Wahaabiyada ma la carbin karaa?

W
Firqada Wahaabiya ee uu shiikh Umal ka midka yahay wadaaddadooda ugu waaweyn waa in jiritaankooda la aqbalaa haddii ay dhowr arrimood ka tanaasulaan. Marka kowaad waa in ay qiraan in ay ka mid yihiin bulshada ama shacabka oo aysan gaar ahaan isu bahaysan ee ay dadka ku milmaan. Midda labaad waa in ay joojiyaan xukunka ay qoriga ku doonayaan oo ay dad nabadeed noqdaan. Midda saddexaad waa in ay joojiyaan gaalaysiinta dadka iyo dilalka qorshaysan oo aysan ku mashquulin in qof ama kooxi ay gaalo yihiin oo qofkii gaal ah ay isaga iyo Ilaahay isu daayaan. Midda afaraad waa in ay qiraan in ay soomaalidu tahay ummad af iyo dhaqan leh oo ay ka tanaasulaan carabaynta soomaalida iyo in afka carabiga laga sarraysiiyo af soomaaliga. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran in afka dalku uu yahay soomaali iyo carabi, waana been ee afka soomaalidu waa soomaali keli ah oo carabida dad aad u yar oo bartay baa garanaya, sidaas darteedna waa in faqraddaas hkaldan laga saaro dastuurka oo carabta iyo afkooda loo arko ajnebi soomaalida iyo afkooda weerar ku haya.

Haddii ay arrimahaas kor ku qoran Umal iyo kooxdiisa xagjirka ahi oggolaadaan waxaa la la furi karaa doodo ummadeed, waxa ayna ka mid noqon karaan bulshada soomaalida oo danaha dadkooda ka fakara. Wahaabiyadu inta ay xukun raadinayaan, inta ay dadka gaalaysiinayaan ama kuwa gaaloobey ay laynayaan, inta ay koox gaar ah oo bulshada ka duwan yihiin, inta ay afka iyo dhaqanka carabta soomaalida u dullaynayaan, inta ay dhiig macne darro ah u haliilayaan waa in ay ummaddu iska qabtaan oo maskaxdooda wasakhaysan sida kaadida la isaga duwaa. Ma dhici karto in uu ummadda wadaad u ahaado qof aamminsan in dad soomaali ah la laayo ama diinta xukun ku doonaya oo aamminsan in 2020 diin dhowr iyo toban qarni jirta la isku xukumi karo. Waa in edeb la baraa dadka noocaas ah oo ay ugu horrayn bulshadu edbisaa oo ay noqdaan dad caadi ah oo shaqaysta, haddii ay rabaanna masaajidda dhexdooda wacdi aakhiro ku saabsan ku la dhuunta. Dadka qooqan oo noocaas ah waa in la dhufaanaa oo ay salka dhulka dhigaan, bulshadana waa in ay dad aqoon lihi wacyi geliyaan oo afkooda iyo dhaqankooda la horemariyaa. Run ahaantii nin xaddiis iyo qur’aan keli ah garanaya oo aan aqoon kale lahayni waa jaahil aan mudnayn in culimo lagu tiriyo. Dadku aqoon iyo wacyi ay ku horemaraan bay u baahan yihiin ee carabi gaboobey oo khuraafaad ah in lagu dhex faafiyo oo ay isgumaadaan u ma ay baahna.

Maammullada iyo dowladnimada waxaa ka dhex muuqda jileec ay u calool dabcayaan dadka leh tilmaamaha aynu soo sheegnay oo ay ka dhigaan wadaaddo fiican mar haddii aysan sida Ashabaab isqarxinayn, laakiin waa aragti gafsan oo kuwa isqarxinaya iyo kuwa kale waa ay ka siman yihiin in ay rabaan waxyaalaha aynu soo sheegnay, ma na jiro farqi weyn oo u dhexeeyaa. Tusaale ahaan kuwa dowladda ku milan oo hadba magac la baxaa waxa ay iftoodaan in qofkii soomaali ah oo diinta naca lagu dirqiyo in uu khasab ku toobad keeno haddii kale la dilo oo ma ay oga qofku in uusan masuul ka ahayn waxa uu rumaynayo ee ay tahay maskaxda qofka waxyaalo iskood ugu jira in uu rumeeyo ama beeniyo. Maskaxda dadku mu’minnimo iyo mulxidnimo midna ma kasban karto oo qof wax uusan rumaysnayn khasab ku ma rumayn karo sida uusan qof wax uu rumaysan yahay khasab ugu beenin karin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muxuu ka aaminsanaa nabi Maxamed ugxanta dumarka?

Qofka sheegaya in ay dad khasab ku toobad keenaan caqligiisu aad buu u hooseeyaa, ma na uu aha qof masuul ah ama qof dadnimo wax laga weydiin karo. Sida ugu fiican oo ay bulsho u fakartaa waa in dadka loo daayo Ilaaha lagu khasbayo oo ay si xor ah u rumaystaan ama u beeniyaan iyaga oo aan dad kale ka baqayn ama istustusayn. Waa in uu qof kastaa sidii uu rabo u fakaro isaga oo aan baqdin uu dad kale ka qabaa saamayn ku lahayn. Ha dhowaato ama ha dheeraato ee aayaha ama mustaqbalka aragtidaas aan sheegay baa la qaadan doonaa, waayo waa sida saxda ah oo lagu wada noolaan karo.

