Xifdinta iyo fahanku waa labo

X
Muslimiinta iyo dadka kale markii ay taariikh akhrinayaan waxa ay ku ka la duwan yihiin in ay muslimiintu sadarrada qoran akhriyaan oo xafidaan, halka dadka kale ay akhriyaan sadarrada dhexdooda. In sadarrada keli ah la isku koobo iyo sadarrada dhexdooda khabaar laga soo saaraa waxa ay ku ka la duwan yihiin in qofka sadarrada dhexdooda wax aan qornayn ka fahmayaa uusan khad xafidin ee uu aragti ku leeyahay dhacdooyinka laga hadlayo.

Tusaale ahaan haddii aad akhridid sidan ”Gaalo badan baa nin mucjisooyin ama karaamooyin leh cayrsadey si ay u dilaan, markaas ayaa midkii gaalada ugu soo horreeyey faraskii uu saarnaa labada jeeni ka jabay, waxa uuna jabitaankaasi ahaa mucjiso ninkaas la siiyey” waa in aad is oran kartaa ”Haddii uu mucjiso difaaci karta Eebbe siiyey maxaa mucjisadiisa ku koobay faras jeenyihiis muu nimanka cayrsanayey oo dhan wadnuhu wada istaago?”. In ay mucjisadaasi been la falkiyey tahay baa sadarrada dhexdooda ka muuqata.

Xagga qoraalka markii uu qof muslim ahi taariikh qorayo waxa uu muujiyaa in dadka uu wax ka qorayo uu qaar neceb yahay, qaarna uu jecel yahay. Dadka kale sidaas dareenkooda u ma muujiyaan ee waxa ay iska dhigaan in aysan dadka ay taariikhaynayaani ka la xigin oo waxa loo baahan yahay ay yihiin in la helo sooyaalkii dhacay ee aysan ahayn in uu qoraagu dadka qaar ku salliyo, qaarna uu nacalado. Waxa ay dadka badankoodu aamminsan yihiin in uusan qof qaadi karin masuuliyad uu taariikh ku qoro haddii ay caaddifaddiisa ka muuqato in dadka uu qorayo uu ka la jecel yahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe inuu nin yahay ma ogtahay?

Guud ahaan dhaqanka muslimiinta waxaa maanta ka muuqata fahmo darro iyo masuuliyad darro, waxaana laga yaabaa in ay ugu wacan tahay in uu muslimku aamminsan yahay in uu 100% xaq ku taagan yahay, dadka kalena ay 100% baaddil ku socdaan. Dadyowga kale ee dhulka ku la nool waa ay yar tahay in uu qof maanta aammino in uu xaq haysto, inta kalena ay xaqa bannaanka ka joogaan. Aragtidaas yaabka badani wax weyn bay yeeshaa qofka muslimka ah, waxa ayna ka mid tahay waxyaalaha dib u ridey ummadaha islaamka sheegta. Dad laga aqoon badan yahay oo laga xoog badan yahay oo iska aamminsan in ay dadka kale ka saxan yihiin waxa ay la mid yihiin qowmiyadda Masay oo isla fiican iyaga aan wax adduunyo ah faro ku hayn.

Waddamada warshadaha ku horemaray waa ay ku faraxsan yihiin sida ay muslimiintu yihiin, waxa ayna jeclaan lahaayeen in ay weligood sidaas ahaadaan. Sababtu waa dalalka wax iib geeyaa in ay mar kasta yaraadaan, halka kuwa aan wax soo saarin oo wax iibsadaa ay badnaan ku fiican yihiin. Muslimiintu waa dalal badan oo aan qayb weyn ku lahayn wax soo saarka, haddii ay ilbaxaanna waxaa yaraanaya wax iibsigooda, waxa ayna ku tartamayaan in ay wax soo saaraan oo dhoofiyaan. Muslimiintu dalalka horemaray dheef bay u yihiin ee dhib ku ma hayaan, shiddo weyna loo ma arko in qaraxyo la dhigdhigo meelo u badan caalamka islaamka. Waxaa wax weyn ah in qof kasta oo muslim ahi uu u baahan yahay qalab badan oo uu iibsado isaga oo aan lahayn maskax uu wax ku soo saaro.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhabta iimaanka (hanuunka)
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
amin
amin
4 Bilood Kahor

Beenta dadka kadaa somaali la khaldaa tahay miyaa mise waad soo turjuntay