Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa dadkii oo idil kasoo horjeestay oo yiri qaabka aad u nooshihiin iyo hab nololeedkan aad doorateen waa mid qaldan, waayo aniga waxa aan ogahay wax aydaan ogayn. Ninkii waxa uu bilaabay in uu xeerarkii u dagsanaa bulshada jabiyo iyo in uu falaagoobo. Maalin ayuu yiri dadka deegaanka dhamaantood fagaare hala iigu keeno, waxa aan doonayaa in aan kala hadlo arin e. Goortii dadkii fagaarihii la iskugu keenay oo yar iyo waynba lasoo kacshay, lagana soo kaxeeyay camalkoodii ayuu bilaabay in uu la hadlo, waxa uuna yiri:-
“Dadoow, haddii aan idin iraahdo cadaw ayaa idinku soo socda oo halkaan magaalada afkeeda ah soo maraya, soo ma aydaan i aaminteen?”
Dadkii ayaa haa ugu jawaabay, deetana warkiisii ayuu sii watay, asaga oo leh:-
“Waan idin digayaa oo cadaab daran ayaa soo socda”
Adigii oo dadka ka midka ah, lana yaaban sida uu waqtiga kaaga qasaaray iyo waxa aad kusoo lug go’day, maadaama aadan waligaa maqal wax leh: Cadaab iyo halaag ayaa soo socda oo sidaasi dadka u argagax galiya, ayaad dadkii ka dhex kacday oo aad tiri:-
“Hoog baa kuu sugnaadaye, ma waxan ayaad iskugu keen yeertay!”
Ninka cadaabka iyo halaaga soo socda uga digayay magaalada, cadaynta kali ah ee uu ku cadayn karo arintaasi waa hadalo uun asaga afkiisa laga maqlo oo uu ku hadlo ee ma jirto cadayn kale oo la taaban karo.
Haddaba haddii kiiskani maxkamad loo gudbiyo, si loo kala saaro labadan qof, maxkamadana uu fadhiyo garsoore cadaalad ah, maxaa laga fili lahaa garsoorahaas in uu sameeyo si uu idiin kala saaro? Muxuuna ku salayn lahaa ayay kula tahay go’aankiisa iyo waxa uu u yaqaano “gar lahaansho” xaaladan oo kale?
Xikmadyahankii qallin-maalka Romanka ahaa ee Pubililius Syrus (85 – 43BC) ayaa laga hayaa in uu yiri:- “Garsooraha ayaa dambiile noqda, goorta uu dambiiluhu dambi laawe noqdo”
Adigii oo dadka kamid ah kuye alle igama mid dhigin gaalnimadiina shaki ayaa iiga jiray wayna iicadatay afkiina ayad rabtaan inad nuurka alle ku dumisaan markuu bilawga ahaa ayay qureysh yahuudii iyo qabaa ilo reer badiye ah isu soo raceen wayna dumin wayeen adina waxba kama qadi kartid
Hadaalin niyow kuwa aad sheegeysid qoorta loodheereyey ee adi yaa hada laguu Dheeren oo lagu gowricin waakuu digee afsomaline waku hadashaa adi alle haku qabto qofkale maheysatidee alle ayad daba soctaaa insha allahu alla ayaa iskaga qaban ee abalkaga sug mar uuun
Thnks pro
Qormada qurxon e ad noso gudbisey
Hore u soco liph
Cidnaba haw joojin