Wahaabiyadu waxa ay waayadaan wadwadaan aragti gurracan oo ay ka soo xigteen nin la oran jirey ibnu Taymiya oo sheegaysa in qofkii nebiga wax ka sheega aan toobad laga aqbalayn oo la dilayo haddii uu toobad keeno. Firqadani qur’aanka waxa ay ka jecel yihiin aragtiyaha ibnu Taymiya iyo ina Cabdiwahaab, waayo qur’aanku aad buu uga hadlay toobadda, waxa uuna meelo badan ku sheegay in wax kasta laga toobad keeni karo, in nebiga wax laga sheegaana denbi weyn ma aha, waayo nebigu waxa uu sheegay ujeeddada uu u socdaa in aysan isaga dantiisa ahayn ee uu isku xirayo dadka iyo Ilaahay, sidaas darteedna nebigu muhiim ma aha oo waa makarafoon uu Eebbe ku hadlay. Qofka sheega in ujeeddada diintu ay tahay in nebiga la weyneeyaa waxa uu u baahan yahay in laga saxo caqiidada islaamka oo ah in uu nebigu ahaa codbaahiyaha Eebbe oo in isaga muhiim laga dhigaa ay shirki tahay.

Nebigu waxa keli ah oo uu dadka kaga duwan yahay in uu fartiin dadka soo gaarsiiyey ee sidiisa kale waa qof caadi ah, in wax laga sheegaana waxa ay la mid tahay in qof kale wax laga sheego oo marna ma fiicna in qof la caayo. Waxyaalaha aan Eebbe lagu weyneynayn oo uu nebigu sameeyey oo dhan haddii nebiga lagu dhaleeceeyo waxa ay la mid tahay in qof caadi ah la dhalliilay, oo tusaale ahaan in uu 9 dumar ah isku mar qabey iyo in uu Yuhuud wax ka deyman jirey oo uu cadowgiisa baryi jirey ma aha fartiin diimeed oo Eebbe lagu weyneynayo ee waa dabeecaddii nebiga qof ahaan u gaarka ahayd, qofkii dhalliila nolosha caadiga ah ee nebigu uu dadka ka la mid yahay oo wax ka sheegayna diin denbi ka ma uu gelin ee qof buu ka hadlay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Wadaado ma qori karaan dastuurka Soomaaliya?

Anigu waxa aan rumays nahay in nebigu uusan awoodin in uu 9 dumar ah wada qanciyo ee ay dumarku wakhtigaas addoomo ahaayeen oo in ay qancaan aan dan laga lahayn. Haddii ay sida dumarka maanta ee xorta ah ahaan lahaayeen ma uu qabi kareen, waxaana intaas dheer in uu nebigu 60 jir ka weynaa oo raggu marka ay da’daas gaaraan ay adag tahay in ay hal haweeney qanciyaan. In uu nebigu cadowgiisa oo Yuhuud ah oo la og yahay nacaybka carab iyo Yuhuud ka dhexeeya deyn weydiisan jirey waa wax aanan kolley anigu isu quureen oo soomaalidu waxa ay ku maahmaahaan ”Nacabkaaga dhuux sagaaro ayaa loogu dhaashadaa”.

Waxa aan uga socdaa in nebiga dhalliilihiisu ay la mid yihiin qof muslim ah dhalliilihiis marka laga reebo waxyaalaha Eebbe ku xiran oo tusaale ahaan qof muslim ah u ma bannaana in uu yiraahdo ”Nebiga qur’aanku ku ma soo degin ee isaga ayaa allifey” oo taasi waa denbi kabaa’ir xagga diinta. Qofkii aan muslim ahayni wixii uu rabo ayuu nebiga ka sheegi karaa, waayo ma uu aamminsana diin u diidaysa in uu sheego in qur’aanku uu yahay maanso ay nebiga iyo saaxiibbadiis tiriyeen, waxaana fahmo darro ah in qof gaal ah loo dilo in uu nebiga wax ka sheegay oo gaalada loo adeegsado waxyaalo muslimiinta xaaraan ka ah oo aan iyaga khusayn.

Qur’aanka waxaa ku jirta in ay niman dhowr ah oo ciidankii nebiga ka mid ahi nebiga ku sheegeen in uu fule cirweyn oo nacas ah yahay, qur’aankuna waxa uu amray in uu nebigu ku yiraahdo ”Ma Eebbe, aayadihiisa, iyo rasuulka ayaad xifaalayseen? Ha marmarsiinyoonnina waa aad kufrideene!”, la ma sheegin in uu nebigu amray in nimankaas la laayo iyada oo uu qur’aanku caddeeyey in ay riddoobeen. Sidaas darteed Wahaabiya laga ma xukumo qur’aanka iyo nebigii keenay ee waxaa maskaxdooda ka guuxaya ibnu Taymiya iyo ina Cabdiwahaab, waayo waa lagu kari waayey in ay qur’aanka iyo nebiga ku qancaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments