Xoriyadda iyo Masuuliyadda

X

Xoriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa “Soren kierkegaard”. Tan iyo intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey culumada taariikhda falsafadda uu kamid yahay faylasuufkii Jarmalka ahaa  ee “Friedrich Hegel”. Midda ugu horraysa oo ah xorriyad ku kooban dad yar ama tirsan sida boqorrada, ragga diinta iyo wixii lamida. Tan labaad oo ah xorriyad ku kooban qayb ka mida bulshada sida hantiilayaasha iyo dadka wax hogaamiya ama siyaasiyiinta iyo wixii lamida. Tan ugu danbaysa oo ah in dadkoo dhami ay xor ahaadaan taasoo ah tan hadda wadamo badan oo adduunka kamida ka jirta gaar ahaan dunida galbeedka.

Inkastoo markasta xoriyaddu tahay muhiim, hadana waxaa jira in bulsho kastaa ay leedahay hannaan ugooniya ay ku muujiyaan xoriyadda iyagoon marnaba ka dhex baxayn xeerarka iyo anshaxa ugaarkaa ee qoran iyo kuwa aan qornayn “formal and informal”. Sidaas darteed waxaa dhici karta wax waddan xorriyad ka ah inay waddan kale danbi ka yihiin, waana hubaal inay jiraan tusaaleyaal badan oo noocaas ah. Waxaa kamida tusaaleyaashaas sida hadda dunida islaamka iyo dunida galbeedka loogu kala aragti duwan yahay marka ay timaado dhaliisha diinta. Waana meesha ay xurriyaddu masuuliyad ku noqonayso sida uu sheegay faylasuuf “Soren kierkegaard”, sababtoo ah xil ayaa qofkasta kaa saaran dhowrista iyo ilaalinta sharciga iyo xeerarka u yaal dadka kaa duwan iyadoo laga yaabo inay mararaka qaar ka soo horjeedo diintaada dhaqankaaga iyo fikirkaaga gaarkaa.

Sidaa darteed haday xoriyaddu tahay mid markasta la socotaa hab nololeedka iyo fikirka bulshooyinku kala leeyihiin. Soo hadana taasi muhiim kama dhigayso inuu jiro dulqaad iyo ogolaansho in loo yeesho fikradaha kaa soo horjeeda ama kaa duwan. Si looga baaqsado in laba dhinac lakala istaago oo uu halkaas ka dhasho iska hor imaad ama khilaaf wax u dhimi kara xiriirada u dhexeeya dadka iyo bulshooyinka.

Ugu danbayn, waxaa oran karnaa in xoriyaddu mararka qaar noqon karto seef laba af leh taasoo waxna lagu xumayn karo waxna lagu hagaajin karo. Taas oo ka dhigaysa haddii xoriyadda la raaciyo masuuliyad in wax lagu hagaajin karo haddii laga reebo masuuliyaddana in wax lagu xumayn karo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Hanad
Hanad
22 Maalmood Kahor

mahadsanid

W/Q: Dheeman Luul