslimiin
sidaas daraadeed iyaga ayaa noo dajinaya

Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
4 Saacadood Kahor
Reply to  Ahmed mahamed

Okey mawaxaad ogoshashahay in dumarko muxrim laan secon karin marwalba nin daba taagan yahay miyaanad qof dhan xoriyadiisii ka qaadin ma inay dadku is adoonsadaan baad ogoshahay mawaxaad ogoshay in dagaal jihaad lagu sheegay marwalba lagu jiro mawaxaad ogoshahay inay dadku firiqooyin aan lagaranayn meelay kala haystaan isku laayan kalena guursan waayan