Xiisaha Nolosha

X
Nolosha dadka hal wax baa tayo u yeela, waxaasina waa in qofka laga qariyey mustaqbalkiisa iyo waxa uu barri iyo saaddanbe mudan doono. Haddii qof loo caddeeyo maalmihiisa soo socda oo tusaale ahaan loo sheego in uu 100 sano ka dib dhiman doono uuna boqolkaas sano ahaan doono dadka qofka ugu hodansan oo ugu magac dheer, isla markaas maalin kasta waxa uu samayn doono iyo meesha uu joogi doono loo caddeeyo waxaa hubaal ah in uu jirranayo oo uu naxayo, waayo qofku waxa uu rabaa in aan la caddayn goorta uu dhiman doono iyo mustaqbalkiisa oo noloshiisu ma leh macne aan ahayn in uu ka horreeyo mugdi aan waxba laga ogeyn oo la iska halgamo ilaa la dhinto. Waxa kale oo nolosha lafdhabar u ah tartan aan la garanayn cid guulaysan doonta, waxaana tartankaas iidaan iyo agab u ah xaasidnimada, xiqdiga, nacaybka, xanta, cayda, madaxnimo jacaylka, caannimo jacaylka, magac jacaylka, ammaan jacaylka, faanka, islaweynanka iyo waxyaalo badan oo ah tartan iyo halgan nolosha loogu jiro oo la’aantood aysan nololi jirin. Halgan la’aan iyo mustaqbal mugdi ah la’aantiis nolol adduun ma jiri karto, waxyaalaha ay xaasidnimada iyo xantu ka mid yihiin oo aynu kor ku sheegnayna waa halgan dabiici ah oo dadka abuurtooda ka mid ah oo aysan suurtagal ahayn in la noolaado la’aantood, isla markaas aan la deyn karin xataa haddii diin lagu soo dejiyo in ay xun yihiin, waayo waa abuur aadane ee ma aha wax laga fogaan karo oo dadka ka baxsan. Waxaa la hubaa wadaadka xagga diimaha ugu taqwada badani in uu u halgamo sidii uu u noqon lahaa shiikha ugu magac dheer oo ugu mudan wadaaddada dunida, halgankaasna uu u maro xaasidnimo, xiqdi, xan iyo waxyaalaha dadka dabcigooda ah ee tartanka nolosha ah.

Haddii ay dadka aynu adduunka ku aragnay noloshoodu sidaas tahay aakhiro maxaa laga sheegay? Horta marka kowaad qofka aakhiro jooga mustaqbalkiisa ayaa shaaca looga qaaday oo haddii uu naar joogo waxaa loo sheegay in uun dab lagu shidayo weligiis oo dabkaas lagu celcelinayo, haddii la janneeyana waxaa loo sheegay in uu jannada cunto, cabbitaan iyo galmo ku samaynayo weligiis isaga oo aan halgan samayn oo cuntada iyo galmada aan dhib u marin ee loo sakhirayo. Waxaa kale oo la sheegay in dadka jannada jooga maskaxdooda laga saaray astaamihii halganka ee ay ka mid ahaayeen isnacaybka, xiqdiga iyo xanta oo la’aantood aysan nolol adduun socoteen. Waxa aynu aragnay dabeecadda dadku in aysan rabin in loo sheego mustaqbalkooda oo haddii laga dhigo mustaqbal si kasta raaxo u leh uu sheegitaanku raaxadii ka dilayo oo in la sheegaa ay bi’inayso hammiga iyo hiigsiga dadka, isla markaas ay abuurta dadku tahay in ay halgamaan oo wax ka la riixdaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Saaxiibtinimada

Haddii aynu naarta ku soo koobno in ay xumaan tahay maaddaama uusan jirka dadku dab in lagu gubo jeclayn oo aynu fahanno in looga jeedo in dadka la naarayo lagu sameeyo wax ay dabeecadda dadku neceb tahay si loo dhibo waxaa isweydiin ah jannadu in ay tahay sidii ay dabeecadda dadku jeclayd? Dadka aynu adduunka ku aragnay dabeecaddoodu sidii ay rabtey oo ay kow ka tahay in mustaqbal aan la garanayn loo tartamaa jannada ka ma jiro.

Tartanka iyo halganka dadka haddii meesha laga saaro oo wixii la mudan lahaa shaaca laga qaado waxaa hubaal ah in dadka oo dhammi ay maskax ahaan u jirran lahaayeen adduunka. Cunto iyo galmo sakhiran oo qofka loo caddeeyey mustaqbalkiisu ma noqon karaan tayo nololeed, waayo iyagu sida ay dadka dabeecaddooda uga mid yihiin ma aha si ay iyagu yihiin yoolka nolosha, waxaana dadka dabcigooda cuntada ka macaan xanta iyo xaasidnimada.

Cuntada waxaa xoogaa xiiso ah u yeelaa in lacagtii lagu soo iibin lahaa la shaqeeyo iyo in la kariyo oo haddii uusan halgan ku jirin dabciga dadku waa uu ku jirran lahaa, isla markaas galmada waxaa qiime u yeela halganka shukaansiga ama xodxodada oo dadku waxa ay jecel yihiin qofba midka uu ka shukaansi adag yahay ee qofka sakhiran la ma jeclaado. Waxaa la caddeeyey dadka wada nool galmadoodu in aysan dadka xiiso weyn u lahayn oo dadku ay jeclaan lahaayeen maalin kasta in ay helaan galmo cusub oo uu shukaansi adagi ka horreeyey, oo dadka wada nool duruufo kale ayaa isu haya ee ma aha sidii ay dadku jeclaan lahaayeen. Sidaas awgeed raaxada noloshu waa halganka aan meel uu ku dhammaanayo la ogeyn iyo tartanka ee cuntada iyo galmadu iskood raaxo u ma aha haddii la eego damaca dadka.

QORMO LA XIRIIRTA:  Mindida waqtigaa af-tira (1/2)

Waxaa laga yaabaa in ay dad ku doodaan in dadka jannada la geynayo loo yeelayo abuur aan ahayn middoodii adduunka oo maskaxdooda iyo dareenkooda laga saarayo halgalka iyo tartanka si ay u noqdaan dad ku qanca in cunto iyo galmo loo sakhiro oo aysan fakarin, laakiin waxaa dooddaas burinaysa in dadka iyaga oo dunida jooga la sheegay in loogu bishaareeyey waxyaalo ay maanta raaxo u arkaan oo aan loo sheegin in abuurtooda la beddeli doono. Waxyaalo aan maanta raaxo ahayn in loogu bishaareeyo ma ay fahmi karaan oo waa in dabcigooda laga duulaa markii loo bishaaraynayo. Dadku halgan iyo tartan ul mugdi ku tuur ah bay adduunka raaxo rasmi ah u yaqaanniin oo ay nashaad ka helaan, taas ayaana ah dabeecadooda iyo rabitaankooda dhabta ah inta aynu og nahay, wixii aan sidaas ahaynina waa falsafo ka la dhimman oo in dib loogu laabto u baahan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Wanaag bidhaanshe
Wanaag bidhaanshe
1 Sannad Kahor

Waa aragtiyo cajiib ah
Qiimaha nolasha ayaa ah halganka