Wahaabiyada iyo Alshabaab waa shilin labadiisa dhinac

W
Guud ahaan wahaabiyada iyo gaar ahaan kooxaha hubaysan ee ay Ashabaab ka mid yihiin waxa ay bulshada soomaaliyeed ee 100% muslimiinta lagu sheegaa u hayaan su’aalo badan, waa se haddii ay su’aalo in ay ka jawaabaan diyaar u yihiin. Weydiimaha maskaxda qofka soomaaliga ah ku jira waxaa keentay in ay wahaabiyadu yihiin arrin dalka ku cusub oo isbeddelkeeda aan faa’iidooyin badan laga gaarin oo ka shiddo badan dhibaatadii qabyaaladda oo dhaqanka soomaalida ahayd. Haddii aysan kooxahaasi weydiimo diyaar u ahayn oo ay isu arkaan dad laga amarqaato oo aan waxba la weydiin waa in ay dadka su’aalaha qabaa xaqiiqsadaan in aysan wahaabiyadu wax wanaag ah soo wadin oo ay yihiin dad qufulan oo aan ummadda u oggolayn in aragtiyo la isweydaarsado.

Wahaabiyada soomaaliyeed waa isku ujeeddo oo yoolka ay u socdaan waa mid qur ah, waana in ay ummadda ku xukumaan diin ah ra’yiga wahaabiyada oo aan la oggolayn aragtiyaha wadaaddada kale. Ashabaab iyo wahaabiyada qunyarsocodka iska dhigaa isku ma diiddana aragtida ah in ummadda lagu soo rogo xukun wahaabiyo ah ee waxa ay isku khilaafsan yihiin waddadii loo mari lahaa xukunkaas, waxa ayna Ashabaab iyo kuwa la midka ahi qabaan in dadka qori caaraddiis iyo qaraxyo lagu khasbo si ay u oggolaadaan shareecada wahaabiyada, halka ay kuwa kale ku andacoonayaan in ummadda laga maro xagga in wahaabinimada si nabad ah lagu baro oo lagu dhex jiro xagga tacliinta, xagga siyaasadda, xagga maamulka, xagga ganacsiga iwm. Ogow oo marka ay kooxahaasi sidaas isu khilaafayeen waxa ay wada aamminsanaayeen in ay dhammaantood yihiin dad ka duwan soomaalida inteeda kale oo wata ujeeddo aysan ummaddu la wadaagin, waxaana halkaas ku sii qarsoon in ay wahaabiyada oo dhammi ummadda inteeda kale beri ka yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in aysan diinta dadka u la sinnayn oo uu macneheedu sii yahay in ay soomaalida inteeda kale gaalo yihiin.

Waxa aynu aragnay in wahaabiyada qaraxyada iyo qoryaha aamminey ay kuwa qunyarsocodka sheegtay gaaleeyeen oo ay iyaga ka neceb yihiin ummadda inteeda kale, waayo waxa ay soomaalida kale u haystaan gaalo asliyiin ah oo hore gaalo u ahaa, halka wahaabiyada qoryaha iska dhigay ay u haystaan murtaddiin diinta ka baxay maaddaama iyaga oo og in uu jihaadku xaq yahay ay diinta dhabarjebiyeen. Kuwo badan oo wahaabiyo ah baa mabda’aas lagu laayey, waxaa se ka sii daran in Ashabaab iyo kuwa la midka ahi ay habeen iyo maalin isxasuuqaan oo la wada laayey raggii ugu cuslaa kooxahaas iyada oo loo cuskanayo in ay kooxda dhexdeeda ku riddoobeen. Riddadu sida ay u dhacdo iyo cidda xukunta la ma garan karo ee waxaa lagu warhelaa dhiig qulqulaya. Inta aan la gaarin laynta iyo xukumidda ummadweynta gaalada loo arko sow ma ahayn in ay wahaabiyadu iyagu ka la badbaadaan oo maaddaama ay yihiin firqo si gaar ah loo soo carbiyey oo isku yool u socda aysan dhexdooda iska layn? Haddii ay xaaladdooda ah daadinta dhiigga iyo la dagaallanka aragtiyaha dadku sidaas tahay maxay samayn lahaayeen haddii ay ku guulaystaan xukunka ummadda? Iyagu wahaabiyo ahaan ma noqon lahaayeen koox dhexdooda aan islayn oo u midaysan sidii ay gaalada ay qabsadeen u xukumi lahaayeen? Ashabaab iyo kuwa la midka ah waxaa maanta dil ugu xukuman ama ay hore u laayeen kuwa ugu tabobar sarreeya wahaabiyada ee haddii ay Ashabaab dalka qabsadaan yaa wahaabinimada wax ku xukumaya haddii ay laayaan kuwii wahaabiyada ugu af dheeraa? Dadweynaha sidee bay u la dhaqmi lahaayeen wahaabiyadu haddii ay ku guulaystaan in ay ummadda qabsadaan? Hiddaha, dhaqanka, taariikhda, fanka, afka iyo qaab nololeedka guud ee soomaaliyeed maxaa uga qorshaysan wahaabiyada kooda surka taagaya iyo kooda isgaabinaya?

