Yaa diiddan cilmaaniyadda Soomaaliya?

Y
In diinta islaamka iyo dowladda la ka la saaro waxaa diiddan wadaaddada Wahaabiya ee wadaaddada kale waa ay oggol yihiin. Dariiqooyinka iyo suufiyadu wax shar ah ku ma hayaan soomaalida, laakiin dib baynu ka faallayn doonaa ka la duwanaanta firqooyinka.

Wadaadkii ugu horreeyey ee soomaali ahaa ee sheegay in uu xukun u oomman yahay waxa uu ahaa Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin isagu ma uu sheegin in uu shareeco iyo diin xukun ku raadinayo ee waxa uu sheegay in uu isagu soomaalida xukumayo, ciddii in uu xukumo diiddana uu dilayo oo dhacayo oo caayayo. Maxamed Cabdulle Xasan ma uu aamminsanayn in dadka diin lagu xukumo ee waxa uu rumaysnaa in uu dadka xukumo nin keligitaliye ah oo laaya ciddii xukunkiisa diidda. Waa isla fakraddii uu qabey Maxamed Siyaad Barre, waana aragti ay rag badan oo caalamka soo maray qabeen.

Soomaalida waxaa xilli dheer diinta u qaabbilsanaa wadaaddo aan shar badnayn oo muran badnayn. Wadaaddadaasi dadka talada siyaasadda haya ku ma ay qabsan jirin oo hadba sida ay dadku yihiin bay wadaaddo ugu ahaayeen. Waxa ay ahaayeen dhakhaatiir xoolaha iyo dadka diin ku daweeya. Waxa ay isu guurin jireen labadii qof oo raba in ay diin isku guursadaan. Waxa ay qaadi jireen heeso carabi ah oo nebiga iyo awliyada lagu ammaanayo oo aan cidna lagu aflagaadhaynayn. Maalmaha ciidda waxa ay jeedin jireen hadallo aakhiro iyo waxyaalo kale ku saabsan. Ma ay samayn jirin fawdada lagu magacaabo “Amarka wanaagga iyo diiddidda xumaanta” oo ah in dad meel jooga la maago oo fadqalallo bulshada lagu sameeyo. Waxa ay oggolaayeen heesaha iyo ciyaaraha tiyaatarrada, dhaqanka ummaddana ma ay dhaleecayn jirin. Madaxda iyo siyaasiyiinta la ma ay murmi jirin ee waxa ay u samayn jireen duco iyo beloxijaab. Shareecadda waxa ay fiirin jireen markii xoolo la dhaxlayo iyo markii dhibbaan ama dhaawacyo ay dad ka la gaaraan, laakiin dadka ku ma ay khasbi jirin shareecadaas ee dadka ayaa u la tegi jirey. Waxaa laga yaabaa intaas lafteeda in aan wadaaddo looga baahnayn oo dhaxalka iyo dhibbaannada ay barlammaannadu sharci diinta ka fiican ka soo saaraan si aysan caddaalad darro u dhicin oo casriga loo waafaqo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxay isku diidan yihiin ururada Al-shabaab iyo Al-Ictisaam?

Ummadda oo diintaaas nabadda iyo wanaagga ah haysata ayaa waxaa timid diin kale oo muran iyo fawdo ah oo xataa laga murmayo sida ay dadku surweellada iyo macawisaha u xirtaan iyo garka iyo shaarubbada ragga. Waxaa dumarka lagu soo rogey in ay dhar ahaan u xirtaan kiishash madmadow oo quruxda haweenka lagu la dirirayo, waxaana la sheegaa in ay diinta saxda ahi sheegtay in uu Eebbe qurux badan yahay, quruxdana uu jecel yahay. Kiishashka dumarka loo geliyey aad bay u foolxun yihiin. Waa diin fawda ah oo aan rag iyo dumar midna u oggolayn in ay si qurux badan u lebbistaan.

Ragga waxaa lagu soo rogey in uu surweelkoodu canqawga ka sarreeyo oo uu kubka joogo, waxaana la soo daliishadey in uu nebigu sidaas u lebbisan jirey! Sidaasi waa foolxumo ee ma nebigii baa foolxumaa? Ma dumarkii nebiga ayaa kiishash foolxun gashan jirey? Diintaas fawdada ahi waxa ay ku saabsan tahay nolosha oo dhan oo dadku wax nefis ah heli mayaan, waxaana ugu daran in ay Wahaabiyadu rabaan in waddamada caalamka oo dhan diintoodaas lagu mideeyo oo uu dhammaantood xukumo carab sucuudiga joogaa! Ma ku la tahay in dalalka oo dhan ay kooxdaasi qabsan karaan oo ay hoos geyn karaan wadaad sucuudiga jooga?

Waxa ay dadka u diideen in ay heeso qaadaan ama ay fan dhegaystaan. Halkan lagu ma soo koobi karo waxyaalaha ay sheegeen ama ay sameeyeen, waxaana ka mid ah in ay sharciga ay barlammaanku sameeyaan ku tilmaamaan “Munkar” ama wax liita, oo ay rabaan in la waafajiyo kitaab Wahaabiya ah oo aysan carabtuba ku dhaqmin. Waxa ay la dirireen wadaaddadii jiri jirey oo diinta deggan oo khayrka ah hayey oo waxa ay gaarsiiyeen in ay mushrikiin ku tilmaameen. Meel kasta oo uu qof iyaga ahi joogo waxaa ka socda muran iyo cay dadka lagu maagayo in ay gaalo iyo faasiqiin yihiin, waxaana la daliishanayaa carabi gaboobey oo aysan carabtuba casrigan haysan.

Haddaba waxaa la hubaa in aysan isqaadan karin diin Wahaabiya ah iyo dowladi oo waxaa loo baahan yahay in la soo celiyo diintii khayrka ahayd oo aan aflagaadhada iyo muranka ahayn. Waxaa loo baahan yahay in firqooyinkaas dadka wareeriyey meel looga soo wada jeesto oo aan la ka la soocin kuwooda hubka sita iyo kuwooda fawdada si kale u jilaya. Waxaa jira kuwo Wahaabiya ah oo sheegta in aysan Ashabaab ahayn, laakiin waxa aannu ummadda u sheegaynaa in ay isku ujeeddo yihiin iyaga iyo Ashabaab. Firqooyinka diinta ee fawdada wada waa in la ciribtiraa haddii la rabo horumar ummadeed. Wax kasta oo ay ummadda geliyeen waa in dib looga sifeeyaa si loo soo celiyo soomaalidii jiri jirey oo waddaniyiinta ahaa.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments