Diinta Yuhuudda (Judaism) waxaa la sheegaa in ay tahay tan ugu facaweyn saddexda diimood ee sheegtay in meel sare oo cirka ka mid ah ay ka yimaaddeen.
Sidaas oo kale diinta Hinduusku waa tan ugu facaweyn diimaha dunida ka jira oo dhan marka la isku daro kuwa cirka ka soo dhacay iyo kuwa dhulka ka soo foocay. Haddaba xiriir intee le’eg baa ka dhexeeye Yuhuudiyadda iyo Hinduuska, sidoo kale xiriir intee le’eg baa ka dhexeeya Hinduuska iyo diimaha kale?
Yuhuudiyadda waxaa la yimid nin la yiraahdo Muuse oo bariga dhexe u dhashay, Muusa wuxuu ku soo koray guriga cadowgiisa Boqor Fircoon. Diinta Hinduuska waxaa la yimid Kirishnaa oo ah nin bariga fog ee Aasiya u dhashay, Kirishnaa wuxuu ku soo koray guriga cadowgiisa Boqor Singaadhuutraa.
Muuse hooyadii markii ay dhashay ayay sanduuq ku ridday oo badda raacsiisay, Kirishnaa hooyadii markii ay dhashay aabbe la’aan ayay ceebtii ka baqday oo webiga raacsiisay.
Muuse wuxuu la yimid mucjiso af-kala qaad noqotay oo ka facweyn aqoontii sixirka ee ay markaa bulshada reer Masar ku falnayd oo iyaga ula muuqatay sixir kooda ka weyn, Muusena waxay u aqoonsadeen sixiroole xariif ah, sidoo kale Kirishnaa wuxuu la yimid mucjisooyin ay bulshadiisii sixirka ku falnayd sixir ku sheegeen oo ahayd mas Kobra ah, marna dameer uu fuulo ah, halka Muusena si lamida Kirishnaa uu la yimid mas marna ul uu ku tukubo ah, marna adhiga uu manka, qabcada iyo dhimbiisha ugu lusho.
Muuse dhawaaqa hadalkiisu wuu adkaa in la fahmo oo wuu carrab la’aa ama sida la sheego dab uu afka ku qabsaday baa carrabka naafeeyey, waxaana u hiiliyey walaalkii Haaruun oo isagu ka af miishaarsanaa kana hadal oran ogaa. Kirishnaa ibtilo ayaa dhanka hadalka ka haysatay oo af-garooc buu ahaa, illaa uu u gar-gaaray saaxiibkii Raaj Behaabtum.
Muuse oo jooga buurta Siinaay
Muuse waa ka buurta Siinaay tegaya dabkuna u iftiimayo ee isaga oo raba in uu dab ka qaato la farayo in uu kabaha bixiyo oo loo sheegayo in uu joogo tog barakaysn oo ku yaal buuraha Siinaay sida ay qabaan diimaha Ibraahiimiyadu, kadibna loo waxyoonayo. Kirishnaa wuxuu tegayaa buurta Saanjaadhatruu isaga oo kaah weyn arkay oo raba in uu ka war doono, waxaa loo sheegayaa in uu kabaha siibo oo uu joogo buuraleyda barakaysan.
Bulshada Yuhuuddu waxay rumaysan yihiin in ay aadanaha kale ka fadli badan yihiin, Bulshada Hinduuskuna waxay rumaysan yihiin in uu Alle ka doortay Aadanaha kale.
Labadan diimood waxay kala horreeyeen wax ku dhaw dhawr kun oo sano, maxay tahay is le’ekaanta taariikheed ee intaas le’eg?
Diinta Masiixiyadda/Kiristanka
Waxaynu soo aragnay xiriirka wayn ee ka dhexeeya labada nin ee dhagax dhigay diimaha Hinduuska iyo Yuhuudiyadda, Immikanu aynu eegno xiriirka ka dhexeeya diinta labaad ee Ibraahiimiyada iyo Hinduuska.
