Xaqdarro

X

Carruurta dugsiyada qur’aanka dhigta midkii aan xafidaadda ku fiicnayn ama aan jeclayn in uu subaca iyo qur’aanka ka qaybgalo waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ”Ilmo uu shaydaan duufsaday!” Dadka uu la deggan yahay iyo wadaadka dugsiga dhigaaba waxay ku heshiiyaan in uu ilmahaasi shaydaanka calaaqaad weyn la leeyahay, oo in la dilo laga helayo ajar iyo xasanaad loo aayayo maalinta Qiyaame.

Guriga waxaa carruurtaas uga horreeya canaan yasid ah iyo dil uu huruuf ku dhafan yahay, isla markaas waxaa laga goostaa ama lagu canaadaa akalka iyo arratirka. Dugsiga waxaa loo diraa asaga oo xoogaa dilan, oo sidii loo caayayey wareeray, waxaana ka horreeya wadaad cadow ah oo rumaysan in uu ilmahaas shaydaan duufsaday oo uu dilkiisu xaq yahay.

Macallinkaasi wuxuu leeyahay bakhaar ulo ah oo uu markii ay uli dhammaataba mid la soo baxo. Ulaha waxaa sida badan soo gura ardada, waxaana toddobaad kasta loo diraa labo ama saddex uu macallinku amar ku siiyo in ay ulo xoog badan dhir gaar ah ka soo jaraan.

Qaynuunka ulaha waxaa ka mid ah in haddii ay carruurtaasi ulo liita keenaan laftooda lala dhaco, oo markii ay sidii loola dhacayo uluhu jajabaan oo dhammaadaan ay misana noqdaan, oo ulo macquul ah keenaan. Haddii aysan ciqaabtaasi jirin waxay ardadu soo guri lahaayeen ulo aan jirdil ugu habboonayn carruurta uu shaydaanku duufsado.

Carruurta uu shaydaanku duufsado guriga aad looguma garaaco, oo dharbaaxo iyo marmar uu oday xanaaqsani matoobbo ku dhufto ayaa jirdilkooda ugu badan, hase yeesho ee bakhaar ulo ah baa wuxuu uga horreeyaa meel aysan axsaan iyo naxariisi ka jirin.

Carruurta caadiga ah oo uusan shaydaanku duufsan wuxuu macallinku dilaa markii ay kalmad qur’aanka ka mid ah khaldaan iyo markii ay dugsiga ka soo daahaan. Waxaa kale oo la garaacaa markii ay sheekaystaan ama ay cayaaraan, hase yeesho ee waxaa laga yaabaa in marmar uu macallinku iska caraysan yahay uu ardada ul saf kala maro, oo uusan u aabayeelin mid uu shaydaan duufsaday iyo mid hanuunsan.

Kuwa uu shaydaanku duufsaday dilkoodu waa muqaddas, oo markii ay dugsiga soo galaan wuxuu wadaadku kula dhacaa caradii uu shaydaanka u qabey iyo mid uu ilmahaas u qabo, waayo wuxuu aamminsan yahay in ay ilmahaas iyo shaydaanku isu xodxotaan.

Dhaqanka soomaalida qaarkeed waxaa ka mid ah in agoonta la caawiyo oo loo turo, laakiin waa agoonta uusan shaydaanku duufsan, ee yatiinkii uu shaydaan duufsado waxaa lagu fuliyaa qaynuunka dugsiyada.

Inta aynaan xaqdarrada albaabbadeeda waaweyn furfurin baynu sheegaynaa qiso xariir la leh in qofkii aan xafidaadda ku fiicnayn loo maleeyo in uu shaydaanka calaaqaad la leeyahay. Aniga oo todoba sano jira ayaan waxaan dareemay in aan aad ugu fiicnahay xafidaadda maansooyinka, oo aan gabayga markii la mariyo sidii uu ahaa ugu soo celin karey. Xeesha aan wax u xafidayey aniga ayey igu abuurnayd, ee ma ahayn wax aan cid kale u gudbin karey, waxaana jeclaa in habeen iyo maalin maanso cusub la ii mariyo iyo in aan anigu dadka maanso u mariyo.

