Wadaadku waa bahal gadh leh

W

Meel kasta oo ay ku nool yihiin bulsho aaminsan diimaha waxaa laga heleyaa koox ku xeel dheer diintaas oo wadaado ah kuwaas oo dadka bara ugana sheekeeya wixii diintaas la xidhiidha bulshooyinka aduunkuna waa ku kala duwan yihiin qaabkay ula dhaqmaan wadaadada.

Bulshada Soomaaliyeed qaadashadi diinta islaamka kadib wadaadku wuxu ka mid ahaa bulshada mudnaan gaar ahna ma lahayn cidna ma ahayn maadama bulshada Soomaaliyeed ahayd bulsho qabiil. Bulshadaas waxaa xukumeyey nabadoon ugaas ama malaaq xoog difaacana waxaa u ahaa wiilasha reerka ku abtirsada ama u dhashay waranley baana la odhan jirey.

Wadaadku wuxuu ahaa noole iska tamar liita kuna nool tuugsi iyo baryo weeso iyo kitaab quraan ah oo harag xoolaad gal looga tolay ayuu sidan jirey qabiilna kuma abtirsan jirin habeenba reer ayuu kusoo dul dhici jirey iyaguna neef bay u qali jireen quraanka ayuu isna u akhriyi jirey maytida reerka, subaxina waa ka huleeli jirey, wuxuu ahaa marti joogta ah.

Marka laba qabiil islaayaan oo loo baahdo cid u kala dabqaada waxay qolo waliba u yeedhi jirtey kooxda wadaadada ah ee reerka ku jirta ama haweenka waxaana loo diri jirey ergo ahaan, waxay ahaayeen dad tamar yar oo aan looga baqayn in aargudasho loo dilo, reeraha waxaa qiime ugu fadhiyey ragga waranleyda ah ee geela dhicin kara soona dhici kara, kuwaana ergo ahaan looma diri jirin.

Bulshada Soomaaliyeed waxay ahayd bulsho aan isku qasin diinta iyo maamulka waxaa lagu dhaqmi jirey Xeer isagaana ahaa waxa lagu kala baxo ninkii raba waa tukan jirey laakin reeraha iyo reerka laftiisaba Xeerka ayaa ahaa sharciga keliya ee lagu kala baxo, marka wax dhacaan waxa la odhan jirey war maxaa hawshaa ama arinkaa xeer inooga yaaley?

Lakin mar walba waxa jirey koox yar oo wadaado ah kuwaaso fahansana in ay diintu tahay wax lagu adeegto dadkana lagu kiciyo kooxdaas waxaa ka mid ahaa Seyid Maxamed Cabdule Xasan iyo Axmed Gurey kuwaas oo ku guulaystey xaalado jirey awgeed inay dumiyaan nidaamki bulsho ee kala saarayey diinta iyo maamulka weliba mudooyin cayiman.

Burburkii dawladii kacaanka kadib dal iyo dadba waxaa bulshadii Soomaaliyeed gacanta u gashay wadaad. Wadaadadu waa is dhaamaan weliba meelo aduunka ka mid ah horumar dhaqaale iyo mid bulsho ayay keeneen, dalal badanna waa badbaadshen waa maraky ogolaadeen oo aqbaleen inay ku shaqeeyaan qaybna ka noqdaan nidaam dawladeed oo calmaani ah dadkana dhex u ah, waxaana ka mid ah Ghanushi oo reer Tuunis ah Ordugaan iyo Arbikaan oo Turki ah Mahaatiir oo Malayshiya taladeeda qabtay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dib-u-sixidda afkaaraha diinta islaamka: laba daran mid dooro!

Wadaadka Soomaaliga ahi si kasta oo uu diinta u barto wuxu marti uga yahay carab bisha ramadaan dhamaadkeeda ama bilawgeeda kuuma sheegi karo ilaa sucuudiga laga soo xaqiijiyo.

Wuxu wadaad Soomaaligu aad u necebyahay dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, dadka wuxuu habeeen iyo maalin la hor taagan yahay muslimiintu waa umad keliya oo aan dalna kala lahayn hadana Makka iyo Madiina wuxuu raali ka yahay in laga sheegto oo uu dal ku gal ku galo. Soomaaliya wuxu jecelyahay weligeed inay dhibkaa ku jirto dal furana ahaaato oo aan cidna lahayn si ay hoy ugu noqoto argagixisada aduunka isna magaca Soomaaliyeed uu ugu tuugsado, hableheenana uu hadiyad ahaan u siiyo denbiile aragagixiso ah.

Hanka wadaadka Soomaaliyeed ma dhaafsiisna inuu furto dugsi quraan ama masaajid uu soo tuugsaday oo uu dadka wax uga sheego ama meel waydiimo aad u liita laga soo waydiiyo sida sheekhow xaaskayga ma bidixda ayaan ka geliya mise midigta? Sheekhoow ducada suuliga lagu galo xili walba miyaa la akhriya? Sheekhoow nikaygu niikadu jeclyahay ana ma niikinkare ma ku denbaabeya? Sheekhoow xaaskyag naaska ma ka dhuuqi kara? Waxyaalahaas aadka u liita ayu dadka wax qiima leh uga dhigaa, ma jecla mana rabo dadku inay diinta bartaan waayo waa laga maarmaya.

Wadaadka fekerkiisu wuxuu dhaafi la’ayahay inuu habeen iyo maalin camal ka dhigto ka shekeynta qaabka dumarka loogu galmoodo ama dheefta ku jirta xulbada xabaasuda iyo habka saliid Saytuunta geedka ragga loogu masaajeeyo.

Malaayiin Soomaali ah oo gaajo iyo colaad ku dhinta waxaa kala xun gabadh soomaaliyeed oo lugteedu muuqato ama timiheeda. Inuu dadkiisa la fadhiisto oo la hadlo wuxuu ka jecelyahay nin argagixiso ah oo buuraha Toora-Boora kuu dhuumalaysanya weliba kaas ayaa nashiido usoo duubaya markuu soo dhegystona isagoo ooyeya ayuu boqolaal Soomaali ah oo masaakin isku qarxinaya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Kacbada haddii la dumiyo maxaa dhacaya?

Dadka wuxuu habeen iyo dharaar faraya inay nolosha aduunyo iska ilaawaan aakhirona xoogga saaraan isaguna wuu ku raaxaysta nolosha aduunyo, haduu xanuusto wuxuu aada cisbitaalada kuwa ugu qaalisan uguna tayada fiican dadkana wuxuu fara inay Illaahay talo saartaan ama calyadiisa ayu usoo tufaa si ay geerida xabaasha ugu dul sugaan.

Wadaadaada Soomaaliyeed waa gacansato arxan daran wax walbana ka ganacsada dadkana aan u tudhin, wixii ay kusoo tuugsadeen magaca dadka Soomaaliyeed ayay dib uga iibiyaan, way adag tahay inaad aragto wadaad dan yar ah hadana habeen iyo maalin masaajidka kama kaco.

Dalalka gaalada iyagoo ku nool ayay hadana dadka faraan inaan la iman dalkiina waxay leeyihiin maamulada ka jira waa gaalo ee ha la rido. Wadaniyadu waa xaaraan dawlada o lala shaqeeyaana waa xaaraan, dhamaan kooxa diimdeyada maanta Soomaaliya ka jira waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu xidhan yihiin laamaha wardoonka wadamada khaliijka waxayna fuliyaan ajandayaasha dalalkaas.

Wadaad Soomaaligu wuxuu la mid yahay ninkii madooba ee adoonka ahaa ee lagu yidhi waxaad xor u tahay inaad adoonta kale ee walaalaha ah garaacdo ilaaliso oo jidh disho siday tahayna aad u fuliso fariimaha gumaystaha ee hadana xorta is moodey walaalihiina garaacay.

Dadka qofka ugu tamarta yari haduu awood yeesho waa cadaw aan arxan aqoon. Wadaad Soomaligu wuxuu ahaa kan dadka ugu derejo liita uguna tamarta yar, Waxaa lumay nidaamkii bulsho ee soomaalidu ku dhaqmi jirtey wadaadki yara ee tuugsiga ku noola wuxuu noqday Waranlihi ugaaski macalinkii wadaadki siyaasigii iyo ganacsadihi.

Maanta 90% dadka Soomaaliyeed wadaad bay wax ka dhegeystaan iyagay aaminaan, tolow maxaa u diidey dadka iyo dalka inay barwaaqo iyo dawladnimo ku hogaamiyaan? Ama ay dadka u sheeegaan in dawladaha lala shaqeeyo dalkana la ilaashado?

Wadaad Soomaaligu waa bahal gadh leh waana xayawaan dilaa ah oo muuq dad leh waajibna ay tahay in la iska qabto, waxaa lama huraan ah in lasoo celiyo nidaamkii bulsho ee soomaalida ku dhaqmi jirtey si looga baxo dhibkan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ubax cabdullaahi Axmed
Ubax cabdullaahi Axmed
1 Bil Kahor

Waxaa yaab eh wadaadadu dhinac wanagsan maleh miyaa , Tani waxay muujinee in aad dooneysid in caaydid wadaada .
wadaadadune way wadayaan fitinta diinta , kama hor istaagi kartiin dadka in loo sheego wadada xaqa .
Sidookale wadadadkaa ugu mudan xukunka oo Cilmi rabaani buu wadaa , kaasaane xaq eh in laysku xukumo .
Tankale axmed gurey,iyo , sayid max’ed waxay kamid yihiin kuwii keenay xuriyadaa Ku nalooneysid
Diintuna waa wado xaq oo qofkii caqligiisa kashaqeeyo garan karo xaqnimadeed.

W/Q: Khaled Hassan