Yaa muslim ah?

Y
Diinta islaamku bilowgeedii waxa ay ku asaasantay dad qof qof diinta u soo gelayey oo ma ay jirin kooxo ama qabiilooyin isku mar nebiga isu dhiibey. Qof kasta oo diinta galaa waxa uu ogaa sababta uu u galay oo uu macneyn karey, waxa uuna ahaa qof ay isaga shakhsi ahaan uga soo go’day in uu nebiga ku raaco arrinta cusub ee uu la yimid. Sidaas waxaa diinta loo gelayey toban sano iyo dheeraad, waxa ayna dadka nebiga raacaa u samrayeen dhib kasta oo ay ka mutaan arrinta ay qaadashadeeda u bareereen.

Iyada oo ay gelidda diinta islaamku sidaas tahay ayaa waxaa bilowday in ay qabiilooyin diinta isku mar soo galaan iyada oo uusan shakhsiga diinta qaadanayaa ugu bareerin kas iyo go’aan naftiisa ka soo go’ay ee ay qabiilku diin aysan garanayn ku taageerayaan odayaal reerkooda ah oo ay u la muuqatay in uu tolku diinta wada galo.

Dhaqankii uu islaamku ku socdey muddo toban sano ka badan markii la beddeley waxaa soo baxay dhaqamo la jaanqaaday habkaas cusub, waxaana ka mid ahaa in ay muslimiinta ka dhex abuurmeen kooxo loo bixiyey “Munaafiqiin” oo aysan muslimiintu aqoon xilligii Maka la joogey ee dheeraa. Munaafiqiintu waxa ay markiiba noqdeen awood ka daran dhammaan gaaladii kale oo nebiga iyo raggii hore u rumeeyey wareeriyey.

Waxaa la wada og yahay xilligii ay nebiga geeridiisu soo dhowaatey in ay carab badan oo ay muslimiintu ka adkaadeen ama baqay qabiil qabiil diinta u soo galeen. Dadkii sidaas diinta u soo galay dhammaantood markii uu nebigu aakhiro aadey diinta waa ay ka laabteen oo waxa ay yiraahdeen “Annagu Maxamed baannu ka baqnay ee haddii uu dhintay carabtii la socotey taageeri mayno!”. Waa laga wada dheregsan yahay dhibtii Abuukar ka qabsatay carabtii awal diinta koox kooxda u soo galay, haddana isla koox kooxdii uga baxay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muslimiinta iyo Mulxidiinta

Dadkii diinta qabiil qabiilka ama koox kooxda u soo galay markii uu nebigu dhintay wax tayo ah ma ay yeelan oo maalintii uu nebigu xijaabtey ilaa ay khilaafadii islaamku baaba’day waxaa muslimiinta hoggaaminayey firkii Quraysheed ee uu asalkoodu ka soo jeedey dadkii diinta u qaatay qof iyo aragtidiisa u gaarka ah. Iska daa carabtii dib ka timid ee kuwii Madiina loogu tegey oo labo qabiil iyaga oo ah diinta soo galay wax tayo ah ma ay yeelan geeridii nebiga ka gadaal oo wax aan jirin bay ka yihiin taariikhda muslimiintii danbe oo dhan. Hummaaggii ay diinta ku taageereen oo is-huwanaa bay markii hore magac ahaan u jireen, ka dibna hummaagga laftiisii baa ciiryaamo noqday oo hal nin oo ka mid ah taariikhda laga heli mayo. Wixii loollan muslimiinta dhex maray ama gaalo la la loollamay waxaa hagayey Qureysh soocan.

Haddaba qofku in uu isaga oo go’aan qof ahaaneed leh mabda’ qaato iyo in uu duufaan socota iska raacaa macne weyn bay ku ka la duwan yihiin. Haddii aynu aragtida sidaas u salayno maanta dadka jooga hal koox baa muslimiin ka ah. Waa dadka ku soo barbaaray bay’ado aan muslimiin ahayn oo ay dadka ku nooli fakaraan, ka dibna diinta islaamka soo galay iyaga oo qeexi kara sababta ay muslimiin u noqdeen. In dadka ay ka soo baxeen ay fakaraan waxa aan uga jeedaa in aysan dadkaasi ku khaldamin afrikaan cawaan ah oo gaajaysan oo ay wadaaddo sucuudiyaan ahi cunto ku muslimiyeen.

Bah weynta diinta awooweyaal ka soo dhaxlay haddii aynu gaar uga hadallo waxaa la og yahay in ay dadka ugu liitaan kuwa wixii ay ku soo koreen iska difaacda, waxyaalaha kalena ka qalooda iyaga oo aan innaba ka fakarin waxyaalaha la ka la haystaa wax ay ku salaysan yihiin oo aan isweydiin dadka ka duwani sababta ay u ka la geddisan yihiin. Dadka noocaas ahi in kasta oo ay aad u liitaan waa tirada ugu badan ee aadamiga. Nin baa 80 sano lo’ caabudaya isaga oo aan daqiiqad noloshiisa ka mid ah ka shakiyin in ay xaq tahay in uu sac caabudaa, la yaabna ma uu laha oo waxa aynu sheegnay in ay dadku sidaas u badan yihiin. Tirada sidaas ahi dadka waa 100% oo waxaa la hubaa dadka su’aalaha keenaa in aysan dhammayn 0,001%.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aftahmo iyo afjuxuunsi

Haddaba dadka badan ee maanta muslimiinta sheegtaa waxa ay la mid yihiin kuwii sanabbada caabudayey ee uu nebigu ka soo dhex baxay oo ka qaloonayey aragti kasta ee cusub oo aan ahayn in sanab la caabudo. Waxaa la wada og yahay mushrikiintaasi daliisha ugu weyn ee ay diintooda ku daafacayeen in ay ahayd in ay awooweyaashood ka soo gaareen iyo in ay rumaysan yihiin oo aan laga maagi karin iyada oo dareenkooda la xaq dhawrayo. Dadka caalamka islaamka ku barbaaray si kasta oo caqiidadooda loo eego waxa ay la summad iyo sinji yihiin carabtii wathaniyiinta ahaa ee hore, mana ay rumayn islaamka ee waa ay iska weheshadaan qalo ay ka qabaan dhaqamada kale darteed.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
GALDIIID
GALDIIID
4 Bilood Kahor

Hhhhhhhhhh halkaana waa keydkiina miyaa
Wallhi waa dhibantihiin
Hadii aad qorteen qormooyinkaa wax idiin eegana maleh
Miskiin

Maxamuud Xuseen
Maxamuud Xuseen
3 Bilood Kahor
Reply to  GALDIIID

hhhhhhhhh Wlh Aqoon beey u lahayn soomaalida, xitaa taariku salaadkeena ayaan laga soo Marin dhanka diinta iyo wax xun ka sheegideeda. Alloow kor u qaad cisiga islaamka