Sida macallimiinta dugsiyada dhiga ayaan waxaan samaystay ardo badan oo aan gabayada xafidsiiyo. Ardada ma aan dili jirin, waayo waxay badankoodu ahaayeen rag odayaal ah oo ogaadey in aanan ka daalayn in aan gabay kasta boqol goor ugu soo celiyo, oo ay sida Qu’raankii iiga soo baxaan.

Qisada nuxurkeedu waa in aan u malayn jirey in odaygii qabashada gabayga ku liitaa uu shaydaanka calaaqaad la leeyahay. Waxaan ka xumaa in aysan bulshadu lahayn xeer ii banneeya in ragga uu shaydaanku maskaxdooda gabayga ka moobeeyey aan garaaco. Midda kale tobannaan gabay baan bilaash ku baray kuwo aan la yaabay sida ay maskaxdoodu uga janjeerto dhanka maansada.

Hab naxariis leh oo aan hagar lahayn baan dadka wixii maanso ah u bari jirey, oo weliba mid kasta meesha uu joogo ayaan ugu tegi jirey, waayo ma aan haysan bulsho igu caawisa in dadka meel dugsi ah la isu geeyo, oo ay wadajir maansada u qaybaan.

Intaas waxaa dheeraa in aanan mushaar iyo abaalmarin midna ka rabin, ee aan ajar iyo xasanaad hor ilaahay geysanayey. Runtii waagaas aad ayaan bulshada u saluugsanaa, waayo lama eedayn jirin dadka uu shaydaanku gabayga ka madoobeeyey, haddana la igama caawin in la mideeyo dadka jecel in ay maanso xafidaan. Isla markaas in aan midkii madax adag garaaco fursad la iima siin. Waxaa ka darnaa in ay dadku niman carruurtooda dilaya xoolo iyo ammaan isugu darayeen, halka aniga oo saqiir iyo kabiir caawinaya aan la ii xilqabin.

Muddo ka dib markii aan 11 sano gaarey ayaan ogaadey in ay dadku kala duwan yihiin xagga waxbarashada, oo uu qof kastaa wax gaar ah ku fiican yahay, isla markaas in qofkii maaddo uusan ku fahmo badnayn baran waaya aan shaydaan lagu xariirin karin.

Waxaa in aan sidaas aragtidayda u beddelo igu kallifay in aan arkay dad iga caqli badan oo iga dadnimo badan, kuwaas oo aan gabay iyo Qur’aan midna xafidi karin, ee talada iyo hawlaha kale aad u fahmayey, halka aan anigu shaqooyinka ay qabanayaan necbaa, oo ay maskaxdaydu maanso, xifaalo iyo sheeko jacayl u heellanayd.

Arrintaas markii aan fahmey oo sheegay aad baa la iigu xadgudbey, waayo waxaa loo qabey in aan la oran karin ”Qofkii aan Qur’aanka xafidi karin in lagu khasbaa waxay la mid tahay in qof gaaban la amro in uu dheeraado, oo markii uu dheeraan waayo la dilo”. Waxaa la ii maleeyey in aan qareen u ahay carruurta uu shaydaanku duufsaday, la igamana hoosqaadin arrintii aan fahmey.

Sida ay aniga ila tahay in arrintaan la fahmaa waa sahal, oo uma ay baahna in uu qofka garanayaa caqli badan leeyahay, waayo markii uu qof kaa diricsani labo mir oo gabay ah qaban waayo waa ay iska caddahay in aadan ka fiicnayn ee aad kala duwan tihiin. Maansadu waaba wax uu qofku allifayo, oo in uu hibo maskaxeed leeyahay caddayn u ah, laakiin waxaa jira kuwo xafidaadda Qur’aanka aan ku saxan, haddana xagga caqliga aan tuludo geel ah wax weyn dhaamin, oo dumar ay u galmoodaan iyo walanbaysi cunto keli ah ay garashadoodu ku kooban tahay.

In uu Rabbi dadka kala duwey yaab ma leh, ee waxaa cajab ah in ay wadaaddada dugsiyada dhigaa camal shaydaan ku macneeyaan abuurta Rabbi. Carruurta Rabbi baa kala duwey ee shaydaan ma uu kala duwin, mana uu awoodo shaydaanku in uu wax abuuro, oo fahmada iyo dadnimadu waa uun ama abuur Rabbi.

Dadka reerguuraaga ahi waxay sameeyaan hawlo yaryar oo ay ka mid tahay in geela la raaco, waxayna ninkii aan geela in uu raaco jeclayn u yaqaanniin ”Waxmatare”. Geela raaciddiisu waxtar weyn ma aha, waayo waa in markii uu aroortii soofo la iska dabagalo, oo inta barqadii caano laga maalo geed hooskiis la seexdo ama shax la cayaaro, dabadeedna casarkii la isu soo uruuriyo, oo ubadka laga sooco. Inta la sii dheelmayo waa in lagu heeso, markii la xereeyana waa in gabay iyo cay xun la isku bilaabo, si aan loo lulmoon!

Caydaasi waa mid aan xad lahayd oo ay ugu sahlan yihiin ”Nacallaa waalidkaa ku yaal!” iyo ”Doofaaraddii ku dhashay ***!”. Markii caweysinka geela la gaaro waxaa carruurta lala dhacaa dhenged, waxaana lagu yiraahdaa: ”U soo godol geela eyohow eygu dhalay!”. Inta geela la maalayo caydii ugu darnayd baa socota, laakiin waxaa qaynuunka ka mid ah in aan la isku xanaaqin, oo ninkii xanaaqaa waa ”Buulkujire” oo uu macneheedu yahay ”Nin aan weligiis meel uu rag joogo arag ee buulkii hooyadiis ka yimid”. Ninkii noloshaas soo maray labo arrimood buu la yaabaa, waana in la isku xanaaqo iyo in aan sidii la doono loo wada hadlin ee hadalka lala kala gabbado.

Haddaba waxaa jira rag aan nolosha sidaas ah ku qanci karin, oo qaab kale u fakaraya, loomana oggolaado dabeecadohooda, ee waxaa loo arkaa in ay dadnimadooda waxyaalo u dhimman yihiin, waana falfal midka macallimiinta dugsiyada la mid ah, isla markaas waa aragtidii aan ka tanaasuley aniga oo 11 sano jira markii aan gabaygii ku soo kari waayey rag siyaalo kale iiga firfircoon.

Waxaa laga yaabaa in ay dad cindigaab ahi moodaan in qisadaan weyn oo maansada ku saabsan aan uga jeedo in ay Qur’aan iyo gabay isku mid yihiin, taasina waa liidnimo xagga caqliga ah, waayo tacliintu laamo badan ayey leedahay oo faracyadaas ayeynu qaarkood tusaale u soo qaadannay, ee Qu’aanka wax loo dhigo lama arko.

Maqaalkaan yar waxaannu ugu talogalnay in aannu xaqdarrada ugu daran, oo dadkeenna ku dhexbaaranaysa kaga wacdino. Waxaa laga yaabaa in dad badani markii ay maqlaan ”Xaqdarrada ugu daran” ay moodaan caaneeyadii Carta ama hooshkii koofurta Soomaaliya ka dhacay dhawr iyo tobankii sano oo ugu danbeeyey. Kuwo kale waxaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in looga digayo in ay iska ilaaliyaan jaajuusyadii iyo awrtii uu Maxamed Siyaad ku guuri jirey in ay dadnimo ka fishaan. Dad kale waxaa dhici karta in ay moodaan in uu maqaalku Hargaysa ka waaninayo in ay dalka kala gooyaan, oo uu in ay shakiga iyo walaaca iska saaraan ku boorrinayo.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan midna maqaalku kuma uu saabsana, ee wax ka daran ayuu soo koobayaa, waana in uusan qofka soomaaliga ahi oggolaan karin in uu jiro qof asaga ka duwani. Xagga caqiidada, xagga aragtida, xagga dhaqanka iyo kumannaan dhinac oo lagu kala duwanaan karo ayuu ruuxa soomaaliyeed ka gubtaa in uu nool yahay qof asaga kaga geddisani.

Haddii uu diinta u haysto sida ay dariiqada Saalixiya ugu dhaqmaan wuxuu go’aan buuxa ku gaarayaa in ay baaddil yihiin dhammaan siyaalaha kale oo diinta Islaamka loo rumaysan yahay ama loogu dhaqmaa. Waxaa Soomaalida keli ah dhexdeeda ka jira tobannaan firqo oo diinta Islaamka wada jecel, laakiin uu mid kastaa u xuurtaysan yahay waddo coobilnimo, oo ah in la necbaado dhammaan ummadda inteeda kale iyo aragtiyaha ay qabaan!

Qofkii dariiqo ama koox gaar ah oo diineed ku dhex haftaa wuxuu ku jiraa qol ciriir ah, oo ka daran midkii nebi Yuusuf lagu xiray muddada dheer ama midkii uu Bardacad ku xirnaa 17 sano. Noloshiisa wuxuu ku dhammaysanayaa in uu dad kale farta ku fiiqayo, oo uu leeyahay ”Kuwaas ha la iska ilaaliyo!”, wuxuuna meesha ka saarayaa in ay suurtegal tahay in ay kuwa uu ishaarayaa hayaan aragtiyo iyo cilmi uu u baahan yahay.

Darajada ugu liidata oo uu qofku gaaraa waa in uu u maleeyo in uu xaq ku taagan yahay, oo aysan wax aragti ahi ka maqnayn, ayna asaga iyo kooxdiisu yihiin ceel ma’wi ah oo ay dadku u ooman yihiin! Waa ra’yi ay qofka aamminsan u dhaanto in uu dhinto, waayo wuxuu ku jiraa qabri uusan ogayn.

Dadka qof kastaa wuxuu u fakarayaa si ka weecsan si uu mid kale isleeyahay, taasna nolosha ayaa ku dhisan oo waa wax macne weyn leh. Sidaas la’aanteed lama noolaan kareen, oo bulsho ma ay dhisanteen.

Qof kastaa wuxuu u baahan yahay nabad ee colaad iyo xin uma uu baahna. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aragtidiisa la dhegaysto oo si anshax ah loola doodo. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan la xaman oo aan lagu xadgudbin. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan bulshada laga xigsan ee uu ra’yigiisa soo gudbiyo, oo intii rabtaa ay ku raacaan inta kalena ay si fiican ula doodaan ama ka aamusaan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan mabda’iisa iyo dhaqankiisa lagu caayin, laguna dilin ee laga dhegaysto oo laga qaato ama aan laga qaadan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in ay wax u kordhaan oo uu jahliga iyo maskaxda liidata ka horumaro.

Haddaba qofkii dariiqo ama firqo gooni ah ayaamo la jooga, oo maansooyin nabiga iyo shiikh Cabdulqaaddir-Jiilaani lagu faaninayo ama buugaag yaryar oo qabuuraha iyo lebbiska dumarka qodqodaysa lagu qiireeyo, oo markaas dadka kale aragtiyohooda ku caaya ama kula diriraa wuxuu la mid yahay mashiin la daaray, oo aan ilaa uu shidaalku ka dhammaado ama uu qofkii lahaa damiyo guuxa joojinayn.

Xayawaanaadku waxay isu oggol yihiin in uu mid kastaa duurka ama badda geeskiisa u daaqo, laakiin waxaa jira xayawaanaad markii ay baahdaan kuwo kale, oo sida badan aan la jinsi ahayn, cuna. Haddaba marka ay sidaas isu cunayaan waxaa isu geysey baahi uusan midka dugaagga ahi dhiig ka maarmayn. Cunitaankaas ka sokow xayawaanaadku waxay sida badan kala helaan nabadgelyo, oo dhaqankooda iyo noloshooda iskuma ay farageliyaan.

Waxaa yaab leh in ay soomaalida iyo dadyow kale maanta ka liitaan bahaayinta birriga iyo badda ku dhaqan. Qofka soomaaliga ahi labo arrimood oo dan u ah midna ma uu tixgeliyo. Midda kowaad waa in asagu xor yahay, oo uusan cidna marti ugu ahayn habka uu u fakarayo iyo qaabka uu u noolaanayo. Midda labaad waa in uu dadka kale u oggolaado sida ay jecel yihiin iyo aragtida ay xiisaynayaan.

Haddii labadaas arrimood la waayo waxyaalo badan ayaa la waayayaa. Marka kowaad waxaa lumaya aragtiyihii dadka oo qofku in uu fakaro waxaa kala weynaanaya in uu wax uusan asagu ku hindisoon fuliyo, waxayna dadka oo dhami noqonayaan alaabo la leeyahay, ee markaas dad ma ay aha.

Qofka soomaaliga ah haddii aynu tusaale u soo qaadanno waxaa soo baxaysa in uu yahay addoon la leeyahay oo aan xaq u lahayn in uu fakaro iyo in noolaado haddii uusan raacin waddo ay dad kale faleen oo horay loogu soo harraaday.