Ciise ama masiixu wuxuu dhashay aabbo la’aan, Kirishnaa wuxuu dhashay aabbo la’aan. Masiixa waxaa dhashay gabar bikro ah oo aan la fara-saarin, Kirishnaa waxaa dhashay gabar bikro ah oo aan habeenna loo dhididin, Kirishnaa hooyadii waxay ahayd saddex iyo toban jir markii ay dhalaysay, waxayna u doonnaneyd nin nijaar ah, Marry ama Maryam oo Ciise hooyadii ahaydna waxay ahayd saddex iyo toban jir markii ay Masiixa dhashay, waxayna u doonnanayd nin nijaar ah.Kirishnaa wuxuu ka dhashay bulsho sabool ah, Masiixu wuxuu ka dhashay qoys sabool ah oo aan beerkood beer ka xigin, Kirishaa isaga oo gogosha saaran buu hadaaqay, Masiixna isaga oo gogoshii lagu dhalay saaran buu hadaaqay oo sheegay in uu yahay ruuxdii Alle (sida Islaamku qabo).
Kirishnaa wuxuu ku geeriyooday da’ yar oo soddon iyo saddex sano ah, Masiixuna wuxuu ku geeriyooday ama samada loo la buubay isaga oo soddon iyo saddex sano jira.
Kirishnaa wuxuu ahaa sabool aad u dhibban oo aan lahayn hoy uu u hoydo oo halkii ay cad-ceeddu ugu dhacdo ayuu u hoyan jiray, Jesus ama Ciisana sidoo kale.
Magaca Kirishnaa iyo magaca masiixa ee Chirst isku ekaa! Waxaa xusid mudan in diinta Hinduuska ay illaa afar kun oo sano ka horraysay masiixiyadda, haddana waa maxay isku ekaanshaga heerkaa gaarsiisan?
Diinta Islaamka
Muslim ka barakaysanaya dhagaxa madaw.
Diinta saddexaad ee diimaha Ibraahimiyada loogu yeero waa Islaamka, Maxammed nin la yiraahdo oo ahaa ganacsade dal-mareen ah oo ku noolaa qarnigii lixaad lama dagaanka carbeed ayaa aasaasay. Muxammed wuxuu sheegtay in uu yahay kii ugu dambeeyey nebiyada sida Kirshnaaba sheegtay, Maxammed wuxuu ka soo qaxay deegaankiisi, Kirishnaa wuxuu ka soo qaxay gobalkiisii oo meel kale ayuu baroosinka dhigtay, Maxammed waxaa hiil badan iyo hoo ba u galay saaxiibkii Abu-Bakar, Kirishnaa sidoo kale saaxiibkii Raaj Behaabtuun ayaa dhuuxa u shubay.
Muxammed wuxuu guursaday xaasas badan oo la gaarsiiyo tiradooda 13 kadib dhimashada xaaskiisii ugu horraysay ee Khadiija Bint Khuwaylad oo ahayd haweenay in badan isaga ka da’ waynayd, sidoo kale Kirishnaa wuxuu guursaday haweeney isaga in badan ka da’ weyn iyo tiro toban dumar ah oo uu guursaday geerideeda ka dib (markay dhimatay xaaskiisii weyneyd).
Maxammed wuxuu guursaday gabar sagaal jir ah oo Caasha la yiraahdo isaga oo 50 sano dhaafay, markii uu Maxammed hoysanayay cunugta Caasha waxay gacanta ku wadatay caruusad (alaabaha yar-yar ee ay caruurtu ku ciyaaraan), Kirishnaana isagna waxa uu guursaday canug yar oo aan qaan-gaarin.
Maxammed wuxuu sheegay in cirka loo la buubay (Dhacdada Israa’ wal micraaj), Kirishnaa wuxuu sheegay in cirka loo la buubay si loogu soo waxyoodo, Maxammed wuxuu aakhirkii diintiisii ka dhigayaa dawlad cago adag ku taagan oo marka uu geeriyoodo ay ka dhaxlayaan saaxiibbadiisii afarta ahaa, Kirishnaa wuxuu diintiisii ka dhigayaa dawlad adag oo ay ka dhaxlayaan afartiisii saaxiib.