QORMO LA XIRIIRTA:  Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

Wahaabiya ama Ashabaab aragtidooda ugu culusi waa in ay isu arkaan in ay iyaga keli ahi diinta masuul ka yihiin oo aysan ummadda inteeda kale diin haysan ilaa ay iyaga soo raacaan ama ku biiraan, aragtidaasina waxa ay ka soo maaxatey in ay wahaabiyadu asal ahaan ummadaha ay ka mid yihiin gaalo u haystaan. Waxa ay isu arkaan firqo gaalnimo ka badbaaddey oo uu nebigu ku tilmaamay kuwo badbaadey oo ku sugan jidkii nebiga iyo qarniyo uu xaddiis sheegay in la faddilay. Kaalintaas ay iyagu isu magacaabeen oo aan la la ogeyn in ay buuxiyeen maxaa lagu caddaynayaa? Yaa u doortay oo u garawsan in ay keligood muslimiin yihiin? Haddii ay iyagu isdoorteen qofkii isagu madaxnimo isu doorta xukunkiisu muxuu yahay? Ashabaab waxa ay aamminsan yihiin in ay yihiin koox si gaar ah xaqa u fahmey oo Eebbe dartiis uga dhiidhiyey gumaysi gaalo, dadkoodiina uu yahay murtaddiin gaalada raacay oo aysan xaqa uu Eebbe ku gooni yeelay uga tanaasulin murtaddiin diintoodii laga saaray. Yaa ku raacsan in ay fahmeen xaq aysan ummadda inteeda kale fahmin? Intii aysan wahaabiyadu dhulkeenna iman sow dadku muslimiin ma ay ahayn oo ummaddu gumaysiyadii reer galbeed iyadu iska ma xorayn? Soomaaliya waa dal madaxbannaani qaatay lixdankii oo calan iyo xudduud leh, mana uu jiro waddan mid kale qabsan karaa qaynuunka caalamiga ah, dadka shisheeyaha ah ee dalka yimaadaana waa qayb ka faa’iidaysa dagaallada sokeeye iyo kuwo soomaalida caawinaya, dhammaantoodna dalalkoodii bay ku laaban doonaan marka uu waddanku xasilo. Ashabaab iyaga ayaa maanta sabab u ah in ay ciidan shisheeye dalka ku raagaan oo dagaalladooda iyo qaraxyadooda ayaa keenaya in ay ciidamo afrikaan ah sii joogaan. Ciidanka ay gaalada ku sheegayaani meelaha ay joogaan ma ku laayaan soomaali tiro la’eg kuwa ay Ashabaab laayaan? Sow la ma hubo in soomaalida dhimata ay badankooda Ashabaab laayaan? Gaal aan ku dilayn iyo muslim ku dilaya kee baad jeclaan lahayd? Waraabe xataa su’aashaas waa uu fahmi lahaa, waayo qofka usha in laga daayo sheega ayuu dhankiisa isu buriyaa sida ay soomaalidu sheegeen.