Dariiqooyinku wax yar ayey ka dhaawacaan maskaxda dadkeenna, ee sunta ugu weyn ee ay soomaalidu ka dhergeen waa qabyaaladda. Arrinta qabyaaladda haddii aynu dib u dhiganno, oo aynu firqooyinka diinta xoogaa ka taabanno waxaa waayadii hore jirey wadaaddo sabool ah, oo baryo keli ah ku noolaa.

Diinta waxaa loo baran jirey in xoolo lagu noolaado dadka lagaga baryo oo uu markaas wadaadku guursado si uu carruur u dhalo. ”Carruur” marka aynu leenahay waxaa ku hoosjira in uu guurka soomaalidu carruur keli ah keeno ee uusan waxtar kale lahayn.

Wadaaddadii hore waxay ahaayeen dad aan talada iyo maamulka waxba laga weydiin, ee markii tahaliil, xirsi, yaasiin, subac, kunmayr, nikaax iyo qaangudasho loo baahdo ayaa la soo xasuusan jirey. Markii sidaas loo soo xasuusto waxay dareemi jireen in ay shaqo heleen, waayo cunto iyo hanti bay waxaas ku heli jireen. Ardada ay Qur’aanka u dhigaan waxaa loo arkey in yihiin mustaqbalkii tahaliisha, xirsiyada, nikaaxa iyo waxyaalo kale.

Haddaba markaas bulshadu qabyaalad keli ah bay haysteen, waxaase jirey arrimo yaryar oo ay wadaaddada laftoodu dadka ku saamaynayeen. Arrimahaasi waa in wax kasta oo ay wadaaddadu xoolo ku rabaan lagu raaci jirey. Tusaale ahaan haddii ay wax khuraafaad ah oo ay dadka maskaxda kaga xadayaan keenaan lagulama doodi jirin, ee waa lagu raaci jirey, waxaana sanad kasta dalka ku soo kordhi jirey khuraafooyin ku bilawday xoolo jacayl, sida riyooyin iyo hab cusub wax la isugu tufo.

Ayagu waxay dadka maskaxda kaga haysteen xagga caqiidada khuraafada ah, oo waxaa dhankaas looga ahaa addoomo ayaga u hoggaansan, laakiin wax kale lama waydiin jirin. Dabcan iyo dabcan waa ay jireen waxyaalo yaryar oo shareeco ah in marmar laga soo xigan jirey, laakiin wax weyn ma ahayn.

Waayadii hore wadaaddada iyo awliyooyinka waxaa la rumaysnaa in ay dhanka Itoobiya ka yimaadaan, laakiin intii shidaalka dalalka carbeed laga soo saaray waxay wadaaddada iyo awliyadu ka soo gurmayeen dalka Sucuudiga iyo meelo kale oo carab ah. Waxaa jirta qiso caan ah oo ku saabsan in ay Itoobiya ahayd meel laga sugo in ay weliyo suubbani ka yimaadaan.

Sarkaal Itoobiyaan ah baa wuxuu ogaadey in ay soomaalidu sadaqo aan ujeeddo lahayn wadaaddada la hoos-rooraan, wuxuuna ogaadey in uu ninkii weli loo maleeyaa xoolo badan ka helayo soomaalida. Qorshe fiican oo uu dadkaas aan fakarayn kaga xoolaysto ayuu cabbaar ka fakarey, wuxuuna helay arrin weyn oo aan looga horrayn.

Waagaas soomaalidu karbuuno ama toosh ma ay aqoon, wuxuuna sarkaalkii soo qaatay karbuuno weyn oo uu beteri cusub ku soo gurtay. Wuxuu soo galay safar dheer, ka dibna wuxuu soomaalidii u sheegay in uu weli yahay oo uu habeenkii nuur ka baxo. Markii uu fiidkii aasku madoobaado ayuu tooshkii daarayey, wuxuuna qaadayey qasiidooyin iyo wardi.

Hadalka haddii la soo koobo wuxuu ninkaasi markii uu karbuunadii beterigu ka dhammaaday haystey boqollaal geel ah iyo kumannaan lo’ iyo ari ah, wuxuuna hantidaas xoogga leh ula gudbey dhanka Itoobiya.