Waxay wadaagaan Islaamka iyo Hinduusku dhacdooyin, dhigaallo iyo caadooyin badan. Haddaba maxay tahay saameeynta intaas le’eg ee ay Hinduusku ku leedahay diimahaan cirka ka yimid ee iska soo daba dhac-dhacayey? Ma dhici kartaa in Hinduusku tahay diintii ugu horraysay diimaha oo ay ka wada dheegteen dhaqannada iyo dhacdooyinka? Kirishnaa ma ahaa macallinkii nebiyada?
Diinta Buudiisamka
Budhaa
Buudismka waa diinta afraad ee ugu wayn diimaha ka jira maanta adduunka, dadkan diintan haysta waxa lagu qiyaasaa 520 Milyan, Buudha oo ah dadka raacay ay ugu yeeraan Macallinka ayaa aasaasay diintan 2500 sano kahor.
Buudhaa iyo iyo Kirishnaa isku deegaan bay ka soo bexeen, waxayna Hinduusiyaddu diintaas ku leedahay saamayn weyn oo muuqata dhinacyo badan.
Diinta Maaniyada
Nabi Maani
Diinta Maaniyadda waxaa la yimid Maani bin Futk oo Baabil ka soo baxay qarnigii saddexaad. Maani wuxuu ahaa kan nebiyada ugu xarfaansan wuxuu isku darsaday af-miishaarnimo, qoraa, farshaxanimo, sidoo kale Kirishnaa wuxuu ahaa gabyaa, qoraa iyo farshaxaniiste laakiin sidii Maani ma jeedin jirin khudbado madaxa loo ruxo qoortana loo laad-laadiyo.
Kirishnaa iyo Hinduusiyaddu xiriir intee le’eg bay ku yeesheen xitaa diimaha aanay kuwa cirka sheegtaa u aqoonsaneyn in sidooda oo kale cirka laga soo ganay?
Islaamka iyo Masiixiyadda waxaa ka dhexeeya isku ekaan aad u weyn iyo is shabbahaadda Buugga Baybalka iyo Buugga Quraanka. Ma is tiri diimaha oo dhan dadka ayaa tumay oo ka maarmi waayey in ay kala dheegtaan? Haddii diimaha oo dhami ay Kirishnaa iyo xariifnimadiisii ka faa’iideysteen, Kirishnaa isna xaggee buu ka keenay oo kuma ayuu ka dheegtay?
Diimuhu waa sida badaha dunida, waa kala magacyo laakiin waa isku mid oo waxay leeyihiin xuduud furan, waa kala magac laakiin waa isku dhadhan dhankaad ka darsataaba.
Diimaha oo dhami waxay u soo degeen in ay u adeegaan dadkii ay u soo degeen oo ay jideeyaan noloshooda balse markii ay dhinteen kuwii la yimid ayay goobtii barakaysnayd ku falaadeen kuwii rumaysnaa oo ciyaalkii baa cago dhiiqo leh la galay masaajiddii, kasiinadihii, macaabiddii barakaysnaa oo way fadareeyeen carruurtii cagaha dhiiqada ku lahayd.
Ma dhici kartaa in muddooyin ka dib ay dunida timaaddo diin sida kuwaas u fac weyn oo u og? Xiriir intee le’eg bay iyana la yeelaynaysaa Hinduuska oo ah aabbohood iyo diimaha kale? Ma saadaalin karnaa diimaha soo socda? Diimo dhaqameedyadeenna Afrikaanku maxay la wadaagaan Hinduuska? Maxay sida kuwa bariga dhexe sidaa ugu faafi waayeen oo maxaa qoqobka ku xiray? Asalkaba maxaa innageenna mad-madow meel walba inaga reebay?
Subxana allah .
Wxad hadashaba ma wxad kusoo gaba gabaysay
Diin aynu samaysano
sida qoraalkaga Aan ka dhadhamiyay
Adeer hadaad diin laawe tahaY waa yeelka
Cida fikirkaaga qadhmuun kaa qadanaysaana
Ma jirto
Diinta islamkuna inay tahay diin xaqa cid waliba
Way ogtahay
Been abuurka aan xadka lahayn eed alle iyo rasuulkisan ka been abuuranaysana
Hadaydaan iska dayn
Wlhi waad heli doon taan goor aan fogayn
Yuhuuddii hore waxa ay ka warhayeen dhulalka Bariga dhexe, Khaliijka, Yaman iyo Masar, waxa ayna mari jireen dhulalkaas oo dhan. Waxaa caadooyinkooda ka mid ahaa in ninkooda suldaanka ah ama halyeyga ah ay ku sheegaan ”Nebi” oo laga wado in uu ku xiran yahay Eebbe. Ninkii talo fiican keena ama dagaal geesinnimo muujiya oo iyaga ka mid ah waxa ay u haysteen in uu nebi yahay oo uu xagga Eebbe ka...
Af soomaaliga waxaa ka muuqata in uu yahay luqad fil weyn oo xilli aad u dheer jirtey oo geeska Afrika lagaga hadlayey muddo ku siman ilaa gooshkii Faraacinada, waxaana la caddeeyey in afkii Faraacinadu uu ahaa afka Kushitiga, waxa ayna boqortooyadii Faraacinadu geyiga afrikada Bari iyo Woqooyi ka talinaysey 5000 (shan kun) oo sano. Waxaa la malayn karaa in Kushitigu uu waayadaas hal luqo ahaa...
Aduunkan aan ku noolnahay waxaa inagula nool balaayiin dad ah oo aynaan af, caado, degaan iyo dhaqantoona wadaagin wax walbana aan ku kala duwanahay. Kala duwanaanshuhu waa qurux waana waxyaabah nolosha micnaha u yeela. Waxaan awoowayaasheen iyo waalidkeen ka dhaxalnay diin ay la yimaadeen qolo aynaan dhaqan af iyo degaantoona wadaagin iyaga laftooduna waa waalidkeen ee waxay ka dhaxleen...
Haweenka sida loo arkayey guud ahaan caalamka iyo darajada ay ku lahaayeen bulshooyinka iyo xuquuqda loo ogolaa waxay soo martey maraaxil badan oo kala duwan. Ummaduhu waxay abuuraan khuraafaddo fara-badan oo qaarna la diimeeyo marka danbe kuna haraan qalbiga dadka, kuwana uu socodka waqtiga tirtiro raadkooda. Dadku markay arkeen in hooyadu wax dhasho kaligeedna wax dhasho waxay u qaateen in...
Inkasta oo aqoonyahankii iftiinku u badnaayeen rag sababo jira awgood,hadana waxaa jira haween kaalin mug-wayn ka qaatay dhaq-dhaqaaqaas. Hadaba waxaan jeclaaday in aan halkan ku xuso qof aan u arko in uu muhiim u yahay iftiiminta cilmiga suugaanta iyo falsafada, waa Mary Shelley.
Taariikhda Imbaraadooriyaddii Roomaanku waa mid aadan marna ka xiiso beeli karin. Waa taariikh kayn ah oo aad wax walba ugu tagayso. Wakhti boqol sano ka yar ayay sagaal iyo laabatan boqor yeelatay. 29-kaas afar ka mid ah keliya ayaa si caadi ah u dhimatay, inta kale waa qaar la sumeeyay, qaar la daldalay, qaar la waayay iyo qaar naftooda la baxsaday. Laga geyoon maayo in la ga sheekeeyo...
Subxana allah .
Wxad hadashaba ma wxad kusoo gaba gabaysay
Diin aynu samaysano
sida qoraalkaga Aan ka dhadhamiyay
Adeer hadaad diin laawe tahaY waa yeelka
Cida fikirkaaga qadhmuun kaa qadanaysaana
Ma jirto
Diinta islamkuna inay tahay diin xaqa cid waliba
Way ogtahay
Been abuurka aan xadka lahayn eed alle iyo rasuulkisan ka been abuuranaysana
Hadaydaan iska dayn
Wlhi waad heli doon taan goor aan fogayn