Xulashada Dabeecadda (Natural Selection)

X

Waxaan isku dayi doonaa inaan wax ka tilmaamo dabiicadda iyo qaabka ay u saamayso jiritaanka noolaha iyo tafiirtooda. Waxaad ila fahantaa marka hore hordhacan kooban:

Noole kasta waxa aasaas u ah (DNA) oo laga dhaxlo labada waalid. DNA-du waxay ka koobantahay afar qayb dhismeedyo oo loo yaqaan Nucleotides kala ahna [ Adenine (A), Thymine (T), Guanine (G) iyo Cytosine (C) ]. Qayb-dhismeeyda aynu sheegnay labo-labo ayay isugu xidhmaan, tusaale : (A-T), (C-G), (A-T)  iyo (G-C).
Qaabka ay u habaysan yihiin (Isugu xig-xigaan) ayaa u taagan macluumaad (Cord) oo hadhow marka la tarjumo laga tixraaci doono Qaabka ay isugu xig-xigiyaan Amino Acids-ku, kuwaas oo laga samayn doono Protein-nada shaqooyinka faraha badan ka qabta jidhka. (DNA – mRNA {transcription}, mRNA – AminoA {Translation}, Amino Acids – Proteins).

Is bedellada iyo khalkhalka ku dhaca qaabka ay isugu xig-xigaan Nucleotides waxa loo yaqaan Mutation. Is-bedelkaasi haddii uu baaxad wayn yahay inta badan wuxuu keena cudurro halis ah sida Kansarka. Mutation oo dhan cudur ma keeno, qaarbaa noolaha faa’ido uu qayrkii dheer yahay siin kara. Mutation-ka ama is bedelka ku yimaada hidde-sidaha inta badan waa nasiib, oo khalkhal yar oo dhaca marka la minguurinayo (copy) DNA ayuu ka iman karaa, ama deegaanka kugu xeeran ayaa sababi kara hadii shucaac (radiation)  uu leeyahay.

Hadaba, doorsoonka ku dhacaya gene-ka (Qayb hoosaad DNA-da ka mida) haddii uu aad u yaryahay waxa uu si balaadhan uga qayb qaataa Evolution-ka. Tusaale ahaan shabeelka noloshiisu waxay ku tiirsan tahay ugaadhsiga xayawanaada kale. Waxyaabaha u saamaxaya inuu sii noolado waxa ka mid ah qaabka uu u samaysan yahay jidhkiisu. Haddii aanu lahayn muruqyo awood badan oo u ogolaanayo inuu xawaare dheer ku ordo, ma uusan gaadheen ugaadha, sidoo kale ma sii nooladeen oo gaajo ayuu u dhiman lahaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Saadaashii dhabawday ee Daarwiin

Laba shabeel oo hidde-sidaha (gene) qaabilsan dhererka cidiyaha is bedel (mutation) kaga dhacay ayaa isu tagay (Mate). Labku waa ciddiyo gaaban yahay, dhediguna waa cidiyo dheer tahay. Waxay dhaleen afar shabeel oo yar-yar. Saddex ka mid ahi waxay dhaxleen hidde-sidihii Aabaha oo waxay yeesheen cidiyo gaa-gaaban. Midka soo hadhayna wuxuu dhaxlay hidde-wadihii hooyadii oo wuxu yeeshay cidiyo dhaadheer.
Shabeelada cidiyohoogu gaaban yihiin tafiirtoodu dheeraan mayso, waayo ugaadha ayaa si fudud uga baxsan karta, waxa laga yaabaa inay gaajo u dabar go’aan. Laakiin midkii gene-ka cidiyaha dheer dhaxlay, uu ka badbaadi ogyahay walaalihii, oo ugaadhu ka baxsan mayso, si caadiya ayuu u quudanayaa. Boqolaal kun oo sanno kadib, waxa laga yaaba deegaanka wixii shabeel ku noolaa oo dhami inay yeesheen cidiyo dhaadheer. Kuwii cidiyo gaabnana inay dabar go’een.

Dabiicaddu waxay nolol u ogolaata oo ay doorbiddaa kan isla badeli kara ee la qabsan kara deegaanka uu ku nool yahay, kan kale aa aan isla badali karin meesha way ka saartaa.
Dabiicadu waa waxa keenay inay dabar go’aan shabeelki cidiyaha gaabna. Hadii shabeelku horumar sameeyo ugaadhuna horumar ayay samaysaa oo dareenkii urta iyo orodkii ayaa sii wanaagsanaada. Waa xisaab isku dheeli tiran, haddii mid laga tabar badan yahay, wuu ka baxaa meesha.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments