Wahaabiyada iyo aqoonta casriga ah

W
Wadaaddada wahaabiyada ahi waxa ay aqoonta casriga ah u haystaan wax uu cadow leeyahay oo duullaan ku ah diinta islaamka. Waxa ay u arkaan in uu cilmigu xaqirayo diintooda oo ay cadowga diintu maleegayaan dhagar dadka diinta laga jeedinayo oo lagu jeedinayo adduunyo. Si ay cilmiga isaga difaacaan bay marmar tartan la galaan oo waxa ay sheegtaan waxyaalo yaryar oo waayo hore caalamka islaamka laga hindisey iyo nusuus aan cilmi maaddi ah loo la jeedin oo ay iyagu khasab ku waafajiyaan waxyaalo cilmi ah. Aragtida ah in aqoonta casriga ah loo arko wax ay qolo leedahay wahaabiyada ku ma koobna oo caalamka islaamka oo dhan baa dareenkaas wax ka haysta, laakiin wahaabiyadu walwal dheeraad ah bay ka muujiyaan aqoonta oo marmar waxa ay caayaan dalalka ay aqoontu ka soo jeeddo si ay u sheegaan in ay aqoonta diintu ka fiican tahay, marmarna waxa ay sheegaan aqoonta maanta la wadwado in iyaga loo sheegay 1400 oo sano ka hor, waana been ee aqoonta wax kasta oo ka mid ah xilligii la helay iyo dadkii helay waa ay qoran yihiin, ninka ay ku taariikhaynayaanna wax weyn ka ma uu ciyaarin.

Labo arrimood baa in la sheego u baahan. Midda kowaad aqoontu cid duullaan ku ma aha oo waa wanaag dadka oo dhan u soo hoydey, waxaana baran kara oo ka faa’iidi kara dadka oo dhan diin iyo diin la’aanba. Aqoontu dad gaar ah oo ay xaqirayso iyo dad kale oo ku qaraabtaa ma jiraan ee waa loo siman yahay, haddii ay heliddeeda dad gaar ahi u badnaayeenna ma aha in ay dadkaasi in ay qaarado kale ku duulaan u samaysteen oo dad lagu bahdilayo. Midda labaad xilligii gumaysiga dad badan oo muslimiin ahi waxa ay u arkeen haddii carruurta waxbarasho la geeyo in diinta laga saarayo, aragtidaasina xiilli dheer bay socotey ilaa la yare ogaadey in aqoontu ay fiican tahay diin iyo diin la’aanba. Fakarkii noocaas ahaa weli wax baa wahaabiyada kaga danbeeya, waayo waxa ay shaqo ka dhigteen in ay caayaan waddamada aqoonta si buuxda uga faa’iidey ee horemaray iyaga oo sheegaya hadal uu nuxurkiisu yahay in ay diintu ka fiican tahay aqoonta. Waddamada ay dhaleeceeyaan in ay aqoonta ka faa’iideen waa ay muuqataa, isla markaas la ma hayo dal ay diintu horemar gaarsiisey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aftahmo iyo afjuxuunsi

Wahaabiyada soomaalidu waxa ay hayaan labo arrimood oo ka la ah in ay soomaalida cuqdado ay la fiigsanaadaan ku beeraan iyo in ay carabaynta soomaalida ku dadaalaan oo ay wax kasta oo soomaalida carbayn kara tiigsadaan. Horta carabtu ma ku faraxsan yihiin carabnimadooda inta aan dad kale carabnimo loogu yeerin? Ina Cabdulle Xasan oo ahaa xagjir diineed 100 sano ka hor waxa uu ogaa in aysan soomaalidu carab marti u ahayn oo sida wahaabiyada maanta af carbeed soomaalida ku la ma uu hadli jirin. Afka soomaaliga ayuu ku maansoon jirey, isla markaas dhaqanka soomaalida ka ma uu baxsanayn sida wahaabiyada ee sidii soomaali caadi ah buu dadka u la xaajaysan jirey. Wahaabiyadu waa firqo aan soomaalida wax maslaxad ah u lahayn, waxaana la hubaa haddii aysan ummadda saamayn xun ku lahayn in la dowladoobi lahaa, waayo 1960 dadka oo intan ka aqoon yar baa dhaqso loo dowladeeyey. Wahaabiyada sharkooda iyo dhibtooda ayaa aad uga badan wanaagga ay isku hafraan, waxaana la moodaa in iyaga iyo shiikhoodii ina Cabdiwahaab naarta laga soo saaray.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us