Waxaa la sheegaa in ay muslimiintu tiro ahaan yihiin shan meelood oo meel dadka oo dhan, waxa ayna noqonaysaa bilyan iyo dheeraad. Haddaba wahaabiyada su’aasha la weydiinayaa waa tiradaas intee baad muslimiin u aragtaan, intee se gaalo ah? Kolley waxaa cad in aydnaan dadka caalamka idin ku la nool ku waafaqsanayn in ay dadka oo dhan gaaladu tahay shan meelood oo afar oo waxa aad shan meelood oo meesha ku la dhex jirtaan layn iyo gaalayn xadka ka baxsan. Waxaa la hubaa wahaabiyadu in aysan dadka muslimiinta lagu sheego boqolkiiba hal dhammayn, laakiin ay yihiin dad caraysan oo hubaysan oo uu aad ugu fudud yahay dhiigga dadku, waana sababtaas midda ay gaaladu ugu shaabbadeeyeen in ay argagixiso yihiin, muslimiinta badankooduna ay ugu raaceen, waayo wahaabiyadu dadkooda muslimiinta ah gacan qabow ma ay tusin oo shar bay indhaha caalamku u arkeen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxay Soomaalidu Diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

Diinta islaamka waxaa hindisey nebi Maxamed jannadii Alle ha ka waraabiyee, waxaana la wada og yahay in uusan dagaalka nebigu ahayn laablakac oo uusan wax rabshad ah samayn ilaa uu hubiyey in uu haysto ciidan iyo hub u dhigma kuwa gaalada. Wahaabiyadu sidii nebiga ma u hubiyeen in ay hayaan awood u dhiganta midda gaalada? Nin aan su’aashaas weydiiyey baa iigu jawaabey ”Maxamed arrimaha uu sameeyey waa uu u madaxbannaanaa oo isaga ayaa wax hindisayey, laakiin wahaabiyadu waxyaalaha ay ku kacayaan u ma ay madaxbannaana oo wahaabiyadu aragti ku ma ay laha waayaha iyo duruufaha ah ku dhex nool yihiin”. Sida aynu og nahay gaalada maanta jirta waxaa hoggaan u ah caddaanka ee waxa aad isweydiisaa inta gaal caddaan ah ay Ashabaab dileen xilligii ay dagaallamayeen! Qoryaha ay haystaan tiiradoodu intee bay gaartaa, iyagu se qori ma samayn karaan? Caddaanka dalalkooda immisa qof baa lagu dilaa sanadkii? Caddaanka ciilka loo qabo ma lagaga baxayaa in habro soomaali ah maalin kasta bunbo la isku la qarxiyo? Waabiyada waxaa la moodaa in ay kaftamayaan, kaftankana waxaa ugu macaan midka isyeelyeelka iyo caqli yaraanta lagu metelo, waayo kaftanka fiican waxaa shardi u ah in uusan dhab ahayn.

Masalada ugu danbaysaa waa horta diin ma la isku waafaqi karaa oo macquul ma tahay in ay wadaaddo isku raacaan arrimo diineed? Nin caalim ah oo aan su’aashaas weydiiyey waxa uu iigu jawaabey ”Diinta waxaa qofka uga horreeya waxa uu rabo oo markii uu waxa uu rabo dareemo ayuu diinta waxaas daliil uga raadiyaa, taasina waxa ay keentay in ay aragtiyaha diiniga ahi iska soo wada hor jeedaan, waayo dadkii aragtiyaha lahaa baa ka la dano duwanaa. Ninkii wahaabi ah marka hore go’aankiisu waa in uu ummadda xoog ku xukumo, ka dibna diinta ka ma uu waayayo xaddiis uu daliishado”. Diinta in ay dad badani isku aragti ka noqdaan iska daa ee hal qof baan naftiisa isku aragti ka qaadan karin oo wadaaddada waxaa la moodaa in ay dadka caqliga yar wareeriyaan in loo abuuray. Nin aan weligiis ciid tukan oo ogaa in salaadda hal takbiir lagu xirto ayaa maqlay salaad iideed oo takbiiro badan, waxa uuna yiri ”Agah! war salaaddii xirmi weydey ee wixii reer hebel ahaw isaga baxa!”. War wixii caqli lahaw isaga baxa!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments