Zaraadishtiyada

Z

Hordhac

Diinta Saraadishtiyadu waa mid ka mid ah Diimaha soo jireenka ah ee ku dhisan in Ilaah keliya jiro, oo isaga loo yahay addoomo kaas, oo la dhaho Ahurmasda. Da’ ahaan waxay jirtay saddex kun oo sanno in ka badan. Waxaa asaasay Saraadish nin la odhan jiray. Dadka haysta diintan waxay u arkaan dabka inuu yahay astaan barakaysan, oo aanay ahayn in aanu mar qudha bakhtiyin. Dabku waa xikmad ilaah oo waxay ina tusaysaa bay leeyihiin awoodda ilaahay. Saradiish waxa u gu hor rummeeyey gabadhiisi Hafawayh iyo inan adeerkii dhalay, oo la odhan jiray Maytoomah. Waxa la sheegay in samada loo dheelmiyey, oo u qaaday malag weyn si uu u la soo kulmo Ilaah Ahurmasda.

Qofkii doonaya in uu galo diinta Saraadishta, waa inuu qiraa jiritaanka Ahurmasda iyo Saraadisht oo ugu jira booska shahaadada islaamka(الشهاديتين), waa inuu is daahiriyaa. Waxa jira mala’ig qoraysa dambigiisi iyo khayrkiisa marka uu qaangaadho ilaa dhimashadiisa.
Saraadiishta, waxa ku jira xukunnadan: gacan goynta tuugga, xaarantinimada sinnada/gogol-dhaafka, xaarantinimada dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xaarantinimada khamri cabista, xaarantinimada beenta iyo is dilka.

Kitaabka Avesta

Diinta Saraadiishtiyadu waxay leedahay Sako laga qaado qofka ay ku waajibto ama xoolo sako goys ah haysta, iyadoo laga qaadayo saddex meelood meel. Saraadiishtiyadu waxa ay ogoshahay guurka badan(تعدد الزوجات). Qofku markuu dhinto biyo lama taabsiinayo jidhkiisa, jidhkiisa waxa lagaga tagayaa dhulka si shimbiruhu u cunaan ama sanduuq macdan ka samaysan baa lagu ridayaa. Diintan waxa lagu haystaa Hindiya, Iraan, Afqaanistaan, Ameerika, Usteerilaya, Kanada—saddexdan dambe dadka haysta ee ku nool waa dad qaxootinimmo ku tagay.

Ciiddooda waxa la dhahaa Nayruus. Waxay leedahay kabco la dhaho kabcadda Saradiish, oo la dhisay qarnigii shanaad ama xiligii Aykhimaan. Kitaabkooda barakaysan waxa la dhaha Avesta.

Is Barbardhiga Islaamka iyo Saraadishta

Diinta Saraadiishtiyadu waxay leedahay shan salaadood, oo la ooggo maalintii iyo habeenkii: salaadda u horraysa waxa la tukadaa subaxa hore intaan qorraxdu soo bixin; ta labaadna waxa la tukadaa duhurkii; ta saddexaad waxa la tukadaa intaan qorraxdu dhicin; ta afraadna waxa la tukadaa marka qorraxdu dhacdo; ta shanaad waxa la tukadaa habeenkii. Khasab weeye in qof kastaba uu ilaaliyo oo maalin kasta tukado.

Qofka rumaysan Saradiishtiyada marka uu doonayo inuu tukado, waa inuu weysaysta, oo dhaqa/maydha wejigiisa, gacmihiisa iyo lugihiisa. Saradiishtu waxay leeyihiin ducooyin ay si maalinle ah u akhristaan intaanu ka bixin guriga; intaanay wax cunin ama cabin; intaanay seexan. Taas, oo ay ka shabahaan Diinta Islaamka.

Diinta Sardaashiyadda qofka doonaya inuu rumeeyo, waa inuu ku dhawaaqo shahaadatayn. Waa in uu dhaho, “Waxaan rumaynaya Ilaahay khayrka u saaxiibka ah ee qaniga ah; waxaan raacsanahay in Saradiisht uu yahay rasuulkiisa karaamada leh”. Halka Islaamkuna ay dhahaan kolka qof Islaamka galayo, “Waxaan rumaysanahay in Ilaahay mooye aanu Ilaah kale jirin; Maxamed-na yahay rasuulkii Ilaahay soo diray”.

Marka qofku qaato Diinta Sardashiyada waxa aan u banaannayn inuu ka laabtp/riddoobo haddii kalena uu dil ku mutaysanayo ama dil ku xukuman yahay. Islaamkuna waxay dhahaan, “Qofkii diintiisa beddela dila” (من بدل دين فقتلوه).

Qofka rumaysan diinta Sardashiyada waa inuu ka fogaado ama lagu arko meelaha liita iyo suuqyada qishka iyo khiyaamadu lagu sameeyo. Islaamka laftiisu wuxuu qabaa aragti la mid ah tan diinta Sardashiyada. Nebi Maxamed waxa uu yidhi, “Shaydaanku wuxuu calankiisa ka taagta suuqyada si u fasaahadiyo dadka waxa iibinaya iyo wax iibsanaya”.

Muslim waxa uu kusoo saaray xadiis saxiix ah kutubkiisa, kaas oo werinayo Abu Hurayra, oo odhanaya; “Waxaan ugu jecelahay dhulka ilaahay masaajidada; waxaan u gu necebahay dhulka ilaahay suuqyada”. Basaar iyo Dabaraanina waxay soo rarreen xadiiska Salmaan Al Fariisi ee odhanaya, “Ha noqonina haddii aad awoodaan kuwa u gu horreeya ee suuqa gala hana noqonina kuwa ugu dambeeya. Waayo, waa goob shaydaan waxaana ka taagan calankiisa”.
اخرج مسلم في صحيحه من حديث أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: أحبّ البلاد إلى الله مساجدها، وأبغض البلاد إلى الله أسواقها.
وأخرج البزار والطبراني من حديث سلمان الفارسي رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: لا تكونن إن استطعت أول من يدخل السوق ولا آخر من يخرج منها فإنها معركة الشيطان وبها ينصب رايته.

Ka hor dhalashadii Saraadisht, waxa kasoo baxay nuurka Ilaahay guriga Burshaab, waxa ku faraxday dabeecadda. Xilligii dhalashada rasuulka—Saradisht— waxa ifay qasriyadii ku yaallay Shaam. Dabaraani waxa u soo weriyey in nebigu-Maxamed- yidhi, “Hooyaday waxay riyo ku aragtay isagoo iftiin kasoo baxayo labadeeda lugood kasoo ifiyey qasriyada Shaam ku yaalla”. Al Jaamic(224).
وروى الطبراني أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( ورأت أمي في منامها أنه خرج من بين رجليها سراج أضاءت له قصور الشام ) حسنه الألباني في صحيح الجامع (224)
الإسراء والمعراج في الإسلام والزرداشتية:

Isbar-bardhigga Dheelmashadii Nebi Maxamed(الإسراء والمعراج) iyo ta Zaraadisht

Diinta Zaraaishtiyadu qaaban ayay uga hadashay arrintan;

1- Saraadisht—Firaaf— waxa ruuxdiisa tagtay halkii ay ku taallay wadadda toosan ama biriishkii toosnaa— الصراط المستقيم – الجسر المستقيم—.
2- Maalintii todobaad ayey ruuxdiisu kusoo noqotay jidhkiisa.
3- Waa uu toosay sidii qof kasoo toosay hurdo deggen, oo macaan, oo bilaa rabash ah.
4- Mid faraxsan buu noqday.
5- Waxa si guud ah u buuxisay quluubta dumarka walaalaha ah, kuwo xeerdejinta iyo kaahinada.
6- Waxay ku dhaheen: Ahlan waa sahlan soo dhowoow Firaaf, rasuulkayagow, rasuulka Masdiyaanow, kii kasoo noqday boqortooyadii dhimashada ee kusoo noqday boqortooyadii nolosha.
7- Dhammantood way tukadeen, hoos bay u gu foraarsadeen Firaaf— Sidii ay Xawaariyiintii Ciise kolkii u soo baxay.
8- Markii Firaaf arkay sida guud ee loo rumeeyey, waxa u yidhi, “Waxaan fariin iyo salaan idinka sida Ilaaha Uhurmasaad iyo Mala’igta waweyn”.
9- Iyo Nebiga Saradiisht salaan barakaysan.
10- Waxaan Suurashkii qadaasada laha iyo malak Adaar idinka sida salaan barakaysan.
11- Iyo dhammaan Qidiisiyiinta iyo dhammaan arwaaxda Mu’miniinta ah ee jannada joogta kuwaasoo loogu nicmeeyey liibaan iyo damaanad qaad waaritaan.
12- Intaas ka dib waxa uu yidhi; “Diinta waa la sharciyey ee raaca”.
13- Barakow rasuul Firaafkii aaminka ahaayow.
14- Waxaan qabtay waa barako inoo sugnaatay dhammaanteen.
15- Sidaas ayuu u hadlay Nebi Firaaf.

Islaamkuna markuu ka warramayo dhelmashada Nebi Maxamed iyo meesha lagu magcaabo (سدرة المنتهى)

Xadiiska Dabari ku yaalla ee odhanaya, “Nebiga markii la dheelmiyey waxa safarkiisu ku dhammaday ‘Sidratul Muntaha’, oo ku taalla Samada Lixaad”.
ورد عند الطبري: (… قَالَ : لَمَّا أُسْرِيَ بِرَسُولِ اللَّه
صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ انْتُهِيَ بِهِ إِلَى سِدْرَة الْمُنْتَهَى وَهِيَ فِي السَّمَاء السَّادِسَة ….)

Xadiiska Anas Ina Maalik ee odhanaya, “Markii safarkaygu—Nebiga— ku dhammaday cirka todobaad, waxa la ii keenay Nebi Ibraahim. Waxaan ku idhi Jibriil, “Kani waa kuma?”. Jibriil baa igu yidhi, “Waa aabbaha Ibraahim”. Waan salaamaya. Waxa uu igu yidhi, “Soo dhawoow inankii wanagsanaa iyo nebigii wanaagsanaayoow”. Nebigu wuxuu yidhi, “Waxa kor la i gu qaaday Sidratul Muntaha…..)( Sidratul Muntaha, oo ku taalla Cirka todobaad).. Waxa kale, oo sidan soo weriya; Ibnu Cabbaas, Ibnu Mascuud iyo Qataada…..
(…عَنْ أَنَس بْن مَالِك عَنْ مَالِك بْن صَعْصَعَة رَجُل مِنْ قَوْمه قَالَ : قَالَ نَبِيّ اللَّه صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : وَلَمَّا انْتَهَيْت إِلَى السَّمَاء السَّابِعَة أَتَيْت عَلَى إِبْرَاهِيم فَقُلْت : يَا جِبْرِيل مَنْ هَذَا ؟ قَالَ : هَذَا أَبُوك إِبْرَاهِيم , فَسَلَّمْت عَلَيْهِ , فَقَالَ : مَرْحَبًا بِالِابْنِ الصَّالِح وَالنَّبِيّ الصَّالِح , قَالَ : ثُمَّ رُفِعَتْ لِي سِدْرَة الْمُنْتَهَى فَحَدَّثَ نَبِيّ اللَّه…)
(.. أَنَّ النَّبِيّ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” رُفِعْت لِي سِدْرَةٍ مُنْتَهَاهَا فِي السَّمَاء السَّابِعَة ..)
(…عَنِ ابْن عَبَّاس , قَوْله : { عِنْدهَا جَنَّة الْمَأْوَى } قَالَ : هِيَ يَمِين الْعَرْش , وَهِيَ مَنْزِل الشُّهَدَاء…)
ثانيا – ورد عند الماوردي:
(.. عن ابن مسعود قال : لما أسري بالنبي صلى الله عليه وسلم انتهى إلى سدرة المنتهى وهي في السماء السادسة ..)
(..عن قتادة عن أنس أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : « رُفِعَتْ لِيَ سِدْرَةُ الْمُنتَهَى فِي السَّمَاءِ السَّابِعَةِ …)

Kala jeexistii labta Saraadisht

Waxa lagu kala jeexay labtiisa seef, ma shakiyiin, oo wuu ku dheggenaa iimaankiisa Bahoora-Musda(Ilaaha Nuurka), Ilaaha weyn. Ahwaara-Muzda, ayaa u soo dhiibay kitaab Cilmi iyo Xikmad u saxiib ah, oo u amray in uu dadka kale gaadhsiiyo wixii ku yaalla. In badan baa caalamku sakhirayey oo ku maadsanayeen ilaa uu warkiisa maqlay Boqor faarisi ah oo lagu magcaabi jiray Fashtashba ama Hastasbas. Waxa cajabiyey waxa uu maqlay, waxa uu ballan ku qaaday inuu ku fidiyo diinta cusub bulashadiisa dhexdooda, sidaas bay ku dhalatay diinta Saraadiishta.

Saraadisht waxa uu yidhi, “Dadyahow, waxaan ahay rasuulkii Ilaahay idin soo diray si uu idin hanuuniyo, Ilaahay waxa uu ii soo saaray ilaa iyo aakhiru samanka… Waxa uu doonay inuu noloshan adduunyada igu soo gebo-gebeeyo aniga. Waxaan u imi in aan xaqqa iyo waddada toosan idinkugu baaqo. Mid bushaaro idin wada ayaan ahay maadaama waqtigii jiritaanka dunidu dhammaad ku dhow yahay. Ilaahay si xamaaso leh oo dheerayn ku jirto u gudbi
fariinta buu i gu yidhi”.

Furitaanka laabta Nebi Maxamed:

Anas baa nebiga kasoo weriyey, in Jibriil u yimi isagoo la ciyaaraya wiilal kale, deedna wuu qaatay, oo qalbigiisa ayuu kala jeexay, waxa u kasoo saaray waslad, waxa uu yidhi, “Kani waa shaydaanka nasiibkii, deedna waxa lagu maydhay biyo dahab waa la xidhay halkiisina waa lagu celiyey”. Qisadan waxa sheegtay Xaliimo Sacdiya, oo nuujin jirtay nebiga.
عن أنس أن رسول الله صلى الله عليه وسلم أتاه جبريل
وهو يلعب مع الغلمان فأخذه ، فصرعه ، فشق
عن قلبه ، فاستخرجه ، فاستخرج منه علقة ،فقال : هذا حظ الشيطان منك .
ثم غسله في طست من ذهب بماء زمزم ، ثم لأمه ، ثم أعاده إلى مكانه .

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
W/Q: Mo Yare