Saraakiil Itoobiya iyo carabaha jawaasiis u ah ayaa weligood Soomaaliya gaaf-wareegayey, waxayna dalka ku joogeen awliyanimo iyo daacinimo. Habeenkii uu Maxamed Siyaad dalka inqilaabay ka hor ayaa Itoobiya laga ogaa in uu dalka afgenbi ka dhacayo, waxaana sirahaas gudbiyey saraakiil tahaliil u tufi jirey saraakiishii dalka inqilaabay. Haddaba iska ilaali in aad jaajuus gaamurey daaci iyo weli u malaysid, oo yaan lagu dhagrin ee maskaxdaada keli ah kaasho.

Dalalka carabtu ma ay jecla in ay Soomaaliya dawladi ka dhalato, waxaana jira sababo ay ka mid yihiin in uu dalkeenna shidaal badani ku jiro, oo suuqa shidaalka lagu ciriiryayo iyo in ay rabaan in ay ina addoonsadaan, oo aynaan weligeen ka xoroobin. Sidaas awgeed saraakiil soomaali ah, oo ducaad isku sheega ayaa waxay Masar iyo Sucuudi u gudbiyeen in uu Cabdiqaasim haysto maafiyo loo adeegsan karo in aysan Soomaaliya weligeed xasilin. Arrintaas ayaa ugu weyn sababaha ay carabtu Cabdiqaasim lacagaha xad-dhaafka ugu qufaan. Waa xaqiiq in ay Soomaaliya ka jirto tuugo haddii xagga dhaqaalaha aad looga caawiyo diidi karta in uu dalkeennu xasilo, laakiin waxay maafiyadaasi moog yihiin in ay lacagta carabta uga fiican tahay in uu dalkoodu xasilo, oo shidaalkooda la soo saaro, halka ay tuugsiga iyo tuugnimada u xilanayaan.

Dalka Soomaaliya waxaa dumiyey saraakiil awliyo iyo ducaad ah, oo ka khabiirsanaa kuwii waddanka haystey, sida Siyaad iyo Samatar. Xeraha iyo firqooyinka ugu waaweyn Soomaaliya waxaa madax ka ah rag loo soo dirsaday in ay gudbiyaan sidii uusan dalku weligiis u horumareen. Dadku waxay eedeeyaan kuwa masaakiinta ah oo jabhadaha hoggaamiya, laakiin saraakiisha diinta ku soo gabbanaya waxaa loo yaqaan ”Culumo ilaahay”!

Maskaxda dadku waxay dullowdaa markii meel laga haysto, oo ay qofka asaaggiis qaar ama maskaxda oo dhan ka xadaan. Tusaale ahaan in uu qof weyni noloshiisa ku xiro xirsi, tahaliil, kunmayr, toosh iyo wax uusan fahamsanayn, laakiin uu khayr u malaynayo.

Horta qofku waa in uu qaataa ama sameeyaa wax uu fahmayo, ee wax uu dad ka maqlay oo uusan fahmin in uu iska dabogalaa waa addoonnimo, oo faciis ayuu maskaxdiisa ugu deeqay.

Waxaa ugu daran haddii uu qofku moodo in ay tahaliisha iyo marraha keli ahi yihiin wax qofka lagu siri karo. Arrimaha noocaan ahi dhawrkii sanaba waxay yeeshaan qaab hor leh, oo dadka loogu khatalo, oo kuwa qaabkii hore bannidaya laftoodu waxay ku beddelayaan hannaan kale oo ay dadka maskaxda kaga xadaan, xoolana kaga helaan.

Wax lagaa xado waxaa ugu daran maskaxdaada, waayo haddii alaab lagaala tago mid kale ayaad tabcan kartaa, laakiin maskaxdu waa adigii oo dhan. Waxaa jira dad muran badan oo aan ka duwanayn raadiye uu qof meel fog joogaa ka hadlayo.

Haddana markii adiga madaxa lagaa galo waxaa addoomo aadane noqonaya dadkii aad mas’uulka ka ahayd oo dhan, sida xaaskaaga iyo agoon aad adeer u tahay. Maskaxdu waa muhiim, waxaana lagu badbaadin karaa in uu qofku naftiisa xurmeeyo, oo uu waxii asaga la toosan ku socdo, dadkana u soo bandhigo, ee uusan raadiye noqon.

Xaqdarrada ugu weyn oo qof lagu sameeyaa waa in maxkasdiisa wax aan dan u ahayn laga buuxiyo, dabadeedna bulshada lagu soo daayo asaga oo aan fakarayn ee xuurtaysan, oo muran iyo qaylo badan.

Qofka soomaaliga ah maskadiisii waxaa la tegey qabiil iyo wadaad aan laftiisu maskaxdiisa ku socon, ee dano xaaraan ah dalkiisa ka fulinaya. Ciriirkaas ayey dadku ku jiraan oo aragtiyaha kala duwan ma ay xamili karaan.

Bogag badan oo internetka wax lagu baahiyo haddii aad furtid waxaad arki kartaa in ay intooda badani ciriir ku jiraan, oo uu mid kasta qof maskaxda laga haystaa leeyahay. Aragti yar oo qabiil ama kooxeed keli ah buu qof kastaa u dulqaadan karaa, ee in uu maskaxda ummadda isticmaalo ma uu awoodo. Xataa haddii uu qofka soomaaliga ahi arko aragti middiisa ka geddisan oo qof kale bog ku daabacay waa uu dhibsanayaa, oo wuxuu ku dadaalayaa in uu qoraagii cay u diro ama uu waraaq uu ku asaraarayo meel kale ku daabaco. Qofkaasi waa aaddoon aadane oo daciif ah, oo aan marna oggolayn in la kala duwan yahay.

Isriddinta iyo aragtiyaha badani waxay keenaan horukac, laakiin waa in uu qof kastaa oggolaado in uu khaldanaan karo, ee uusan u qabin in uu xaq ku taagan yahay, dadka kalena ay baadiyaysan yihiin. Isla markaas waxaa muhiim ah in uusan qof maskax furani la murmin qof ay dad asaaggiis ahi madaxa ka haystaan, oo raadiye lagu hadlo ah. Waxaa intaas dheer in aysan dadku xagga fahamka iyo xagga hadalka isku heer ahayn, oo ay intii isku tiiro ahi googgaalaystaan, si uusan qofna naftiisa qaaliga ah xaqdarro ugu samayn.

Waxaa fiicnaan lahayd in si buuxda loo fasaxo aragtiyaha bulshada si looga baaro bal in ay ku jiraan kuwa aan maskaxda laga haysan oo fakarayaa, laakiin dadka taas garanayaa waa in ay laftoodu marka hore yihiin kuwo ayagu fakaraya, ee aysan ahayn cawaan dhaqan kharaab ah iyo qabyaalad xin ah caabudaya, ama uu nin xero ku ootay.

Qof kastaa haddii uu aragtida shiikhiisa iyo midda qabiilkiisa meel ku uruursado, oo kuwa kale ka beri noqdo muxuu faa’iidayaa, muxuuse dad u kordhin karaa? Qabiilku waa waxa ugu weyn oo maskaxda dila, waana bad moolkeed uusan qof liitaa ka dabaalan karin. Haddii ay qofka maskaxdiisa qabyaaladi gasho ma uu fakari karo, waxna ma uu fahmi karo. Xaqdarrada ugu daran oo carruurta koraysa lagu sameeyaa waa in qabyaalad lagu ababiyo, oo aan in ay fakaraan la barin, ee dhaqan dibdhacay iyo tacasub lagu barbaariyo.

Ereyga ”Mucjiso” macnihiisu waa wax laga caajisey oo aan la awoodin in la sameeyo, oo ka baxsan awoodda caadiga ah ee qofka. Mucjisadu waa wax weyn oo uu qofku u jeedo, laakiin uusan waxba ka oran karin, waxna ka qaban karin. Haddaba anigu waa aan ka caajisey in aan faalleeyo sida ay mucjisada qabyaaladdu u xaalufiso qofka soomaaliga ah maskaxdiisa.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdillahi Hassan
Abdillahi Hassan
10 Bilood Kahor

Been ayaa sheegtay waligay ma arag waxa aad sheegtay usha safka ah waan soo arkay waa xaq daro ilmaha fahanka ku yar yahay sixun waa loo dilaa waa xaqdaro lkn mala yirahdo shaydan ayaa dufsaday ee waxa loo dilaa si uu sifiican isaga diyaariyo hal run baa sheegtay 1000 been baad ku dartay