Xeerashii Newton qaybtii u danbaysay

X
Kawnku waxa uu ku dhisan yahay “xeerar” aynu baadhi karno, heli karno walibana fahmi karno, arrintaasi waa muhiim waana arrin ah in qof walba niyadda ku hayo.

Tusaale, haddii Kuuriyada Woqooyi ay mid ka mid ah gantaalladeeda qaaradaha iskaga goosha(ICBMs) ku riddo Maraykanka taasi waxay caddayn utahay in injineerrada Kim Jong Un ugu yaraan fahmeen xeerasha cuf-isjiidadka iyo kuwa socdaalka(laws of motion), xeerashaasna waa kuwo uu newton dajiyay, xeerashaas laftooda ayay adeegsadaan injineerrada NASA, ESA iyo kuwa la midka ah markay dayaxa iyo meerayaasha kale gantaalo dhulka laga ganay ku tooganayaan si’ay halkaasi ugu diraan dad ama aalado.

Image may contain: one or more people and outdoor

Isla xeerashaasi ayaa sidoo kale kuu suuro galinaya inaad si jaan go’an uxisaabiso kubbad/banooni kasta oo aad laagto halka ay ku dhici doonto, waa haddii aad ogtahay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, xawaaraheeda, xagasha(angle) iyada iyo oogada dhulka, iwm.

Si kooban haddii loo dhigo xeerasha iyo qaaciidooyinka Newton waxa ay sharaxaayaan wax walba oo dhaqaaqa (marka laga reebo noolayaasha) waxa ayna qaaciidooyinkaasi kuu suuro galinayaan inaad xisaabiso mustaqbalka iyo taariikhda walxahaasi socda,

Tusaale taariikhda iyo mustaqbalka dayax-gacmeed amaba dhagax(asteroid) dhulka ku wareega, haddii aad hadda ogtahay halka uu joogo iyo xawaarihiisa waxad ogaankartaa halkii uu 8 bilood ka hor joogay iyo halka uu 900 oo sano/gu’ kadib uu joogi doono!

Newton iyo qaaciidooyinkiisii waxa ay ina tuseen in dunidu xeerar ku dhisantahay, waliba kuwo xisaabeed, arintaasi waxa ay ku qancisay jiilkii Newton ka dambeeyay oo uu saynisyahankii Pierre-Simon Laplace  ka mid ahaa inay intoodii badnaydi qaateen aragti/mawqif sayniseed lagu magacaabo Scientific Determinism oo odhanaya waxwalba oo dunida dusheeda yaala oo ay noolayaashu ku jiraa iyo xattaa dunida Dhanbad mustaqbalkeeda iyo tariikhdeedaba waa la xisaabin karaa waana la ogaan karaa, waa haddii aynu ognahay xawaaraha iyo meesha ay joogaan waxyaabaha ilimaqabatayda (Atomyada ama kuwa ka sii yar ee particleska ah ) ee ay walxaha dunidan oo dhan oo ay noolayaashu ku jiraani ka samaysan yihiin!

QORMO LA XIRIIRTA:  Tadawurku waa xaqiiqo cilmiya

Si kale haddaan udhigo waxa ay ragaasi ku doodeen in aan mustqabalka ogaan karno

Balse markii la isku dayay in la cabiro xawaaraha iyo meesha ay joogaan atomyadii ama particles-kii waxa soo baxday arrin amakaag iyo afkala qaad ku riday saynisyahannadii, waxay ogaadeen in xeerasha iyo hab-dhaqanka particles-ku si toos ah lid ugu yihiin xaqiiqada iyo sawirka dhan ee maskaxda biniaadamku kawnka ka haysto, halkaasna waxa ka dhashay cilmi dhan oo lagu magacaabo Quantum Physics oo aan isku dayi doono inaan wax ka dhaho qoraalada dambe.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments