Wahaabi Wabxay!

W
Waa konton jir garweyn, bidaar leh oo calooshu in door ah ka horrayso. Waxa uu xoogaa dhaqaale ah ka gogtay, lacag loogu talagalay dhismeyaal masaajid iyo maddarasado lagu madalgeeyo fikirka Wahaabiyada shilimaadkaas oo Sacuudigu baxshay.

Hawlahaas ayaa uu ku talaxtagay oo ka taajiray, dadka waxa uu ku qiimeeyaa garka, khamiiska, cimaamadda iyo surweelka gaaban ee boqonta jooga.
Waxaa u dhaxda afar xaas oo aan guriga ka soo bixin, isla markaa na uu sida addoomaha u maamulo.

Xaasaskiisa waxa uu u daaraa oo ay dhageystaan cajalad wadaad xuurtaysani duubay oo ka hadasha wax loogu yeeray (Xuquuqul Zawjayn) cajiladdaas waxaa ka dhex hadlaya wadaad xiiqsan.

Muxaadarada wadaadku waxa ay daarran tahay, cadaab iyo ciqaab dumarka raggooda ku afceliya uun ku wajahan. Waxa uu ka soo horjeedaa in dumarku wax bartaan, isla markaa na kartidooda soo bandhigaan iyaga oo aan shareecada ka tallaabsan.

Waxa uu og yahay in aan gabar waxbaratay oo nolosha fahamsani yeelayn in uu maanduubo oo santuuq ku xirto, sida bahalka yar ee duula ee loo yaqaan nirgodhoobka; kaas oo tobanaanka dirindiirood dhoobada ku xaraysta.

Wahaabi
Wahaabi

Isagu sida uu doono ayaa uu yeelaa oo waxa uu rabo waa uu u madax bannaan yahay.
Haddii reerkoodu cid kale u shirayo ama duullaan galayo waxa uu wax ka bixiyaa qaaraanka.
Marka uu masjidka tago khudbadda Jimcaha waxa uu kaga hadlaa, arrimo ay ka mid yihiin in aan gabdhaha seetada laga dabcin ee la xakameeyo si aanay dunidu u fasahaadin iwm.
Ka ma hadlo raashinka, daawooyinka iyo agabyada dhacay ee ganacsatada ay isku xisbiga yihiin keento. Ka ma hadlo canshuurta qaadisteeda dadka lagu laayo iyo waxyaalaha gurracan ee maamulku sameeyo. Waxa uu cabbaa xulbad, xabbatul-sowda iyo toon, safka haddii aad salaadda ku dhinac xiratid matag ayaa ku qabanaya; hadda na waxa uu u qabaa in uu yahay midka dunida inta saaran ugu wanaagsan!

QORMO LA XIRIIRTA:  Wahaabiya: diin iyo dowlad!

Waxa ay sheekaystaan rag ay jaal yihiin oo u badan qawlaysato agabyada dhacay ka taajiray. Galabtii ayaa la soo fadhiistaa meherad shaaha iyo cuntada lagu iibiyo oo uu leeyahay mid ururka ka tirsan.

Shaqaaluhu waxa ay adeegga dadka u kala siiyaan sida ay u kala garweyn yihiin, iyaga oo dadka surweelka boqonta dhaafiya ku canaadaya shaaha; isla markaa na dhego-adayg u muujinaya.
Waxaa lagu yiri qof aan sunnadu ka muuqan ha u dhego nuglaanina!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Farxiyo Baashe
Farxiyo Baashe
1 Bil Kahor

Qormadaan waxaa qoray Nuuradiin Buryar, qofka ku qoranina waa uu soo boolyay ee asagu ma leh.
Fadlan dawga qoraalka ha la dhowro!
Waad mahadsan tihiin.

Kaasho Maanka
Admin
30 Maalmood Kahor
Reply to  Farxiyo Baashe

Qoraalkan waxa uu lagu soo diray email-ka mareegtan, qoraagu ma raacin inuu cid kale kasoo minguuriyay, siyaasadda mareegtanna ma qabto inaan raadino ama xaqiijinno cidda dhabta ee qoraalka samaysay maadaama marar badan ayna rabin in magacooda iyo wajigooda bannaanka keenaan. Sidaa darteed haddii qoraaga aad xustay uuna raalli ka ahayn oo laga soo xaday (sida aad hadalka u dhigtay) waa la bedeli doonaa magaca ama laga saari doonnaa hadba midka uu codsado kadib markaan xaqiijinno sheegashadiisa.

Mahadsanid.

W/Q: Abdi Gelle